Skip to main content

ITOOBIYA OO QIIQ IYO UURO KABAXAYSO

ITOOBIYA OO QIIQ IYO UURO KABAXAYSO

Addisababa(RNN) – Saaka Oromadii oo kagadoodsan fanaankii ladilay ee Hajaaluu Hundesa ayaa waxay dhaqdhaqaaq xoogan ka bilaabeen gudaha Addisababa, waxayna gubeen kaalmihii shidaalka, taaladii Minilik, ganacsigii iyo Huteeladii waawaynaa ee ay qowmiyada Amxaaradu kulahayd Addisababa.

Wadooyinkii Addisababa galayay iyo kuwii kabaxayay intaba xalaynimo ayay sii xidheen waxayna dab qabadsiiyeen dhamaan gaadiidkii safarada iyo kuwii xamuulka ee kasoo baxay saaka magaalada addisababa iyagoo gaar ahaan bar tilmaameedsanayay gaadiidka Amxaaradu leedahay.

Naf badan iyo maal badan ayay burburiyeen.

Goobjoogeyaal Addis ababa ku sugan waxay noo sheegeen inay Addisababa saacado yar gudahood muuqaal ahaan qiiq iyo olol isu badashay islamarkaana ay maydad badan oo dad shacab ahi wadhan yihiin laamiyada magaalada iyagoo dadkaas lalaayay noogu sheegay inay ahaayeen dad Amxaaro ah oo labeegsaday, guryahoodiina lagubay.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in jeel loo taxaabay ninka ugu saamaynta badan qowmiyada oromada ee Jawar Mohammed ladhaho islamarkaana xaruntii TVga OMN ee uu Addis ababa kulahaana albaabada loo laabay.

Waxaa intaas dheer inay Itoobiya jartay gabi ahaanba khadkii internetka taasoo ah dabeecad dhaqamiyan looga bartay Itoobiya inay khadka xidho mar walba oo ay rabshado ka bilawdaan dalka gudihiisa si aan loola soconin talaabooyinka ay dawladu qaadayso ee kadhanka ah shacabka.

Wixii kasoo kordha halkan kalasoco.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........