Skip to main content

Maxay isku hayaan Aby Axmed iyo maamul goboleedka Tigreega?

Maxay isku hayaan Aby Axmed iyo maamul goboleedka Tigreega?

NAZARET
Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha deegaanka Tigrey

Khilaaf ka dhashay dib u dhigista doorashada guud ee dalka Itoobiya, waxay uga sii dartay xiisadda u dhaxeysa dowlad deeganaka Tigreyga iyo dowladda federaalka ee Itoobiya uu uu hogaamiya ra'iisal wasaare Aby Axmed.

Maamulka deeganaka Tigreyga ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan doorasho iyaga u gaar ah, ayna iska indha tiri doonaan go'aanka federaalka iyo guddiga doorashooyinka oo dib u dhigay doorashada guud oo ay ahayd inay dhacdo bisha Agoost ee sanadkan. Haseyeeshee arrintaas ma aanay suurtagelin oo waxaa saameeyay xanuunka corona.

Horaantii bishii Juun, aqalka sare ee Itoobiya ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay muddo xileedka ra'iisul wasaare Abiy Axmed. Taas waxay keentay in afhayeenka Keria Ibraahim oo xil sare ka heysa xisbiga TPLF ee Tigreyga ay iska casisho xilka, iyadoona Abiy ku tilmaamtay "kaligii taliye".

Xisbiga TPLF oo hadda ka arrimiya deegaanka Tigreyga ayaa lagu eedeeyay inay qoronayaan askar "xilka ka tuurta dowladda federaalka".

Dibadbaxyo aan horay loo arag

.
Qoraalka sawirka,

Dibadbaxyo ayaa ka dhacay deegaanka Tigrey

Xisbiga TPLF oo horay uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP.

TPLF ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay hurinayaan dibadbaxyo ka dhacay gobolka Tigrey, waxayna intaa ku dareen in warbaahinta dowladda ay warar been abuur ah ka faafinayaan gobolka, si ay u kala qeybiyaan dowladda deegaanka Tigreyga iyo shacabka deegaankaas.

"Wararka been abuurka ahaa waa arrin guuldarreystay oo warbaahinta ay ku raadinayeen dulduleelo iyo in khilaaf la kala dhex dhigo xiriirka ka dhaxeeya maamulka deeganaka iyo shacabka oo dowladda federaalka madax xanuun ku noqday labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaan doonayaa in saaxiibada iyo cadawga aan u sheego in anaay jirin wax dibadbax ah oo ka dhacay meel kamid deegaanka Tigrey, sidookalena aysan jrin wax amni darri ah oo ka dhacay deegaanka," waxaa sidaas lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay maamulka sare deeganka Tigre.

Qaar kamid ah dadka ku nool deegaanka Tigrey ayaa meelo kamid ah dhulka maamulka ka dhigay dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan maamul xumi, shaqo la'aan iyo caga-jugleynta dadka mucaaradka.

"Dibadbaxyada waxaa markii hore lasoo tebiyay bartamihii bishii May, waxayna ahaayeen kuwa goosgoos ah. Way adkeyd in si madaxbanaan looga soo warramo bannaanbaxyada", waxaa sidaas kusoo warramay weriye katirsan wargeyska gaarka loo leeyahay ee Addis Standard.

Haseyeeshee dibabaxyadaas waxay minja xaabinayaan awoodda siyaasdaeed ee xisbiga TPLF uu ku leeyahay deegaanka.

"Xisbiga Tigree ee TPLF waxaa uu isku dayayayaa in uu in uu dadka kala qeybiyo oo uu dadka ka aragti duwna weeraro, hor-istaagana horumarka oo ay kamid tahay dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaaga", sidaas waxaa yiri madaxa xafiiska PP ee deegaanka Tigreega, Nebiy Sihul Mikael oo la hadlayay wakaaladda wararka ee dowladda Itoobiya.

.
Qoraalka sawirka,

Ciidanka Itoobiya

Xisbiga talada haya ayaa ku baaqay in tallaabo laga qaado TPLF, waxa uu na walaac ka muujiyay hab-dhaqanka mamauulka deeganka oo uu sheegay in taas ay gooni u fuquuqeyso dadka shacabka ee ku nool deegaanka Tigree.

"Gooni isutaag"

Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigrey ayaa dhowr jeer ku hanjabay inay ka go'ayaan Itoobiya inteeda kale, iyagoo soo daliishada qoddob kamid ah dastuurka Itoobiya oo dhigaya "in shuruud la'an ay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan oo ay kamid tahay gooni isu tag".

"Waa inay jirtaa sinnaan dhanka qabaa'ilka, haddii kale waa in la ogaadaa in dadka Tigree-ga ay xaq u leyihiin inay go'aan," sidaas waxaa ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Tigreega, ahna guddoomiyaha xisbiga TPLF.

Dadka indheer garadka ee kasoo jeedaa gobolka Tigree iyo mucaaradka ayaa sheegay in haddii lagu dhawaaqo gooni ustaag ay xaaladda uga sii dari karto oo ay "mussiibo noqon doonta

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........