Skip to main content

Waxaa qoray faysal roble waxaana idinla wadaagay aniga oo ah cabdicasiis abiib mohamuud

Sheekada Maanta

Mrakaanu aasaasaynay Wardheernews.com oo taariidhu ahayd 2004, anigaa ku darsaday hindishaha bogga “Talk of the Town,” ama Sheekada Maanta. Laba meelood ayaan fakirkaas ka keenay.  Berigaan yaraa een Jigjiga joogay waxaan si joogta ah u akhriyi jiray Addis Zaman. Bog waxay lahaan jirtay la odhan jiray “ka zihim ka zaam;” bimacni “faalo googoos” ah.

Wargeys kale oon mudo dheer akhriyayey (The Atlantic Monthly) ayaa isna lahaa wax u eg “Talk of the Town,” ama “Sheekada Maanta.”  Hadaba, sheekada maantu waa maxay?

Waa laba sheeko.  Midi waa Baadariga ugu weyn madhabada Orothokiska ah ee Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo Jigjiga lagu soo dhoweeyey.  Tan labaad, waa Kusime Kuxigeenka MW (KKMW) DDS, Mustafa Cumar, oo daraja cusub uu nin Axmaar ahi ku sheegay.

Arinka Kiniisada:  Waxay ila tahay in maalin taariikh ah ay noqondoonto August 4, 2019. Qaaciidada Orthodox waxay Afrika ka soo gashay dhinaca Alexandria ee Dalka Masar. Waxa la qiyaasaa in Xabashidu qaadatay madhabadan qarnigii 4aad tirsiga Gaalada.  Waxa caqiidada lagu sheegaa in Saint Peter ama baadarigii Peter ee ka midka ahaa xertii Masiixiyiinta ug horeysa ee Ciise raaca ayaa ku soo weriyey in uu Jerusalem ku arkay horaantii curashada Diinta Masiixiga Xabashi masiixinimada horay ka qaadatay.

Marka laga soo billabo 333 AD ee dhalashadii Nabi Ciise dabadeed, waxa Kiniisada Xabashida ee Orothodox laga xukumaayey Alexandria. Markuu tirsig Gaaladu ahaa 1959, Kiniishada Xabashidu ismaamul madax banana ayey ka heshay Alexandria, waxaanay la baxday magaca “Tawahedo.”

Ilaa intii Dergiga ka horeysay, marka madaxa Itoobiya la dhaarinayo, qayska ama baadariga ayaa u duceyn jiray.  Haduu baadarigu diido, shaqsigaasi awooda madaxnimo ma qaban kari jirin.

Taariikhdu markay ahayd agagaarkii 1640hii waxa xoog ku qabsaday Itobiyada sare nin Oromo ahaa oo Ras Cali la odhan jiray. Inkastuu Ras Cali sheegtay in uu nin masiixi ah yahay, labo waqcadood kamuu soo kaban: isaga oo Oromo ka soo jeeday, iyo magaciisa oo Islam aha ahaa. Baadarigi xiligaasi wuu diiday in uu ansaxiyo madaxnimadii Ras Cali, inkasta uu Ras Cali waxkasta oo lagu aamini karo uu sameeyey.  Laga diid!

Taariikhda dhawr Qarni horey usoo riix oo Jigjiga keen. Isagoy ka muuqato farxad iyo raynrayn, Kusime Mustafa Cumar ayaa baadarigii ugu weynaa madhabada Tawahidho Jigjiga ku qaabilay.  So xad dhaaf ah ayuu Mustafa u qaabilay wafdigii balaadhnaa ee Kiniishada.

Inkasto oo beryahan Orthodox tiradiisu sii yaraanasay oo masixiiyiin badani u xaamn gurteen madhabada layidhii Pentecostal (waa noc missionary ah oo waxa ku biiray madhabadaas Abiy Axmed, Lema Megarka, Haile Mariam Desalien, ikw) ma laga yaabaa booqashada Jigjiga in ay naf, naacow iyo dardar hor leh galiso madhabadan Orthodox oo beryahan rafanaysay? Malagase yaabaa in booqashada beriga Itoobiya, hadaad rabtona DDS ugu yeedh, rajo cusub galiso Tawahidho. Waan u fadhinaa arintaas.

Arinta labaa waa nin Axmar oo Mustafa magac cusub u bixiyey – “IMIYI,” waa IMIYE Mustafa. Xaqiiq, Imiye waa darajo dumar. Shaqsigan aan la kulmay aad ayuu Mustafa u amaanay.

Hadabab faham waxa uu Imiye ugu yeedhay. Xayle Selase Boqorka Boqorada ayuu ahaa (The king of kings, lion of Judah). Mekonen Ras ama Amiir Mekonen ayuu Ahaa.

 Minilik waxa uu ahaa Atze, aman boqor darjo sare leh. Xayle iyo Minilik waxay wadaagayeen mararka qaarkoo darajada Atze ama Boqor. Laakiin Minilik Boqor wuu dhaafay oo waxa uu noqday Imiye. 

Dhaqanka boqorada xabashida ayaa qofku marka heer aad loo jecelyahay gaadho waa la dumareeyaa.  Maadama Amxaradu  jacely nafta loo saari karo Minilik ay u hayaan waxa ay u quudhiwaayen in magac rag isaga la mid ah loogu yeedho. Boqor, atze, iyo nugus wey u quudhiwaayeen.

Dhaqanka aan ka waramayo wa mid odhanaya “sharaft ugu weyn ee hooyada la siiyaa waa Imiye, oo la dhganta hooyo macaan. Sidaas darteed Minilik waxa kaliya oo loo quudhay hooyo macaan. Sidaas darteed ninka Axmaarka een la kulmay waxa uu dan mooday in uu Kusime MW Mustafa ugu yeedhay IMIYE. Bimacni ayuu yidhii “IMIYE MUSTAFA!”

Hoos: Qoraalddii ugu horeyey ee Kiniishada, Badarigii weynaa ee Peter oo Tawohidhoiyo  xamaan/hadyada maqal leh oo kinisadeed bixinaysay.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........