Skip to main content

Lixdan Guurada Lixdankii: Ma shantaa laba ah, mise labadaa shanba ah?

Lixdan Guurada Lixdankii: Ma shantaa laba ah, mise labadaa shanba ah?

  • ABoobe Yuusuf Ducaale
  • Qoraa iyo wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland
Xafladdii 26 June ee magaalada Hargeysa
Qoraalka sawirka,

Xafladdii 26 June ee magaalada Hargeysa

Halgan dheeraa, haydaar badnaa oo hub iyo heesba la isku hurgufay dabadii ayay shacbigii Maxmiyaddii Ingiriisku gumeysanayay degganaa soo hooyeen libin la haybinayay. Waa 25kii Juun, sannadkii hoodada lahaa ee Afrika. Waa 60kii oo 60 sannadood laga joogo, munaasabadihii lagu muuneeyay aan xabbad-qaado:

Garoonkii u dhawaa malcaamaddii Ina Baraawe (Masaajidka Ibraahin Dheere) ayaa casar la isugu soo baxay. Filib Karal oo gumaysigii ka wakiil ahaa iyo Cigaal oo dawladdii dhalatay hoggaaminayay ayaa joogay. Labadii calan ayaa la is-weydaariyay Timacaddena geeraarkii Kaana sib, Kanna saar ayuu ka tiriyay, Koox reer Scotland ahayd oo Cadan laga keenay ayaa miyuusig tumaysay,

Habeennimadii Beerta Xorriyadda ayaa lagu dabbaal-degay saqdii dhexena calankii lagu saaray iyada oo 21 madfacna loo riday,

Subaxnimadii 26kii Juun garoonkii Boolooga (Istaadiyamka Hargeysa) ayaa la isugu tegay oo Cigaal iyo madaxdii Soomaaliyeed salaam kaga qaateen ciidankii millateriga. Subaxdaa laga bilaabo dalku xor ayuu ahaa oo gumeystayaashii shalay galabnimadii ayay ka hulleeleen,

Wefdi Xildhibaanno ahaa oo Aadan Cadde hoggaaminayay oo Xamar ka yimid ayaa ka qayb galay. Wefdigaas iyo 5 xubnood oo ka mid ahaa Kooxdii Walaalo Hargeysa ayaa subaxnimadii Muqdisho u ambo-baxay si' ay uga qayb qaataan xafladda xornimada 1da Juulay ee Gobolka koonfureed xornimada uga qaatay Talyaaniga gumeysan jiray.

Isla markaana labada gobol ee ay kala gumeysteen Ingiriisku iyo Talyaanigu is-raacayeen si' loo xaqiijiyo midnimada shanta Soomaaliyeed oo ahayd beryahaa aragti Soomaaliyi meel ay joogtaba ka mideysneyd.

Xaggee ayay aragtidaasi ka timid? Mudane Cigaal ayaa mar RTD-da Jabuuti wareysanasay 1994kii sidan u dhigay isaga oo ka ambo-baxayay mar uu Ingiriisku ka wada talinayay: Jigjiga, Hargeysa, Muqdisho iyo Gaarisaba:

1.Socodkii dadka oo isu furmay,

2.Ganacsigii oo isaguna isu furmay, taasina keentay horumar iyo noloshii dadka oo kor u kacda,

3.Dadkii gobolladaa kala duwanaa deggenaa oo maamulkii iyo dokumentigiiba ka midoobay taasina noloshii fududaysay,

Intaas Cigaal sheegay waxa raaci karayay curiyayaal ama cawaamil dibadeed oo iyaguna aragtidaa taageerayay.

Ingiriisku maba qarsan oo wuxu soo dhigay qorshihii 'Bevin' oo loogu magac-daray Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda oo soo jeediyay in Soomaalida hal gumeysi la hoos geeyo. Isaga ayaa isku waday waana lagu gacan-saydhay. Danayntii Ingiriiska ee furitaankii BBC-da mar lala furay afafka Xawsaha iyo Sawaaxiliga ayaa iyaduna markhaati u ah.

Masaarida ayaa noqon karaysay iyaduna curiye kale oo u ololaynayay midnimada Soomaaliyeed oo ay dan weyn oo ilaa maanta aawani ugu jirtay oo daarran dhaqaale iyo amnigeeda qowmiga ahba. Barnaamajyadii kicinta ahaa ee Idaacaddii 'Sowtal Carab' ee Qaahira ee kontonnadii qarnigii 20aad iyo Idaacaddii af-soomaaliga ku hadlaysay ee danbe ayaa marag ka ah.

Midnimada iyo isu-hilowgii shanta Soomaaliyeed intaas oo keliya kuma fadhiyin ee waxyaabo badan oo kale oo islaannimada iyo Soomaalinnimadu ka mid yihiin ayaa dadka isu soo jiidayay. Dhur iyo dhaqan ayay wadaageen. Qaybin la kala qoqobay iyo midiidinsi ayay wadaageen. Intaas oo dhan ayaa boholyowga iyo isu-hilowga keentay.

