Skip to main content

FAA’IDOOYINKA AKHLAAQDA WANAAGSAN ISLAAMKA GUDAHI BY cabdicasiis abiib mohamuud

FAA’IDOOYINKA AKHLAAQDA WANAAGSAN ISLAAMKA GUDAHI


Waxay leedahay dabeecadda wanaagsan xagga islaamka faa’idooyin badan iyo waxyaalo uu ku gaar yahay, waxaana ka mid ah:
  1. Dabeecadda wanaagsan kuma gaar ah nooc ka mid ah dadka.
Allaah wuxuu abuuray dadka oo leh muuqaallo iyo midabbo iyo afaf kala duwan, wuxuuna ka yeelay xagga miisaanka Ilaahay kuwa siman aan qofna qof kale waxba dheereyn marka laga reebo iimaankiisa iyo Alle ka cabsigiisa iyo toosnaantiisa, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ{(الحجرات: 13).
“Dadow! Hubaal Waxaanu idinka abuurnay lab iyo dhedddig, oo idinka dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan (gobsan) Allaah agti waa kan idiinku Alle ka cabsiga badan (iyo dhowris xilka uu idin saaray)”. (Al-Xujuraat: 13)
Dabeecadda san waa astaanka xiriirka muslimka uu la leeyahay dadka oo dhan ma kala leh farqi xaggiisa xagga wanaag kula dhaqanka  mid hodan ah iyo faqiir, mid darajo sare leh iyo mid hooseeya, iyo mid cad iyo mid madow iyo Carabi iyo Cajam midna. 

Kula dhaqanka dabeecad wanaagsan xitaa dadka aan Muslimka ahayn

Allaah Kor ahaaye wuxuu na amray inaan dabeecad wanaagsan kula dhaqanno dadka oo dhan, waayo caddaaladda iyo axsaan falka iyo naxariista waa dabeecadda Muslimka ee ka muuqda anshaxiisa iyo hadalladiisa xagga Muslimka iyo gaalkaba, wuxuuna ku dadaalaa inuu ahaado debci samadaas dowgiisa xagga ugu baaqa dadka aan Muslimka ahayn diintan weyn:
Allaah Kor ahaaye wuxuu yir:
}لَا يَنْهَاكُمُ اللهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ{(الممتحنة: 8).
“Allaah idinkama reebo xagga kuwa aan idinkula diririn diinta awgeed oo aan idinka  saarin guryihiinna, inaad u samo fashaan oo ula dhaqantaan si caddaalad ah. Hubaal Allaah wuu jecel yahay kuwa u dhaqma sida caddaaladda ah”. (Al-Mumtaxinah: 8)
Balse waxa uu naga xaaraanshay waa garabsiinta gaalada iyo jeclaanta waxay ay ku sugan yihiin oo gaalnimo iyo shirki ah, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}إِنَّمَا يَنْهَاكُمُ اللهُ عَنِ الَّذِينَ قَاتَلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَأَخْرَجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ وَظَاهَرُوا عَلَى إِخْرَاجِكُمْ أَنْ تَوَلَّوْهُمْ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ فَأُولَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ{ (الحجرات: 9).
“Allaah wuxuu uun idinka reebaa xagga kuwa idinkula dirira diinta darteed oo idinka saara guryihiinna, oo ku taageera (kuwo kale) saariddiinna – (ma aha) inaad ka dhigataan gacallo. Oo qofkii  ka dhigta gacal, waa kuwaas kuwa ah daalimiinta”. (Al-Xujuraat: 9) 
).
  1. Kula dhaqanka dabci wanaagsan kuma gaar ah dadka oo keliya

Kula dhaqanka dabci wanaagsan xitaa xoolaha

Rasuulka  wuxuu nooga warramay haweeney ku gashay Naarta inay xirtay darteed yaanyuur ay lahayd oo u dhimatay gaajo, wuxuu sidoo kale taa beddelkeed noo sheegay inuu Allaah ugu dambi dhaafay nin inuu waraabshay ey uu harraad ka batay, Nabigu   wuxuu yiri: “Haweeney waxay ku gashay Naar bisad ay xirtay marka cunto  ma aanay siin, umana ayan deyn inay wax ka cunto cowska arlada” (Al-Bukhaari 3140, Muslim 2619). 
Nabigu  wuxuu yiri: Mar isagoo nin marayo waddo buu aad u harraaday, markaasuu helay ceel oo ku degay oo ka biyo cabbay, markaasuu ka soo baxay, mise waa ey la haraaryoonaya oo cunaya ciidda harraad darti, markaasuu ninkii wuxuu yiri: Wuxuu eygan ka gaaray harraadka heerka uu aniga iga gaaray oo kale, markaasuu u degey  ceelka oo buudkiisa biyo uga soo buuxiyey oo ku soo qaaday afkiisa ilaa uu debedda u soo baxay oo waraabshay eyga, markaasuu Allaah mahdiyey  falkiisa uu Darti u falay, oo u dambi dhaafay, Waxay weydiiyeen: Rasuul Allow, oo ma waxaan ka heleynaa ajar xitaa xoolaha? Wuxuu yiri: Beer kasta oo qoyan waxaa ku sugan ajar” (Al-Bukhaari 5663, Muslim 2244)
“Beer kasta oo qoyan waxaa ku jira ajar”

Ku dhaqanka dabci wanaagsan si loo dhowro deegaanka

Islaamku wuxuu na amray camiridda arlada, oo loola jeedo in laga shaqeeyo oo la hormariyo oo wax laga soo saaro oo la sameeyo ilbaxnimo sal dheer iyadoo waliba la dhowrayo nicmadda, wuxuuna naga reebay in la fasahaadiyo oo la lumiyo waxyaalaha laga helo ha ahaato fasaahaadintaa mid ku soo laabaneysa dadka ama xoolaha ama dhirta, waa camal uu diido islaamka oo neceb yahay, waayo Allaah Kor ahaaye ma uu jecla fasahaadka dhinac kasta nolosha, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}وَاللهُ لَا يُحِبُّ الْفَسَادَ{ (البقرة: 205).
“Oo Allaah ma jecla fasahaadka” (Al-Baqarah: 205) 
Daneynta arrinkaa wuxuu gaaray heer uu Nabigu  kula dardaarmay Muslimiinta inay khayr falaan oo beeraan arlada xitaa markay ku jiraan duruuf adag iyo waqtiyo dhib badan, wuxuu  yiri: “Hadday saacadda Qiyaame dhacdo isagoo gacanta midkiin uu ku jiro abuur, hadduu heli karo inta ayan dhicin ka hor inuu abuuro ha falo” (Axmad 12981)
  1. Dabeecadda wanaagsan dhammaan dhinacyada nolosha: 

Qoyska

Islaamku wuxuu aad noogu adkeeyey ahmiyadda dabeecadda wanaagsan xagga qoyska inay ku wada dhaqmaan dhammaan inta qof ay ka kooban yihiin reerka, Nabigu  wuxuu yiri: “Waxaa idiinku wanaagsan midka idiinku wanaagsan ehelkiisa, aniga baana idiinku wanaagsan xagga ehelkeyga” (At-Tirmidi 3895)
Nabigu s.c.w oo u wanaagsan dadka wuxuu qaban jirey howlaha guriga oo ku kaalmeyn jirey reerkiisa wax kasta ha yaraadeen ama ha weynadeen, sida ay werineyso xaaskiisa Caa’ishah , oo tiri: “Wuxuu qaban jirey howlaha ay u baahan yihiin reerkiisa” (Al-Bukhaari 5048) macnaha wuu ku kaalmeyn jirey oo la qaban jirey waxa ay qabanayaan ee howlaha guriga ah.
Wuxuu la kaftami jirey ehelkiisa oo la cayaari jirey, waxay soo werisey xaaskiisa Caa’ishah oo tiri: “Waxaan la socday Nabiga  safarradiisa qaarkood, anigoo gabar yar ah aan hilbooneyn, oo aan cayilneyn, markaasuu wuxuu dadkii ku yiri: Iga hor mara, markaasay  horay u sii baxeen, markaasuu wuxuu igu yiri: Kaalay aan oratannee, markaasaan ka orod badshay, wuu iga aamusay  ilaa uu hilib I saarmay oo cayilay oo hilmaamay dhacdadaas, markaasaan waxaan ula baxay mar kale safarradiisa qaarkood, markaasuu dadkii wuxuu ku yiri: Horay u baxa, markaasay horay u baxeen, markaasuu wuxuu igu yiri: Kaalay aan orotannee, markaasaan la orodtanay oo iga orod badshay, markaasuu qoslay isagoo leh: Tan u qaado tii hore” (Axmad 26277)

Ganacsiga

Waa intaasoo qofka uu ka xoog bato maal jaceylka oo markaas xad gudbo oo ku dhaco xaaraan, markaasuu Islaamka yimid oo noo caddeeyey ahmiyadda in arrinkaa lagu xiro dabeecadda wanaagsan, waxaana ka mid ah caddeymahaa:
  • Islaamku wuxuu reebey xadgudubka iyo dulmiga xagga miisaanka, wuxuuna ugu gooddiyey qofkii arrinkaa fala cuquubooyin kan ugu daran sida uu Allaah Kor ahaaye yiri: 
    }وَيْلٌ لِلْمُطَفِّفِينَ • الَّذِينَ إِذَا اكْتَالُوا عَلَى النَّاسِ يَسْتَوْفُونَ • وَإِذَا كَالُوهُمْ أَوْ وَزَنُوهُمْ يُخْسِرُونَ{(المطففين: 1-3).
    “Hoog waxaa leh kuwa dhima (dadka xaqooda). Kuwa, markay  wax ka  beegtaan dadka  u oofsada si dhan oo kaamil ah (xaqooda). Haddii se ay u beegaan ama u miisaamaan ka dhima oo ka  nuqsaamiya”. (Al-Mudaffifiin: 1-3) 
  • Wuxuu Islaamku nagu boorriyey sahlanaanta iyo nugeylka xagga beec shurada, sida uu Nabigu  yiri: “Alle ha u naxariisto nin sahlan marka uu wax gadayo iyo marka uu wax iibsanayo iyo marka uu gardhigto” (Al-Bukhaari 1970)

