Skip to main content

Posts

Showing posts from July 4, 2020

Maxay isku hayaan Aby Axmed iyo maamul goboleedka Tigreega?

Maxay isku hayaan Aby Axmed iyo maamul goboleedka Tigreega? 20 Daqiiqadood ka hor XIGASHADA SAWIRKA, NAZARET Qoraalka sawirka, Madaxweynaha deegaanka Tigrey Khilaaf ka dhashay dib u dhigista doorashada guud ee dalka Itoobiya, waxay uga sii dartay xiisadda u dhaxeysa dowlad deeganaka Tigreyga iyo dowladda federaalka ee Itoobiya uu uu hogaamiya ra'iisal wasaare Aby Axmed. Maamulka deeganaka Tigreyga ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan doorasho iyaga u gaar ah, ayna iska indha tiri doonaan go'aanka federaalka iyo guddiga doorashooyinka oo dib u dhigay doorashada guud oo ay ahayd inay dhacdo bisha Agoost ee sanadkan. Haseyeeshee arrintaas ma aanay suurtagelin oo waxaa saameeyay xanuunka corona. Horaantii bishii Juun, aqalka sare ee Itoobiya ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay muddo xileedka ra'iisul wasaare Abiy Axmed. Taas waxay keentay in afhayeenka Keria Ibraahim oo xil sare ka heysa xisbiga TPLF ee Tigreyga ay iska casisho xilka, iyadoona Abiy ku tilmaamtay "kaligii tal