Skip to main content

8 Astaamood Oo Lagu Garto Qofka Ku Jecel

sida la ogyahay wejiga iyo xubnaha jirka intooda kale inay yihiin astaan lagu garan karo waxa dhex yaalla qalbiga, naag jacayl nin u qabta ama nin naag jacayl u qabo waxaa laga arkaa astaamahaan soo socda
1-xusuus badan mar kasta inaad niyadda ku haysid oo aadan ka saari karin oo aad ku mashuulsantahay            2- inaad ka sheekayso qofka aad jeceshahay mar walba waxaad rabtaa inaad xusto
3- in si xoog ah wadnaha u shaqeeyo markaad si kedo ku aragto qofka aad jeceshahy
4- marka aad u soco kulankiisa waxaad dareemaysaa firfircooni siyaado ah, marka aad ka soo tagaysidna waxaad dareemaysaa culays iyo tiiraanyo iyo caga-jiid
5- qofka ku jecel si rasmi kuuma fiirin karo, fiirista ayuu kugu xadayaa, marka aad dhinac kale u jeedano aad buu kuu fiiriyaa
6- wax kastoo aad nacaybtahay waa ka fogaanayaa qofka ku jecel adoo aan dhihin ka fogoow
7- wuxuu jecelyahay inuu kuu soo dhowaado marka aad meel wada joogtaan
8- dadka adiga aad jeceshayna wuxuu jecelyahay inuu ixtiraamo waxa aad jeceshayna inuu jcelaado, waxaa la sheegay nin ayaa naag jeclaa deris ayay ahaayeen maalin kaste waxay garaaci jirtay mooye marka uu dhintay gurigiisa waxaa laga helay 40 mooye, mid kale ayaa la weyddiiyey waxaa lagu yiri qorraxda ka waran iftiinkeeda markaas ayuu yiri marka heblaay (naagta uu jecelyahay) gurigeeda ay qabto ayay ugu iftiin badantahay  tuliguuleed.blogspot.com

Comments

Popular posts from this blog

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l...

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag