Skip to main content

Waa kuwama Maxramka Xididka ku yim aada? Dumaashigu ma maxrambaa? W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

Waa kuwama Maxramka Xididka ku yimaada?

Waxa jira dumar maxram ah oo diinta Islaamku xarrintay inuu ninku guursan karo, waana laba nooc: Maxramka nasab ku yimaadaa sida hooyada, ayeeyada, eedada, habaryarta, walaasha, hablah ninku uu dhalay iyo Maxram ku yimaadaa xididnimo oo kala ah:
  1. Xaaska aabaha (aayada); ninka waa ka xaaraan inuu guursado gabadha uu aabihii guursaday, waxayna bilaabmaysa isla markuu aabaha loo maheriyo gabadhaas. Aabihii haduu ka dhinto gabadhii ama uu furaba xitaa isagoo aan la aqal galin, waa ka xaaraan wiilka inuu guursado abidkii xaaskii aabihii uu qabay, waxayna lamid tahay sida hooyadii oo kale. Ilaahayna wuxuu dhahay:
وَلَا تَنكِحُوا مَا نَكَحَ آبَاؤُكُم مِّنَ النِّسَاءِ إِلَّا مَا قَدْ سَلَفَ ۚ إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَمَقْتًا وَسَاءَ سَبِيلًا ﴿٢٢﴾
”Ha guursanin wixii aabayaashiin guursadeen, wixii horumaray mooyee, maxaayeelay waa faaxisho, cadho iyo wado la maro ta ugu xun. [Suuratu An-nisaa: 22]
Xilligii jaahiliga ee Islaamka kahor wuxuu ninku guursan jiray dumarkii aabihii ka dhintay, balse Islaamku markuu yimid, Ilaahay wuu xarrimay guurka noocaas ah.
  1. Xaaska wiilka aad dhashay uu qabao; sidoo kale aabahana waxa ka xaaraan ah inuu guursado xaaska wiilkiisu qabo, waana xaaraan abid ah, waxayna bilaabmaysa isla marka wiilku mahersado gabadha, wuxuuna aabuhu u noqonayaa gabadha sodog. Sodoguna waa sida aabaha oo kale oo gabadha maxramkeeda weeyaan, xitaa haduu wiilkii qabay furo ama ka dhinto, odaygii sodoga u ahaa wali maxramkeeda weeyaan, wayna la safri kartaa, la kali noqon kartaa ama wajigeeda u banayn kartaa sida maxaarimta kale. Wuxuuna Allah dhahay:
وَحَلَائِلُ أَبْنَائِكُمُ الَّذِينَ مِنْ أَصْلَابِكُمْ
”(Waxa la idinka xarrimay) dumarka ay qabaan wiilashiina dhabarkiina kasoo jeedaa” [Suuratu An-nisaa:23]
  1. Gabadha xaaskaagu u dhashay nin kale; hadii ninku guursado gabadh haysta hablo ay u dhashay nin hada kahor qabi jiray, waxa ninka ka xaaraan noqonaysa hablaha xaaskiisu ay u dhashay ninkii hore, waxayna xaaraantinimadaasi bilaabmaysaa isla markuu xaaskiisa la aqal galo, haduusan la aqal galin dhib malaha inuu guursado hablihii ay ninka kale u dhashay. Wuxuu Allah dhahay:
وَرَبَائِبُكُمُ اللَّاتِي فِي حُجُورِكُم مِّن نِّسَائِكُمُ اللَّاتِي دَخَلْتُم بِهِنَّ فَإِن لَّمْ تَكُونُوا دَخَلْتُم بِهِنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ
”Waxa la idinka xarrimay hablaha aad dhaqaalaysaan ee dumarkiina aad la aqal gasheen dhaleen, hadaydaan la aqal galin wax dhib ah malaha” [Suuratu An-nisaa: 23]
  1. Xaasakiina hooyooyinkood ama ayeeooyinkood; Xaaska aad qabto hooyadeed ama ayeydeed xitaa hasii sareeyaanbee sida macooyadeeda, hana ka yimaadaan xaga hooyadeed ama xaga aabaheedbee, waa ka xaaraan ninku inuu guursado dumarkaas, waana maxramkiisa isla marka xaaskiisa loo maheriyo. Allah wuxuu dhahay:
وَأُمَّهَاتُ نِسَائِكُمْ
”(Waxa la idinka xarrimay) dumarkiina hooyooyinkood” [Suuratu An-nisaa:23]
Hadii ninkii gabadhii uu furo ama ay ka dhimatayba, wali xaaskiisa hooyadeed waa u maxram.

Dumaashigu ma maxranbaa?

Dumaashigu waa gabadhu caruurta ay dhashay adeerkood iyo ninkeeda walaalkeed. Dumaashiguna maaha maxram ee waa ajnabi kamid ah ajaanibta kale, waanu ka daranyahay xaga fitnada sidaas awgeed ayuu Rasuulkii Ilaahay u yidhi:
Cuqba ibnu Caamir wuxuu kasoo wariyey Rasuulkii Ilaahay (scw) inuu dhahay: ”Iska jira inaad u gashaan dumarka (la kali noqotaan)” nin reer ansaareed ahbaa wuxuu dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow ka warran dumaashiga? Wuxuu dhahay: ”Dumaashigu waa dhimasho” [Waxa soo saaray Muslim: 2172]
Sida Rasuulku cadeeyey dumaashigu waa dhimasho, waxayna culumadu ku macneeyeen in haweenka ay ka xaaraan tahay inay la kali noqdaan dumaashigood, ama inay xijaab la’aan la hadlaan ama ayagoo kaligood ah la safraan. Sababtuna waxa weeye dumashigu maaha maxram ee hadii ninka gabadha qabaa dhinto, walaalkii wuu guursan karaa.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........