Skip to main content

WAR DEG-DEG AH XUKUUMADA IYO XISBIGA OO ISKUSHAANDHAYN CUSUB LAGU SAMEEYAY

Jigjiga(tuliguuled news) Isniin, 23ka April 2018. Shir ay yeesheen xubnaha gudiga fulinta iyo golaha dhexe oo socday shalay iyo maanta ayaa waxaa lagu sameeyey iskushaandhayn xafiisyada kabinetka iyo qaar  kamid ah Gobolada Ddsi. Shirkan ayaa waxaa hogaaminayey gudoomiyaha X.D.Sh.S.I mudane maxamad rashiid isaaq iyo Gudoomiye kuxigeenka X.D.SH.S.I ahna madaxweynaha DDSI mudane Cabdi maxamud cumar
Hadaba, iskushaandheyntan ayaa waxay udhacday sidan hoos kaaga muuqata
1.      Marwo fartuun cabdi mahadi waxa loonadley madax maalida ee ddsi
2.       Mudane Ahmed Cabdi waxaa loo badaley Madax wazaarada Biyaha ahna xubin gudiga fulinta
3.      C/xakiin cigaal Cumer waa xubin gole dhexe ah ahna madaxa xafiiska pcdp
4.      Marwo sucaad axmed farax meesheedii
5.      Mudane khadar cabdi ismaciil madaxa xarunta dhexe ee xdshsi
6.      Mudane Hamdi aadan cabdi madaxwayne kuxigeen ahna wasiirka Cafimadka.
7.      Mudane suldaan kheyre wuxuu noqday xubin gudi fulin ah wuxuuna joogayaa xafiis kiisii
8.      Marwo maajida maxamed oo ahayd wasiirka xafiiska xoolaha waxay noqotay wasiirka madaxtooyada
9.      Mudane cumar maxamed wuxuu joogaa meeshiisii
Mudane Naasir Xasan Carab wuxuu noqday xubin gudi fulin ah 
10.  Mudane ibraahin cali wuxuu noqday wasiirka sceice and technology ga
 Mudane Baashe Cabdi Ismaaciil wuxuu tagey wasiir kuxigeenka xafiiska sceice and 
11.  Mudane fu aad jaamac walaabi wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska
12.  Mudane maxamad rabiic xaji c/qaadir wazirka dakhliga
13.  Mudane C/laahi garbo wuxuutagay  xafiis ka hortaga iyo udiyaagarawga masiibooyinka DDSI
14.  Mudane Haaruun yuusuf cabdi wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha
15.  Marwo Raxma maxamud halkeedii ayay joogaysaa
16.  Mudane C/mahad maxamed cabas wasiirka horumarinta xolo-dhaqata iyo reer guuraga
17.   Mudane gamaal Farax warmooge wuxuu tagay xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI 

18.  Mudane ibraahin aadan mahad wuxuu joogi meeshiisii
19.  Mudane C/Jamal axmed qaloonbi meeshiisii ayuu joogaa
20.  Mudane jamaal cismaan qorane wuxuu noqday xubin gudi fulin ah
21.  Mudane maxamed bile xasan (miig) lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka saxaafada waxaa loo badley  xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI 

22.  Eng. Asad cumar wuxuu joogaa meeshiisii
23.  Mudne rashid jamac sheer wuxuu noqday wasiir kuxigeen
24.  Mudane xasan aadan xasan wasiir kuxigeen.

Gudomiyeyaasha gobolada ee cusub
1.      Mudane cabdi casiis Ahmed Habiye oo ahaa Gud degmada shabeeley ayaa waxa uu noqdey gudoomiyaha gobalka qoraxay
2.      Mudane Muxumed Xassan suufi oo ahaa mayarka maamulka magaalada dhagaxbuur wuxuu noqdey Gudomiyaha Gobolka jarar
3.      Mudane Xabiib Adan oo ahaa gudoomiye degmo waxa uu noqdey gudomiye Gobol
4.      Mudane maxamed cali oo ahaa madaxa xafiiska waxbarashada gobolka faafan waxa uu noqdey Gudoomiyaha gobalka dhawa.
FG: Waxii intaas ka baxsan waa halkoodii

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo ...

8 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Farxad Badan

Waxa had iyo jeer dadku raadiyaan in ay ku noolaadaan, nabad, nimco iyo farxad. Iyo in ay ka baxaan baahida ay qabaan ha ahaato mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid kalaba. Hadaba waxa jira dad haysta nolol fiican laakiin ay hadana dareemayaan in ay wax ka maqan yihiin. Si uu qofku u noqdo mid faraxsan kuna nool niyad wanaagsan ayaa waxa aanu qormadeena maanta kusoo qaadanaynaa 8 qodob oo aad ku heli kartid farxada niyada.1. Ku raaxayso nolosha xilyada fiican ee aad ku jirto. Dib u xusuuso xiliyadii wanaagsanaa ee ku soo maray, warqad ku qor oo akhri si aad u xusuusatid waqtigaas marka aad dareemayso niyad jab. 2. Hawl badan oo waqti badan kaa galo wax kasta waad ku gaadhi kartaa. Waxa aad meel ku qortaa 3 arimood oo aad muhiim kuugu ah oo aad rabtid in aad gaadhid iyo sida aad rabtid in aad ku gaadho. 3. Naftaada dhaqaalee. Samayo xili aad ku nasato sida adiga oo fadhiisanaya meel xeeba ah hawo macaan ka dhacayso. Waqti la qaado qoyskaaga ama saaxiibadaa. Qosolka iyo ilko cadayn...

Shirkii Qiimaynta waxqabadka gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo furmay.

(tuli-guuleed news) jumce, 27ka April , 2018.Waxaa    magaalada jigjiga ee caasimada deegaanka gaar ahaan madasha shirarka    kaali 2aad ee xarunta madaxtoooyada    DDSI    ka furmay shirkii qiimaynta waxqabadka gobolada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI Haddaba, shirkan qiimaynta ah oo diirada lagu saarayo fulina qorshayaasha   horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban  ee u yaalay gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI khaasatan qorshaha beer,biyaha, caafimaadka  ee baabaca (BBC) ayaa waxaa hogaaminayay  madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,   afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga ee  xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq  iyo  madaxwayne ku xigenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax warkan oo faah-faahsan warakayaga dambe ayaad kala socondoontaan.