Skip to main content

Sagaalka qodob ee madaxweynaha dds uu wax ka qabanayo Waxaa diyaariyey cabdicasiis abiib mohuud



Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar ayaa markii ugu horeysay ka shanqariyay barnaamijkiisa waxqabad marka uu soo dhiso golaha wasiiradda.

Isaga oo ka hor hadlayay baarlamaanka deegaanka oo shir ku yeeshay magaalada Jig Jiga ayuu mudane Mustafa jeediyay khudbad dheer, wuxuu si hordhac ah uga hadlay qodobo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qaban doono muddada xilka uu haynayo.

Waxaan kasoo qaadanay 9 qodob oo ka mid ah waxyaabaha uu sheegay in uu qaban doono.

1.Isbadelada
Isaga laftiisa waxa uu ku yimid isbadal siyaasadeed kii ugu balaarnaa oo ka dhacay guud ahaan Itoobiya tan iyo intii uu xilka Ra'isulwasaarenimada qabtay Abiy Axmed, sidaas darteed Mustafa Cumar waxa uu doonayaa in isbadalada ka socda guud ahaan Itoobiya ay ka dhaqangalaan deegaanka Soomaalida.

Isaga oo hadlayana waxa uu yiri "Isbadalka heerka qaran ka socda ma jirto sabab uu deegaanka Soomaalida uga haro, waxaanan rabaa in uu halkan ka socda, sida xagga dimoqoraadiyadda, xuquuqda insaanka, hormarka, iyo in lasoo afjaro colaadaha".

2.Kala dambeynta
Madaxweynaha Mustafa waxa ugu dambeeya ee uu jeclaan lahaa in uu arko ayaa ah in sharcigii iyo kala dambeyntii ay burburto xilli deegaanka uu galay marxalado adag, sidaas darteed wuxuu doonayaa in sharciga uu sareeyo.

"Soo celinta sareynta sharciga , xuquuqul qowlka, lana joojiyo ku tagri falka awoodaha xad dhaafka ah" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.

3.Astaamaha Soomaalinimada
Waxyaabihii ugu horeeyay ee uu durba hirgaliyay madaxweyne Mustafa waxaa ka mid ah in lasoo celiyay calankii xiddigta shanta gees ay ku tiilay ee hore deegaanka u lahaa iyo waliba magacii oo lagu soo koobay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

"In lasoo celiyo astaamihii Soomaalinimo ee muujinayay isirka aan kasoo jeedno, taas oo aan wax dhimaal ku ahayn in aan ka tirsanaano dowladda federaalka, Itoobiya boqol qoowmiyadood ayay leedahay, cid kasta dhaqan, diin iyo af u gaar ah ayay leedahay, kuwaana waxaan uga cararnaa meesha ma taalo" ayuu baarlamaanka ka hor yiri Mustafa Cagjar oo uu sacab weyn u dhacay.

4.Awood Qeybsiga
Mid ka mid ah waxyaabaha ay muddo dheer ka hadli jireen, kana caban jireen dadka deegaanka kasoo jeeda ee aanan ku qanacsanayn xukuumadihii horey u jiray ayaa waxaa ka mid ah in la duudsiiyay saami qeybsigii deegaanka ku lahaa dhanka fededaarka.

Haddaba madaxweyne Mustafe Cagjar oo arrintaas ka hadlay ayaa yiri "Waxaan rabnaa in aan soo celino qeybta uu deegaanka ku leeyahay awood qeybsiga iyo kheyraadka dalka".

5.Isdhexgalka
Muddo dheer dadka deegaanka waxa ay ka cabanayeen xirnaanshaha xudduudaha iyo waliba dhaqdhaqaaqa ganacsiga oo ahaa mid aad u xadidan.

Balse Madaxweyne Mustafe ayaa doonaya, sheegayna in uu wax ka qabanayo arrinkaas "Is dhexgalka, oo ay koow ka tahay in dadka aan Soomaalida nahay dhex galno. Xudduudaha isu furno, dadka isu talaabaan, wada ganacsadaan, wixii ka baxsan siyaasadda ay isku mid ahaadaan".

6.Diinta
Madaxweynaha cusub ayaa balanqaaday in dowladdiisa aysan farogalin doonin arrimaha diinta, dadkana ay xor u ahaan doonaan in ay cibaadeystaan, wuxuuna yiri "In aan wax ka badalno dhibaatooyinkii ku dhacay xagga diinta, in dadka ay u madax banaanaadaan cibaadada, dowladana ay faraha kala baxdo".

7.Kaalinta Dumarka
Waxa uu aad u boggaadiyay xukuumaddii ka horeysay ee Cabdi Maxamuud Cumar kaalintii ay ka ciyaartay sare u qaadista qoondada dumarka iyo ka qeybqaadashadooda dowladda, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in taas ay noqon doonto arrin aanan waxbo u dhimmi doonin dhaqanka iyo diinta.

8.Dadka La Takooro
Madaxweynaha cusub ayaa dhanka kale balan qaaday in dadka la takooro loo sameyn doono barnaamijyo dowladdeed oo u gaar ah oo lagu hormarin doono, wuxuuna ka yiri "In la taageero dhab ah loo sameeyo dadka la heeb sooco ee Soomaaliyeed, taas oo aan dhammaanteed ku ceebeysanahay, in dhanka shaqaaleynta, guryaha iyo waxbarashadaba barnaamijyo u gaar ah loo sameeyo".

9.Dib u curashada
Madaxweyne Mustafe ayaa ka hadlay barnaamijkii dib u curashada ee xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar, taas oo uu sheegay in si khaldan loo waday, balse isaga uu sheegay in sidii saxda ahayd loo wajihi doono.

Isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri "Dib u curashadu si qaldan ayaa loo fuliyay, waxaa muhiim ah in deegaan kasta ay maamulaan dad u dhashay".

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........