Skip to main content

Xukuumada DDSI Oo Deeq Raashin Ah Iyo Agab kale Oo kaladuwan Ugu Deeqday Bulshadii Uu saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeele ee Deg Qalafo

qalaafo(tuliguuleed news)Khamiis 3da May 2018. xukuumada DDSI ayaa deeq isugu jirta raashin iyo agabkale gaadhsiisay qaarkamid ah bulshada kudhaqan degmada qalaafo kuwaas oo uu saamayn kuyeeshay fatahaadii wabiga shabeele islamarkaana uu fatahaada wabigu kasoo barakiciyay goobihii ay dagnaayeen. Iyadoo deeqdanina ay isugujirtay qaarkamid ah noocyada raashinka ah ee sida bur bariis qamadi iyo sonkor iyo waliba agabkale oo kala ah shiraacyo iyo weelasha cuntada.
Hadaba, gargaarkan xukuumadu ugu deeqday bulshadaas ayaa waxaa warbaahinta uga waramay Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Ahna Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Qalaafo Mudane Maxamed Cumar Axmed oo sheegay in maanta ay bulshada u qaybinayaan deeq raashin ah oo ay xukuumadu soo gaadhsiisay islamarkaana ka kooban bur, bariis, qamandi iyo sonkor. Iyo waliba agab kale oo kala ah shiraacyo iyo weelasha cuntada. Wuxuuna xusay in xukuumada DDSI ay jawaab degdeg ah kasoobixisay bulshadan uu saameeyay fatahaada wabigu islamarkaana xiligii loo baahnaa ay soo gaadhsiisay bulshada.

DhankakleHogaanka Nabadgalyada Iyo Cadaalada Degmada Qalaafo Ee Gobolka Shabeele Mudane Jawhar Muxumed Muuse oo sheegay in gargaarkani uu yahay mid ay xukuumadu soo gaadhsiisay bulshada kudhaqan qaarkamid ah tuulooyinka hoosyimaada degmada qalaafo. Ee ay soogaadheen biyihii ama fataahaadii wabiga shabeele islamarkaana kasoo barakiciyay guryahoodii ay daganayaan. Wuxuuna xusay in deeqdani tahay gargaarkii ugu horeeyay ee soo gaadha bulshadan uu saameeyay fatahaada wabigu. Wuxuuna tilmaamay in bulshadan raashinka loo qaybinayo ay yihiin bulshada degan tuulooyinka kala ah Allaw-igaarsii, iyo dabakatuur, iyo waliba tuulooyin kale oo yaryar ah kuwaasoo dhamaantood hoosyimaadaan degmada qalaafo.


 

Ugudanbayna, bulshadii loo qaybinayay deeqdan raashinka ah oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqdan isugujirta raashinka iyo agabka kaladuwan ee ay xukuumadu soogaadhsiisay. Waxayna tilmaameen in deeqdani ay tahay mid wakhtigii ay u baahnaayeen soo gaadhaa islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI. Sida dhakhsaha ah ee ay usoogaadhsiisay gargaarka.

  •  cabdicaasiis abiib mohamuud 

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........