Carruur u gacan haatineysay mid ka mid ah saraakiishii Gumeystihii Britain
Qoraalka sawirka,

Carruur magaalada hargeysa ku soo dhaweynsay wafti ka socday gumeystihii Ingiriiska 1950-maadkii

Mideynta shanta Soomaaliyeed hiigsi iyo himilo aan lala gabban ayay u ahayd dadka Soomaaliyeed meel ay joogeenba. Dabkaa iyo oogtaa isu-keenidda dadka Soomaaliyeed meel walba waa ay ka baxayeen. Mararka qaar Xamar baa shidneyd. Mararka qaar Jigjigaa aawaneyd. Maxamuud Xarbi Faarax oo ahaa Guddoomiyihii ugu danbeeyay ee ururkii Pan Somali ayaa mararka qaar oogtaa calan-side u ahaa, Ilaahay wuxu qaddaray in ku-sinnaan dhammaadkii komtomkii qarnigii 20aad Maxmiyaddii Somaliland noqoto xarunta iyo xuddunta waddaninnimada Soomaaliyeed. Dareenka mideynayay yuhuunta iyo yididiilada dadka Soomaaliyeed oo ka daaran Hargeysa ayaa 26kii Juun, 1960kii la xaqiijiyay madax-bannaanidii Somaliland. Sidaas ayuu Somaliland ku fuulay xil ka weyn oo ka culus kii hore u saarnaa.

Somaliland waxay go'aansatay in ay Soomaaliya oo madax-bannaanideedii Talyaaniga ka qaadanaysay 1dii Juulay, 60kii is-raacaan si' ay horseed ugu noqdaan mideynta shanta Soomaaliyeed, Is-raacan labada gobol laba arrimood ayaa loo sababayn karaa markaad xagga Somaliland ka soo joogsato:

  • Fulinta nidarkii Soomaaliyeed ee aan qornayn rasmigana ahayn ee mideynta shanta Soomaaliyeed,
  • Is-diiddo iyo isa-seeg dhex yaallay hoggaankii siyaasadeed ee markaa jiray ama fal-celiskii ka dhashay saluugga xubno saamayn hoggaamineed lahaa. Waxa intaa raaca dano qofeed, qabiil ama kooxeed oo ka dhex muuqan waayay nidaamkii dhismay,
bbc

Sidaas ayaa loogu ambo-baxay Muqdisho 1dii Juulayna madax-bannaanidii Soomaaliya iyo is-raacii labadii gobol ee xoroobay lagu xaqiijiyay.

Waxa bilaabmay dhismihii hay'adihii dawladeed oo aan si' tixgelin leh loo qaybsan ee Soomaaliya sed bursatay oo aan wax naf leh laga siin Somaliland. Saluug, tabasho iyo niyad-jab aan ilaa maanta ka tirmin xiska dadka ayaa ka beermay. Waxa ka beermay wixii dhaliyay dagaalladii sokeeye iyo la soo-noqoshadii madax-bannaanidii Somaliland.

Qoraalka taariikhda iyo buugaagta midna ma aawanayn berigaas ee bal hadda aan deymoonno hal-abuurkii waayahaa la noolaa waxay ka yidhaahdeen:

Adan Cabdulle Cusmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isa salaamayay maalintii xuriyadda ee 1960-kii
Qoraalka sawirka,

Adan Cabdulle Cusmaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isa salaamayay maalintii xuriyadda ee 1960-kii

Dr. Cabdirashiid oo Ra'iisal-wasaare ahaa ayaa gobolkii woqooyi booqday bilowgii Ogos, 1960kii booqasho ku tegay. Bil iyo maalmo ayuu is-raacu jiray. Timacadde ayay Kalabaydh oo Gebilay ka tirsan ku kulmeen. Geeraar soo-dhaweyn ahaa oo Timacadde maalintaa tiriyay waxa ku jiray:

"Dabuub aanu maqlaynay,

Dareen baan ka qabnaayoo,

Dugsigii Baarlamaankiyo,

Dekeddii Xamar baa leh,

Berbera daadku ha qaado,

Doonniyi yaanay ku leexan,

Ha daadduumo dadkeedu,

Duqaydii Barlamaankaay,

Danteennaa laba diiddaye,

Labadaa kala daaya oo,

Yaan loo deymo la'aanin,"

Cali Sugulle Dun-carbeedna Riwaayaddiisii Indho-sar-caad ee 1961kii hees ku jirtay waa kii calanka Soomaaliyeed ku lahaa laba mid baad noqon:

"Wallee ama calan jira,

Oo caan ah baad ahaan,

Oo lagu cawaansayey,

Ama calal maryaha,

La-cayn ah baad ahaan,

Oo ciirsi weynayeey,

Caydhiin iyo biseyl,

Mid uun ku caano maal,

Cirkaan caad lahaynow,"

Sagaal sannadood ayaa sidaa ku dhammaaday. Inqilaabkii 21kii Oktoobar bilowgii waa la soo dhaweeyay waxaanu ku dhammaaday xasuuq iyo qarannimadii oo ku duntay.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal oo gacan qaadaya codbixiyayaal isugu soo baxay inay u codeeyaan aftida loo qaadayay dastuurka Somaliland sanaddii 2001

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l