Skip to main content

dhibaatooyinka ay ribbadu leedahay iyo sida ay usaamaysay bangiyada adduunka

Ribadu macnaheeda luqad ahaan waa siyaado (dulsaar) waxyaabo gaar ah sida Amaahda (daynta) iyo in labo shey la isku badalanaayo oo la kala badiyo iyadoo in la kala badiyo aanay ahayn.
Ribadu waa labo nooc:
 Ribaa Alfadli: waa ribada gasha raashinka iyo lacagaha isku midka ah .
shuruuddana wa in la isla ekaysiiyaa iyo in markiiba la kala qaato.
 Ribaa Al-nasii’ah: waa daynta lacageed oo la sii dulsaaro.
Sanadahaan danbe dunida waxa ku soo badanayay bangiyada kuwaas oo sameeya dulsaar dhanka maalgashiga ama daynta dadka la siiyo taas waxa ay saaameyn aad u daran ku yeelatay dhaqaalaha adduunyada qaar badan oo banagyadaa ah waxa ay noqdeen kuwa suuqa ka baxa kaddib markii dhaqaalahoodu hoos u dhacay ayna awood u yeelan waayeen inay suuqa ku sii jiraan.
Saamaynta ribada ku yeelatay dhaqaalaha iyo bulshada waxan ka xusi karnaa qodobadan:
 Ribadu waxay yareysaa abuuritaanka ganacsiga yaryar, ribada marka ganacsatada yaryar soo qaataan waxaa la saraaa lacag dulsaar ah marka ay lacagta bixinayaan waxaa laga rabaa dulsaarka marka waxa ay qaar badan awoodi waayeen inay bixiyaan waxayna danta ku qasabtaa in ganacsiga ka burburo sababtoo ah haddii uu faa’ido ama khasaaro waa laga rabaaa lacagta.
 Ribadu waxa ay abuurtaa sicir barar iyo dhaqaale xumo aad u daran waxa ayna qiimo dishaa lacagta.
 Ribadu waxa ay hoos u dhigtaa kobaca dhaqaale maxaa yeelay qaar badan oo bulshada ah haddii ay damcaan lacag dayn ah oo maalgashi ah waxaa la saaraa dulsaar badan marka ganacsiga kobac ma sameynayo.
 Ribada waxay aaad u yareysaa wax soo saarka iyo shaqa abuurista, qaar badan oo warshadaha wax soo saarka leh marka ay u baahdaan lacag dayn ah ama shey loo soo gado si ay isaga bixiyaan waxaa la saaraa lacag ribo ah markaa qofka waxa uu ku qasban yahay inuu iska dhaafo taasna waxa ay aad u yareynaysaa wax soo saarka.
 Ribada waxa ay abuurtay dhaqaalaha adduunka ee hoos u dhacay sanadihii 2007-2009 kii waxaa sabab u ahayd ribada bangiyada , bangiyadii waa waynaa ee aduunka ayaa waxay lacagtii kaashka ama cadayd ku maalgaliyeen dhismo guryo iyo ganacsiyo kale waxay dulsaarteen lacag dheeraad ah dadka marka ay guryahaa lacagta looga doonayo iska yarenyteed lagu wargeliyay waxay awood u yeelan waayeen inay bixiyaan qaar badan oo dadkaa kamid ah ayaaa shaqo la’aan noqday, qaar badan ayaa awoodi waayay marka bangiyadii waxay ka soo ceshadeen guryihii marka bangiyo badan waxay wayeen lacag kaash ah oo ay ku sii wadaan shaqada bangiga qaar waxaa kabay dawladahoada qaar badan waxay noqdeen kuwa awood yaraada.
Ribada ayaa abuurta sida lagu xaqiijiyay cilmi baarisyo dhowr ah dhaqaalo xumi, sicir barar, shaqo la’aan iyo in lacagta iyo hantida aduunka ay gacanta u gasho dad aad u tiro yar.
Bangiyada islaamiga waxay gaareen guul iyo hormar dhaqaale oo aad u wayn sanadihii danbe.wadamo dhowr ah oo reer galbeed u banad ayaa qaatay nidaamka ay u shaqeeyaan bangiyada Islaamka, waxaana kamid ah wadamadaa Jarmalka, Ingiriiska iyo Japan

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l