Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2020

Maxaa dhaliyay qaraxii weynaa ee ruxay Beyrut?

Maxaa dhaliyay qaraxii weynaa ee ruxay Beyrut? 6 Saacadood ka hor XIGASHADA SAWIRKA, EPA Qoraalka sawirka, Qaraxa ayaa burburiyay qeybo badan oo kamid ah Beyrut Lubnaan ayaa gashay xaalad murugo ah, kadib markii qarax weyn oo ka dhacay caasimadda Beyrut uu dilay ugu yaraan 78 qof, halka dhaawacuna ka badan yahay 4,000. Qaraxa oo ka dhacay dekadda magaalada ayaa ruxay caasimadda oo dhan. Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah. Cisbitaaladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, waxaana qaraxa uu gebi ahaanba dhulka dhigay dhismayaal badan. Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta tegay ayaa sheegay in meydad badan oo halkaa yaallay iyo burburka dhismayaasha ay ka dhigeen dekadda magaaladaasi mid aan la geli karin. Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi u ah Lubnaan, iyadoo dhaqaale xumida taagan ay sii kala fogeysay bulshada. Sidoo kale, Jimcaha ayaa la filayaa in maxk