Skip to main content

Imaaraatka Carabta Oo Ka Hadlay Lacagtii Ay Garoonka Muqdisho Ku Qabatay DF Somalia

Warsaaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Isutaga Imaraadka Carabata
ayaa si xoogan loogu cambaareeyay Qabashadii Diyaarad Rakaab ah oo siday lacag laga lahaa Dalka Imaraatka taas oo Ciimada Dowladda Feredaalka Soomaaliya ay Axadii la soo dhaafay Ku qabteen Garoonka Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in diyaarad sida lacag dhan 9.6 Million oo dollarka Maraykanka ah la qabtay xilli lacagtaasi ay u qoondeeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Tababarayaashooda.
Warbixinta ayaa sidoakle lagu sheegay In Shaqaalihi la socday Diyaaradaisi Qoryo ay ku qabteen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya Islamarkaana ay u hanjabeen.
Waxaana Imaaraatka ay tillaabadaasi ku tilmaamtay in ay tahay mid sharci darro ah oo Dhaawacaysa Xiriirka Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal, islamarkaana ay waxyeeleynayso sii socoshada heshiis Isfahan ah oo ay horey u wada gareen labada dal Somalia iyo Imaaraatka Sanadii 2014.
Sidoo kale Imaaraatka Carabta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Arrintaasi xilli ay sheegeen in Somalia la garab taagan tahay taageero Siyaasadeed , mid dhaqaale iyo mid Millatari si Somalia uga baxdo xaaladaha adag ee ay ku jirto ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkani ka soo baxay Dowladda Imaaraatka Carabta.
Dowladda Somalia ayaa dhawaan waxa ay gacanta ku dhigtay Lacag dhan 9.6 Million dollar taas oo ay sheegtay in ay baaritaanno ku sameyneyso

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........