Skip to main content

𝐋𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐉𝐚𝐜𝐚𝐲𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐝𝐚𝐧









𝐋𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐉𝐚𝐜𝐚𝐲𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐝𝐚𝐧

Had iyo jeer waxa aynu maqalnaa marka laga waramayo jacayl daran oo dhex mara laba qof oo soomaali ah ,in ay ugu horeeyeen cilmi boodhari iyo hodan.

Haddaba, hal-abuur cabdilaahi saleebaan bidde oo ah, hal-abuur  leh suugaan(heeso) badan oo hirgaley ayna walaalo yihiin hal-abuurka kale ee caanka ah waa axmed saleebaan bidde e ayaa sheegay  in ey jireen lammaane ka horeeyey cilmi iyo hodan ,oo jacayl darani dhexmaray kuwaasi oo ahaa reer saylac lana kala odhan jirey muriyo iyo xuseen.

 "Seylac geed baa ka baxay labadooda qabri, geedkii ayaana isku maran" ayuu yidhi Cabdullaahi Saleebaan Bidde oo u waramayey idaacada bbcsomali.
Waa tan beydad kamid ah hees uu qaado xasan aadan samatar oo uu hal-abuuray cabdilaahi saleebaan bidde oo uu kaga waramayo arrinta aynu ka soo hadalney.

“ Qarnigii Sagaalaad,
    surinkuu jacaylkani,
   Soomaali kaga yimid,
   sow Seylac ma ahayn,
   isku soohmeen laba geed,
   isku sudhay kalgacalkuye,
   sifahoodi weeyee.”

Comments

Popular posts from this blog

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l...

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag