Skip to main content

Biya Xidheenka GERD oo Lasheegay Inay Biyo Badani Galeen.

Biyo xidheenka gerd oo lasheegayo inay biyo badani galeen

Tuliguuleed|NEWS

sawiro lagu qaaday aalada Satelliteka ayaa muujinaya in biyo xidheenka muranka badan dhaliyay ee itoobiya ka dhisayso Wabiga Nile ay biyo badani gudihiisa galeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arintani ay muujinayso in itoobiya bilawday buuxinta muga biya xidheenka halka qaar kalana ay tibaaxayaan inay sababtay roobab mahiigaana oo dhulkaasi buuralayda ah ka da,ay.

Wadahadalo 11 bari socday oo u dhexeeyay itoobiya, masar iyo sudan ayaan wax guul ah laga gaadhin sida uu sheegay wasiirka biyaha iyo tamarta itoobiya Eng. Seleshi.

Wasiirka arimaha dibada Masar  Sameh Shoukry oo saxaafada wadankaasi lahadlay ayaa sheegay in masar ay ku qasbantahay inay jawaab ka bixiso talaabokasta oo yaraynaysa qulqulka biyaha wabiga ee masar gaadha.

Lama oga sida uu xaalka masar, itoobiya iyo sudan ku danbayn doono.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........