Skip to main content

Imaaraatka Carabta oo Sheegay in Safaarad iyo Qunsilayadba aaney ku leheyn Somaliland

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, oo u warramay laanta afka carabiga ee BBC ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya.
Iimaaraadka carabta oo cilaaqaadka kala dhaxeeya dawladda Soomaaliya uu sii darsanayey ayaa markii ugu horreeyey ka hadlay halka uu ka taagan yahay xiriirkaas, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in heshiiska Berbera uu kala hadlay dawladdii ka horraysay tan hadda ka jirta Soomaaliya.
"Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalinteennu waxay ku koobnayd 
fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay siyaasadda Soomaali mid ah inaysan anaga reebaynin dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka samayno". ayuu yiri.
Anwar Maxamed Qarqaash wuxuu ugu baaqay dawladda Soomaaliya inay arrinka khilaafka ka gasho wadahadal furan oo aan lagu qaban "qol xiran".
"Haddii qof ku kaalmaynayey 20 -25 sano ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa. Ma aha in aad qabsato 47 askari oo iimaaraadka u dhashay oo ciidamada tababaraya, oo ku dhawaad 10 Malyan oo Doollar oo ah wixii ku baxayey ciidan badan oo Soomaali ah siday, oo go'aankaas inta aad qaadatay aad tiraahdo arrinta waxaan ku xallinaynaa qol xiran. Maya, maya, sidaasi hawsha kuma dhamaanayso. Waa in arrintu cadaataa" ayuu yiri wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Iimaaraadka Carabta.
Xiriirka labada dhinac ayaa sii xumaanayey taniyo markii todobaadkii hore ay dawladda Soomaaliya la wareegtay lacag 10 malyan oo Doollar ku dhow oo la sheegay in lagu qabatay garoonka dayaaradaha ee Muqdisho.
Sidoo kale tababareyaal milateri ayaa muddo ku xannibnaa garoonka dayaaradaha ee Boosaaso, kuwaasoo markii dambe loo ogolaaday inay ka dhoofaan.
Hadal uu soo saaray Iimaaraadka carabta ayuu ku sheegay inuu joojiyey hawlihii uu ka waday Soomaaliya, waxaana billowday dhaqdhaqaaqyo uu qalab kaga qaadanayo xerada tababarka milateriga ee Jen. Gordon.
Waxaa kale oo Iimaaraadka carabtu uu joojiyey hawlihii uu ka waday isbitaalka Sheekh Saayid ee magaalada Muqdisho.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........