Skip to main content

XAASKII JENERAAL SEARE MOKENNEN OO CADAALAD DALBATAY

XAASKII JENERAAL SEARE MOKENNEN OO CADAALAD DALBATAY


Xaaska taliyihii guud ee ciidamada dalka Itoobiya Jeneraal Seare Mekonnen ee sanad kahor toogashada lagu dilay ayaa sheegtay inay ku guul daraysatay dadaalo ay ku doonaysay in ra’isal wasaare Abiy Axmed kula kulanto si ay wax uga ogaato baadhitaanada ku aadan dilkii loo gaystay saygeeda.
“Waxaa la igu yidhi suuragal ma ahan”, Waxaa sidaas Laanta Afka Tigranyaga ee BBCda ku yidhi Col Tsege Alemayehu.
Col Tsege ayaa sheegtay inaysan maqlin wax ku saabsan toogashadii loo gaystay saygeeda.
“Sanad kahor waxaa la ii sheegay in qof laxidhay balse ma ogi waxa socda,” Ayay tidhi.
Saygeeda, Gen Seare Mekonnen, ayaa toogasho lagu dilay, iyadoo dawladu ay ku eedaysay waxay ugu yeedhay inqilaab lala maaganaa gobolka Amxaarada.
Jeneraal Seare Mekonnen oo ahaa taliyihii ciidamada qaranka Itoobiya waxaa dilay waardiyihiisii, markaas wuxuu isku dayayay in uu fashiliyo afgambiga sida ay dawladu sheegtay, jeneraal Gezai Abera oo isna la joogay ayaa toogasho lagu dilay.
Waxaa intaas dheer, mas’uuliyiintii deegaanka Amxaarada oo uu madaxwaynahoodii ugu horeeyay oo isla dhacdadan lagu dilay.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........