Skip to main content

Islaamka iyo siyaasada

ISLAAMKA IYO SIYAASADA

Advertisements

Siyaasada iyo Diinta:
Hordhac
marka la soo qaado diinta iyo siyaasada waxaa hubaala in dadku uqaybsamayaan laba, qayb iyadu ku qanacday islaamkan dhammantii oo siduu yahay u qaadatay kuwaasoo waxa keliya ee ay intay noolyihiin ay ku taamayaan ay tahay in ay hadhsadaan dallaayada dawlada islaamka kuna naaloodaan nimcada iyo naxariista shareecada, waana siday ubadan tahay bulsha weynta islaamku, waxaa kuwaa ka soo horjeeda in yar oo fara ku tirisa oo ku indha daraandartay horumarka ay gaadheen galbeedku kuna jaha wareertay siday isu waafajinlahaayeen hirgelinta hannaanka yurub oo ay hiin -raacsanyihiin iyo diintan habaynaysa ee hagaajinaysa dhammaan heerarka nolosha ,lug iyo farasna ugu taagan sidii ay ugu soo koobi lahaayeen islaamka hawl qofka iyo ilaahiisa ka daxaysa oo aan shaqo ku lahayn nolosha inteeda kale ; si ay taa u hirgeliyaana waxay soo hindiseen xeelad ay iska muuqato inaany cid xeel dheer oo xikmad badan lihi ayni usoo xambbaarisay , xeelada oo ah in ay ku andacoodaan diinta islaamku waa diin fiican oo wanaagsan oo qofka in uu ilaahay ku xidhnaado caabudo oo uu qalbigiisa iyo naftiisa ka shaqeeyo dadka baraysa ,wax xidhiidhana lama laha siyaasada ee kooxo dana gaara leh ayaa siyaasada ku lifaaqaaya diintaa saafiga ah ee nadiifta ah.! si ay arintaa ugu helaan wadiiqo ay ku fuliyaan ayaa waxa loo soo laqimay ereyga la yidhaa( islamist) in lagu kala qaybiyo muslimka kaa soo looga danleeyahay in muslimka caadiga ahi aanu dan iyo muraad kalahayn in siyaasad diineed lagu dhaqo ee kuwa layidhaa islaamiyiintu sanka ka gelinayaan oo ku khasbayaan. hadaba waxaynu maqaalkan ku faaqidi doonaa sida ay xaqiiqada uga fogyihiin kooxdani,wxaana aynu caddayn doonaa in islaamku yahay hannaan nololeed dhammaystiran oo lgaga kaaftoomi karo mabaadi,da kle oo dhan .
islaamku waadiin iyo dawlad ; waxaa hubaala in ay khaladba tahay in aan diin iyo dawlad kala qaado marka islaamka laga hadlayo laakiin si aynu bal ufahamno awgeed ayuunbaa igu kalifaysa in aan cinwaankan oo kale qoro. hadaba waxaan sooqaadan doonaa laba aqoon yahan oo reer galbeeda si aynu u qancino qolodan ay madaxmartay galbeed jacaylku ,waayo inteena kale waxaa innagu filan qaala Allaahu qaala Rasuulu. aqoonyahanka hore waa; Bernard Lewis oo ah bare culuumta daraaseynta briga dhow (near east studies)ka bixiya jaamacada Princeton University, wuxuu ku tilmaamay hordhaca boogiisa (Faith And Pwower) in” islaamkii hore ee soo jireenka ahaa (classical Islam)diinta iyo dawladu mid keliya ahaayeen,may kala baxsanayn ,ama run ahaantii waxay ahaayeen dustuurkeliya oon lakala saari kareyn , manajirto waddo lagu kala fogeynkarayo shabakada isku tidcan ee ah nolosha aadamiga iyo awooda maamulaysa .”           waxa kale oo uu isbarbar dhigay saddexda diimood ee bariga dhexe aslkoodu yahay – yuhuudiyda, kiristiyanatiga ,iyo islaamka , markuu labada kale tilmaamay inaany sidaa siyaasada ugu fara dhuu dhuubnayn ayuu ku xigsiiyey Maxamed oo ahaa aasaasihii islaamku wuxuu gaadhay guul baaxadle intii uu noolaa ,waxaanu noqday madaxweynaha dawladii markii danbe noqotay imbiraadooriyada”.(1)
Bernard Lewis;Faith And Pwower
Ninka labaadna waa Paul Grieve wuxuu daraaseeyey oo uu xiiseeyey dagaalkii 2aad ee dunida hadana wuxuu jeclaystay inuu wax ka ogaado sababtii dawladii Cusmaaniyiintu u burburtay ,taasina waxay ku dhalisay baadhida khilaafka falastiiniyiinta iyo Israa,iil ka dhex aloosan iyo aas aasidii Israa,iil ,taasina waxay u xiiso gelisay inuu islaamka jeclaysto inuu wax ka ogaado , wuxuu bilaaby inuu islaamka barto , shansano kadib markuu islaamka daraaseynaayey ayuu qoray buugiisan uu u bixiyey ( Islam history, faith,and politics..) waxa uu ku caddaynayaa buugan xaqiiqada ah” dawlada muslimka ah ee dhabta ah( Ideal