Skip to main content

Posts

Islaamka iyo siyaasada

qaamuuskanolosheena.wordpress.com ISLAAMKA IYO SIYAASADA   qaamuuskanolosheena 5 years ago Advertisements Siyaasada iyo Diinta: Hordhac marka la soo qaado diinta iyo siyaasada waxaa hubaala in dadku uqaybsamayaan laba, qayb iyadu ku qanacday islaamkan dhammantii oo siduu yahay u qaadatay kuwaasoo waxa keliya ee ay intay noolyihiin ay ku taamayaan ay tahay in ay hadhsadaan dallaayada dawlada islaamka kuna naaloodaan nimcada iyo naxariista shareecada, waana siday ubadan tahay bulsha weynta islaamku, waxaa kuwaa ka soo horjeeda in yar oo fara ku tirisa oo ku indha daraandartay horumarka ay gaadheen galbeedku kuna jaha wareertay siday isu waafajinlahaayeen hirgelinta hannaanka yurub oo ay hiin -raacsanyihiin iyo diintan habaynaysa ee hagaajinaysa dhammaan heerarka nolosha ,lug iyo farasna ugu taagan sidii ay ugu soo koobi lahaayeen islaamka hawl qofka iyo ilaahiisa ka daxaysa oo aan shaqo ku lahayn nolosha inteeda kale ; si ay taa u hirgeliyaana waxay soo hindisee