Skip to main content

Maxay salka kuhaysaa xurgufta kadhextaagan baar lamaanka iyo xukuumada

Maxay salka ku haysaa xurgufta ka dhax taagan baarlamaanka iyo xukuumadu, aragtidayda.

Sidaan la wada socono xubnaha baarlamaanka(heer deegaan iyo heer dal) waxay ka tirsanaayeen xisbigii hore ee EPRDF(SDP) iyagoo markaas ku shaqayn jiray aragtida xisbigaas, waxaa muuqata in xisbiga cusub ee heer dal lagu midoobay ee PP uu san soo sharixi doonin( waa sida ay u badantehee) xildhibaanada hada baaraalmaanka ku jira oo lala shir imaan doono xubno cusub.

Sidoo kale xildhibaanada hadda waxaa ku batay ceebayn iyo canaan uga imaan jiray dhanka xukuumada iyo shacabka iyagoo lagu tilmaami jiray in ay qaataan uun wixii loo yeedhiyo.

Kacdoonka xiligan waxaa sal u noqon kara iyagoo isku dayaya in ay iska biiyaan magacaas xun ee ku dhagsanaa si ay uga sii muuqan karaan masraxa siyaasadeed xisbigay doonaan ha ku biiraane.

Jawaabta ay xukuumadu ka bixisay ma saxbaa ?

- sida la sheegay waxay ciidan ku talbatay xildhibaanada gadooday( qalad)
- waxaa la hor istaagay saxaafada qaarkeed( qalad).

Xukuumadu waxay u dhaqmaysaa sidii ay siyaasada layli ku tahay, waxaanad moodaa in ay hor kacayaan dad dano khaas ah wata, xisbiguu waxaa la rabaa inuu dhibaatooyinka gudihiisa ka jira si hoose u xalisto, waxay ahayd intuusan shirku gaadhin lala gorgortamo oo is afgarad lagu dhameeyo wixii khilaafa( kolay waan ognahoo waxoodo uma badna mabaadii iyo dano guud eh)

Rashada noocan ah maxaa ka dhalankara ?

- waxay naf ama shidaal siin doontaa xubnihii xukuumadii hore oo iyagu raadsanaya dalool ay kaga soo noqon karaan markale ?

- waxay wiiqi doontaa sumcada iyo awooda dawladu ay ku leedahay masraxyada heer federaal, waxaana loo arki doonaa in ay sharciga baal martay.

- Waxay saamayn ku yeelan doontaa soo dhcinta xaqqaa deegaanka kaga maqnaa heer federal.

- Waxay fursad siin doontaa xooggaga dawlada Federal ee PP oo uu Abiy hogaaminayo iyagoo heli doona fursad ay ku soo faragaliyaan qaabsocodka siyaasadeed ee deegaanka, wakhti xaadirkan kuma degdegi doonaan in ay hogaanka wax ka badalaan balse waxay u leexin doonaan siyaasada deegaan siday iyagu rabaan.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........