Sancada 

Wuxuu Islaamka ku adkeeyey farsama yaqaanka dhowr arrimood oo ka mid ah dabeecadda wanaagsan iyo dhaqammada fiican, waxaana ka mid ah:
  • Wanaajinta camalka iyo in lagu soo saaro qaab kan u fiican, sida uu Nabiga  yiri:
    “ Xaqiiq, Allaah wuxuu jecel yahay marka uu midkiin qabanayo howl inuu wanaajiyo oo si fiican u qabto” (Abuu Yaclaa 4386, Al-Bayhaqi kitaabka qaybaha iimaanka 5313).
  • Inuu oofiyo ballmaha uu la galo dadka, Nabigu  wuxuu yiri:”Astaanta lagu garto munaafiqa waa siddex tilmaamood” wuxuuna xusay oo ka mid ah:  “Oo marka uu ballan galo wuu ka baxaa” (Al-Bukhaari 33)
  1. Dabeecadda wanaagsan xaalad kasta oo lagu jiro:
Ma leh Islaamka wax laga soo reebo xagga dabeecdaha wanaagan , qofka Muslimka ahna wuxuu ku xukuman yahay inuu fuliyo sharciga Ilaahay oo dhaqan geliyo dabeecadaha wnaagsan xitaa waqtiyada dagaallada iyo markuu ku jiro duruufo adag,  ujeeddo wanaagga iyo fiicnada hadafka waxa la rabo marnaba laguma gaari hab xun, mana daboolo gefkeeda iyo habowgeeda. 
Sidaas awgeed buu Islaamka wuxuu dejiyey xeerar xukuma qofka Muslimka oo haga dhaqammadiisa xitaa waqtiyada  colaadda iyo dagaalka, si uusan arrinku u noqon u hoggaansan  carada  nafta iyo kooxeysiga iyo u iilasho tilmaamaha xiqdiga iyo qallafsanaanta iyo naf jecleysiga.

Dabeecadaha islaamka xagga dagaalka

  1. Islaamku wuxuu amray caddaaladda iyo u garsoorka cadowyada, wuxuuna reebay in la dulmiyo oo lagu xadgudo:
Sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى{ (المائدة: 8).
“oo yeysan naceybka dad kale idinku xambaarin inaydaan caddaalad sameyn. Caddaalad sameeya:  sidaas baa u dhow dhowrsanaanta, oo dhowra (xilka uu idin saaray) Allaah”. (Al-Maa’idah: 8)
Macnaha waa yaanu keenin naceybka aad u qabtaan cadowgiinna inaad xad gudubtaan oo dulmi geysataan, balse ogaada caddaalada xagga hadalladiinna iyo falalkiinna goor kasta.  
  1. Iska reebidda dhagarta iyo khiyaanada lagu sameeyo cadowyada:
Dhagarta  iyo khiyaanada waa xaaraan xitaa xagga cadowyada. Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
}إِنَّ اللهَ لَا يُحِبُّ الْخَائِنِينَ{ (الأنفال: 58).
“Hubaal Allaah ma uu jecla khaa’iniiinta” (Al-Anfaal: 58)
  1. Iska reebidda caddibidda iyo jir doorinta  meydadka:
Waa xaaraan in la jir dooriyo meydadka, sida uu Nabigu  yiri: “Oo ha jir doorininna” (Muslim 1731) 
  1. Iska reebidda dilka dadka rayidka ah aan ka qayb qaadannin dagaallada  iyo fasahaahidinta arlada iyo degaanka:
Waa kan Abuu Bakar As-Siddiiq  madaxii Muslimiinta Nabiga kaddib iyo kan u wanaagsan saxaabada  oo kula dardaaramaya Usaama bin Zayd  markuu u diray abaanduulle ahaan xagga Suuriya, wuxuu yiri: “Ha dilina ilmo yar, iyo oday weyn iyo haween, oo ha  jarina geed  timir oo ha gubina, oo ha goynina geed miro leh, oo ha gowrricina ri’ iyo lo’ iyo geel midna inaad cuneysaan maahee, waxaa suura gal ah inaad ag martaan dad ku cibaadeysanaya macaabiddooda ee iska daaya iyo waxa ay u faaruq noqdeen” (Ibnu Casaakir 2/50) 

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l