Skip to main content

6 Daan Arimood Haddi Lawaayo Waligiisa jacayl Ma Jirayo.{Maqaal Xiiso leh}

Waxaa dhab ah ama xaqiiqo ah in qof walba qaab iyo nooc u kaliya uu u cabiro ama u qiyaaso jacaylkiisa uu u qabo qof ama cid kale, cida  kale waxay noqon kartaa qof banii aadama oo lamida, xayawaan uu jecel yahay ama shay la taaban karo oo aan naf lahayn sida guriga iwm. Halkan waxaan kusoo koobi doonaa 5nooc oo uu qofku ku cabiro jacayl kiisa khaasatan marka uu tusayo jacaylkiisa qof uu jecel yahay.
-Ficil: dadka jacaylkooda ku cabira ficilkoodu waxay noqon karaan dadka u dhaqma sidan. Xaaskiisa markuu rabo inuu tuso jacaylka uu u qabo wuxuu u qabtaa hawlaha ay jeceshahay inuu uqabto oodhan, ninkeeda waxay u karisaa cuntada mida uu ugu jecel yahay iyadoo u raacisa inay isu qurxiso si uu jecel yahay iwm. Hadaba hadii aad ka mid tahay kooxdan jacaylkooda ku cabira ficilkooda waxaa fiican in aad lamaanahaaga dareensiiso in jacaylka aad u qabto uu tusaale ka yahay ficilkaaga. Waxaa dhacda marar badan in kooxdani ay la kulanto is afgaran waa ka yimaada dhinaca kale iyagoo ku an dacoonaya in lamaanihiisu uuna waligii ku odhan waan ku jeclahay iwm.
Kalmad: dadka jacaylkooda ku cabira hadalkoodu waxay noqon karaan dadka u dhaqma. Markasta wuxuu lamaanihiisa ku dhahaa "waan ku jeclahay” "macaaneey/macaanoow waan kuu xiisay maanta” "markasta waan kugu fikiraa” "noloshayda adaa ugu muhiimsan” iwm. Maadaama oo ay kooxdani jacaylkooda ku cabiraan hadal uma baahna inay u sheegaan lamaanahooda waxay dareemayaan, maadaama oo ay kalmad ku cabireen. Waxaa dhada in kooxdani ay la kulmaan is af garanwaa ka yimaada dhinaca kale iyagoo ku andacoonaya, jacaylkaagu waa hadal bilaa ficil ah.
Taabasho: dadka jacaylkooda ku cabira taabashadu waxay noqon karaan sidan. Markasta oo uu lamaanihiisu soo ag maro wuxuu isku dayaa inuu dhunkado, laabta ku qabto, jidhka u duugo, wakhti kasta wuxuu jecel yahay in uu taa taabto lamaanihiisa si ay ahaataba iwm. Hadaba qurbo.net ayaa ku leh hadii aad ka mid tahay kooxdan jacaylkooda ku cabira taabashadu waxaa fiican in aad lamaanahaaga dareensiiso in jacaylka aad u qabto uu tusaale ka yahay sida aad u taabato jidhkiisa. Waxaa dhacda in kooxdani ay la kulmaan is af garanwaa ka yimaada dhinaca kale iyagoo ku andacoonaya, in taabashadaadu ay badatay oo ayna xuduud lahayn wakhti munaasaba iyo mid aan munaasab ahaynba.
Wakhtiga: dadka jacaylkooda ku cabira wakhtigu waxay noqon karaan sidan. Waa dadka wakhtigooda qaaliga ah u quudhay inay siiyaan ku way jecel yihiin, wuxuu jacaylkiisa cabiraa wakhtiyo uu isagu u arko inay fiican tahay, wuxuu ihtimaamka siiyaa wakhtiyo khaasa oo xasuusleh inay wada qaataan la maanihiisa, wuxuu xasuustaa markasta wakhtiyadii ay soo wada qaateen xasuuso wanaagsan, wuxuu kusii fikiraa oo uu sii qorsheeyaa wakhtiga kale ee uu u arko inay munaasab tahay sida dalxiis iwm. Hadaba hadii aad ka mid tahay kooxdan jacaylkooda ku cabira wakhtigu waxaa fiican in aad lamaanahaaga dareensiiso in jacaylka aad u qabto uu tusaale ka yahay sida aad isoogu mashquuliso inaad heshaan wakhtiyo idiin khaasa. Waxaa dhacda in kooxdani ay la kulmaan is af garanwaa ka yimaada dhinaca kale iyagoo ku andacoonaya, jacaylkaagu waa mid wakhtiyo khaasa ku xidhan oo aan joogto ahayn.
Hadiyad: dadka jacaylkooda ku cabira hadiyadu waxay noqon karaan sidan. Waxay isku taxalujiyaan sidii ay lamaanahooda ugu keeni lahaayeen hadiyadba mida ay ka qurux badan tahay mida kale, kama fikiraan lacagta iyo qiimaha ay bixinayaan mar hadii ay kaga farixinayaan lamaanahooda, markasta oo uu arko wax cajabiya oo qurux badan wuxuu ku fikiraa sidii uu ugu iibin lahaa lamaanihiisa, hadii uuna hayn lacagna wuxuu isku dayaa inuu u uruuriyo si uu ugu iibiyo mar ay ahaataba. Hadaba hadii aad ka mid tahay kooxdan jacaylkooda ku cabira hadiyadu waxaa fiican in aad lamaanahaaga dareensiiso in jacaylka aad u qabto uu tusaale ka yahay sida aad markasta ugu keento hadiyadaha qaaliga ah. Waxaa dhacda iyana in kooxdani ay la kulanto is afgaranwaa ka yimaada kooxda kale iyagoo ku andacoonaya in maalkii reerka uu ku dhameeyey hadiyado aan loo baahnayn

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........