Skip to main content

Dareenka Maalinta Ciida iyo Carruurta aan helin fursada farxada Maalinta Ciida Ramadaan

Hordhac

Walaalayaan waxaan ku jirnaa Bishii barakeysend ee Ramadan oo aynu khayraadka ku jira ka wada dheregsanahay waxna inagu seeganeyn.

Hadaba ujeedayda Maduucan waa inaan is waydiino xidhiidhka farxadeed ama murugo ee ka dhexeeya carruurta iyo ciida bishan ramadan

Carruurta Somalidu aad ayey ugu xisaabtamaan bisha RAMADAN sababtoo ah labada ciidood ee ciidul fidri iyo carafo waxaa carruurta ugu jira fursado aaney ka helin wakhtiyada kale.
Sidaan ognahay, bulshada islaamka waxay xusnaa una dabaal degnaa labada ciidood (ciidul fidri iyo Ciidul carafo). Dabaal degyadaa waxaa ka mida inaan carruurta u iibino dhar iyo  kabo cusub , waxyaalo ay ku ciyaaraan sharaab, xaqal ciid, waxaynu u dalxiis gaynaa meelo cusub si ay farxad ugu ciidaan maalmaha ciida. Sidaaawgeed labada ciidood waa maalmaha kaliya ee ay carruurta somalidu ku xisaabtamaan. Mida kale dadka somalidu sidey u badan yihiin duruufo dhaqaale dartood,  labada ciidood gaar ahaan ciida soonfureed(ciid firdri) waa marka kaliya ee cay carruurta dhar cusub loo iibiyo.  

Tirshada Carruurta ee Maalinta Ciida 

Maalinta ay Bisha Soon soo gasho ayey carruurtu bilaabaan inay tirsadaan inay tirsadaan inta uga hadhey maalintaa ciida iyadoo ilmo kasta rajeynayo inuu farxadaa ka qayb gaato oo helo fursahdaa maalinta ciida
Maalinta bisha  Ramadan soo gasho  waxay waalidbadni  dareemaan warar iyo culeys sidii ay carruurta uga faxin lahaayeen maalintaa ciida.  Maalmaha bisha soon bilaanto ayey carruur badan waalidkood waydiiyaan aabo ama hooyo   miyaan dharkii iida lay iibineen. Hadaad u fiirsato maalmaha ciida soo dhowdahay waxaad arkeysaa waalid badan gaar ahaan hooyooy badan oo ay murugo ka muuqato oo culleys ka haysto sidii ay carruurtooda uga farxin lahaayeen laakiin awood la,aani hayso  oo carruurtiina culeys ku hayaan. maalmaha ciida u soo dhowdahay hadaad u fiirsato waxaad kalood arkeysaa carruur badan  ooyaya murugana ka muuqato oo waalidkood ku khasbaya  in loo iibiyo dhar cusub iyo waxyaalo ku farxaan sida carruurta kale.

Sida Somaliduba iskugu faanto qabiilka ayey carruurta Somaliduna iskugu faanan fursadaha maalinta ciida

Sida Somaliduba qabiilka iskugu faanto ayey carruurtuna iskugu faanaan fursadaha ay ka helaan maalinta ciida, Waxad arkeysaa carruur isku leh anigaa dharkii layga kaa horiibyey , adiga wax fiican laguuma iibin , dharkaagu ma cusba ama iyagoo is waydiina xagee laydiin  dalxiis gaynayaa maalinta ciida. Sidaa daraadeed maalmaha ciida waxay carruurtii u qaybsamaan qaar ka faa,iideysta farxadihii ay ku xisaabtamayeen iyo qaar waalidkood ka farxin kariwaayo dhaqaale darteed iyo qaar aan cid ka farxisaba laheyn sida kuwa agoomaha danyarta ah, carruurta darbijiifka ah, carruurta meelaha agoomaha ku jira.

Rajadii farxada ciidu waxay carruurta qaarkood u noqotaa maalin murugo.

 Hadaba, maalintaa ciida ee ay aheyd inay noqoto maalinta carruurta oodhan farxaan una sinaadaan farxadii ayaa  carruurta danyarta ah iyo kuwa agooamaha , darbi jiifka ah ee aan haysan cid ka farxisaa waxay dareemaan murugo. Hadaba, walaalayaal bal qofwalowba  intii karaankaaga ah isku day inaad arrinta dareento oo aad isku daydo inaad ilmo danyar, agoon ah, darbijiifa , qaxooti ah oo aan haysan cid ka farxisa. 
Haddii maqaalkani wax ka badaley dareentkaaga una aragtid inuu yahay mid macnosameynaya fadlan gaadhsii asxaabtaada. 
ILLAAHEY HAYNAGA AQBALO CIBAADADA BISHA RAMADAN

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........