Skip to main content

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay lacagta lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay Boorsooyinka lacagta lagu waday ee shalay laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wasaaradda ayaa sheegtay shalay saacadu marka ay aheyd 11:40-Pm in Garoonka ay soo caga dhigatay Diyaarad nuuceedu yahay Bocing 737, taasi oo waxyaabihii ay siday ka mid ahaayeen Saddex Boorso oo aanan calaamadeysneyn.
Shaqaalaha Garoonka oo Boorsooyinka marsiiyay baaritaan ayaa ka shakiyay, kadibna waxa ay la xiriireen qeybta la dagaalanka Argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyada oo ugu dambeyn la ogaaday in laga soo buuxiyay lacag Dollar ah.
Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay lacagtaasi oo cadadeedu dhan tahay 9.6 Milyan (Sagal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Dollar Mareykanka) in hada ay gacanta ku hayaan Hay’adaha amniga, baaritaano dheeraad ahna ay ku socdaan, halka ay ku socotay iyo wadanka ay ka timid.
Sidoo kale warka qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Amniga waxaa lagu sheegay in Dowladda ay dhaqaale ka hesho wadamada taageera, balse lacagtaasi loo soo marsiiyo habraaca waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.
Ugu dameyntii qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay inuusan wax xad gudub ah inta uu socday Howlgalka lagu soo qabtay lacagtan, waxayna arrintaasi uga mahadcelisay Ciidamada ammaanka.
Waxaa soo baxayay warar sheegaya lacagta lagu qabtay Garoonka DIyaaradaha Muqdisho in loo waday degaanada Puntland, oo mushaar ahaan loo siin rabay Ciidamada Puntland, balse Dowladdu weli war kama aanay soo saarin arrinkan.
cabdicasiis abiib mohamuud

Comments

Popular posts from this blog

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l...

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag