Skip to main content

Maxaa dhaliyay qaraxii weynaa ee ruxay Beyrut?

Maxaa dhaliyay qaraxii weynaa ee ruxay Beyrut?

Qaraxa Beyrut
Qoraalka sawirka,

Qaraxa ayaa burburiyay qeybo badan oo kamid ah Beyrut

Lubnaan ayaa gashay xaalad murugo ah, kadib markii qarax weyn oo ka dhacay caasimadda Beyrut uu dilay ugu yaraan 78 qof, halka dhaawacuna ka badan yahay 4,000.

Qaraxa oo ka dhacay dekadda magaalada ayaa ruxay caasimadda oo dhan. Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah.

Cisbitaaladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, waxaana qaraxa uu gebi ahaanba dhulka dhigay dhismayaal badan.

Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta tegay ayaa sheegay in meydad badan oo halkaa yaallay iyo burburka dhismayaasha ay ka dhigeen dekadda magaaladaasi mid aan la geli karin.

Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi u ah Lubnaan, iyadoo dhaqaale xumida taagan ay sii kala fogeysay bulshada. Sidoo kale, Jimcaha ayaa la filayaa in maxkamad ay go'aan ka gaarto dilkii ra'iisal wasaarihii hore ee waddankaasi, Rafiiq Xariiri loo geystay 2005.

Maxaa dhaliyay qaraxa?

Mas'uuliyiinta Lubnaan ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay tilmaamayaan in qaraxa uu ahaa shil ee aan si ula kac ah loo fulin.

Wasaraadda arimaha gudaha ayaa sheegtay in maadama ammonium nitrate ee sida weyn u qaraxda lagu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda.

Ra'iisal wasaare Xasan Diyaab ayaa qaraxa ku tilmaamay musiibo, waxaana uu wacad ku maray in lagula xisaabtami doono kuwa mas'uulka ka ah.

Waxa uu ka hadlay "makhaasiin khatar badan" oo dekadda ku yaallay tan iyo 2014, balse waxa uu intaa raaciyay in aanu ka hordhici doonin baaritaanka.

Mas'uul ka tirsan dowladda Israa'iil ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa aanu wax lug ah ku lahayn qaraxa Beyrut.

ammonium nitrate
Qoraalka sawirka,

Qaraxa maadada ammonium nitrate ayaa hawada ku sii deyn kara gaas sun ah

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dad ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha. Qaraxa ayaa laga maqlay jasiiradda Khubrus oo Beyrut u jirta ilaa 240 KM, kuna taal Bariga Mediterranean-ka.

Madax badan oo caalamka ah ayaa ka tacsiyeeyay musiibada halkaa ka dhacday. Ra'iisal wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa bartiisa Twitter ku qoray: "Sawirrada iyo muuqaallada caawa ka imanaya Beyrut waa kuwo argagax leh. Waxaan u duceynayaa dhammaan dadka ku waxyeelloobay dhacdadaasi argagaxa leg." Waxa uu intaa raaciyay in dowladdiisa ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay shacabka Lubnaan.

Xaaladda Lubnaan qaraxa ka hor

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Lubnaan, waxaana dhacay mudaharaadyo looga horjeedo qaabka ay dowladda u maareysay dhaqaale xumida dalkaasi ka taagan oo ah tii ugu darneyd tan iyo dagaalkii sokeeye ee socday 1975-1990.

Inta badan shacabka ayaa dhaqaale xumida u aaneynaya madaxda dalka mudada soo hogaaminayay ee keeni waayay isbedal xal u ah dhibaatooyinka waddankaasi ragaadiyay. Shacabka dalkaasi ayaa la tacaala koronto la'aan, biyo yari iyo daryeelka caafimaadka oo liita.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw halkii lagu beegsaday ra'iisal wasaarihii hore Rafiiq Xariiri oo 15 sano ka hor lagu dilay gaari waxlaha qarxa laga soo buuxiyay.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........