Skip to main content

Fanaan geeridiisa laga cabsi qabo inay xasilooni daro ka abuurto Itoobiya

LA WADAAGFanaan geeridiisa laga cabsi qabo inay xasilooni daro ka abuurto Itoobiya

Hachalu Hundessa

Fanaan caan ka ahaa dalka Itoobiya oo lagu magacaabay Hachalu Hundessa, ayaa lagu toogtay caasimadda Addis Ababa.

Waxaa isla markiiba la geeyay isbitaalka balse wuxuu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Ra,iisal waasare Abiy Ahmed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Hachalu isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa heesaa “cajiib ah”.

Heesaha uu fanaankan qaadi jiray ayaa badanaa wuxuu uga hadli jiray xoriyadda iyo xuquuqda qowmiyadda Oromada.

Waxaa jira walaac laga qabo in dilkiisa ay dalkaasi ka abuurto xasilooni daro.

Booliska ayaa sheegay inay xireen dad ay ku tuhunsanyihiin dilka fanaanka.

Social embed from twitter

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........