muslim state)shareecada ayaa maamulaysa dhammaan dhinacyada kala duwan haday tahay diinta qofka ee shakhsi ahaaneed iyo haday tahay dhinaca bulshada muslimka ah guud ahaan oo ay soo geleyso qaybaha sharciga eekaladuwan . shareecada marka la eego majirto kala goyn lagu samaynayo diinta iyo nolosha , majirto faraq udhexeeya dembiga ilaahay qofku ka galo shakhsi ahaan taasoo qaanuunka galbeedku aanu wax shaqo ah ku darsan iyo khaladka laga galo bulshada sida tuugada oo kale , majiro farqi u dhexeeya cibaadaadka qofku illaahiisa u cibaadaysanaayo shakhsi ahaan -kaasoo kabaxcsan aaga diirada sharciga galbeedku saarantahay- iyo macaamilada bulshada dhexdeedu ay macaamilyso sida wax kala gadashada iwm, shareecada aragtideeda dhammaan arimahaasi waxay hoos imanayaan nidaam sharci ,waajibaad iyo ciqaabo xadidan leh , qofka muslimka ahi siduu rumaysanyahay dhamaan waxaasi waxay katurjumayaan rabitaanka Eebe , sidaa aawadeed illahay lagamasaarikaro qaybkmida nolosha qofka eegaarka ah ama taguud ee bulshada.” (2)(islam history and politics p214) 214.
Siyaasadaba diintaa asal u ah :
waxaa wax lalayaabo ah in diin iyo siyaasad lakala saaro ,waayo sida asalka ah diimaha ilaahay soo dejiyey oo dhami nolosha oodhan inay hagaajiyaan oo ay habeeyaan ayey usoo degeen , iyadoo ay diin waliba waayaha aadamiga ee waqtigeedii Eebe ugu talagalay in ay shaqayso xallinaysay, baahiyaha markaa jirana baylah tiraysay ,sida dadbadani moodayaana maaha diinta Islaamka uun ta siyaasada faraha lagashaa , oo xataa waxaad arkaysaa dad culimo ah oo markay faaqidayaan kiristanka oo kale odhanaya diinta kiristanku shaqo kumaylahayn siyaasada iyo nolosha guud eedadka ee saahidnimo iyo suufinimo xad dhaaftay ayey dadka amraysay, waxaanu halku dhigeedu ahaa ( wixii Ale leeyahayna Alle u daa wixii Qaysar leeyahayna Qaysar) taasoo ay uga jeedaan siyaasadana boqorka Qaysarbaa leh cibaadadana Alle ayaa iskale , hasa yeeshee culimadaasi amaba aqoonyahankaa muslimka ah ee arintaa ka hadlayaa dadka uma caddeeyaan inta badan in diinta ay ka hadlayaan tahay tan la bedeley , ee asalka diintii saxa ahayd ee injiil ay nolosha iyo siyaasada oo dhan hogaaminaysey . waxaana aynu u cuskankarnaa arintaa daliillda quraanka iyo sunnaha ,hadaan ku horreyno quraanka Eebe wuxuu yidhi sarreeye :
Bottom of Form 1
كَانَ ٱلنَّاسُ أُمَّةًۭ وَٰحِدَةًۭ فَبَعَثَ ٱللَّهُ ٱلنَّبِيِّۦنَ مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَ وَأَنزَلَ مَعَهُمُ ٱلْكِتَٰبَ بِٱلْحَقِّ لِيَحْكُمَ بَيْنَ ٱلنَّاسِ )
ۚ وَمَا ٱخْتَلَفَ فِيهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ أُوتُوهُ مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَتْهُمُ ٱلْبَيِّنَٰتُ بَغْيًۢا بَيْنَهُ فِيهِ فِيمَا ٱخْتَلَفُوا۟                                
   ( فَهَدَى ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لِمَا ٱخْتَلَفُوا۟ فِيهِ مِنَ ٱلْحَقِّ بِإِذْنِهِۦ ۗ وَٱللَّهُ يَهْدِى مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٍۢ مُّسْتَقِيمٍ
oo macna ahaan aynu udhigi karno sidan” dadku waxay ahaayeen ummad keliya ,oo ilaahay nabiyo ubushaareynaaya una digaaya u soo diray ,nebiyadaana kutub xaq ah amaba xaq xambbaarsan ayuu ku soodejiyey si ay khilaafka dadkaa ka dhexdhaca ugu kala xukumaan ,kuwii kutubtaa loo soo dejiyey ayuunbaa is khilaafay xadgudub iyo damac dartii, kadib markii wax walba loo caddeeyey, kadib Eebe muslimiinta nebi maxamed rumaysay ayuu ku hanuuniyey wixii kuwaa hore isku khilaafeen eexaq ahaa .. ilaahayna isagaa duulkuu doono xaqa ku hanuuniya ”
aayaddan hadaan u firsano waxay tilmaamaysaa arimo dhawra :
– dadku inay asal ahaan ummad keliya ahaayeen ,oo sida aynu wada ognahay Aden c/s iyo Xaawa ayaa laga soo tafiirmay, nebigii ugu horreeyey ee la soo diraana Aadan laftiisuu ahaa oo markaa in qoyskoodaa kufilan oo xeer iyo axkaam ah loosoo waxyooday,markastoo dadku bataana shrciga iyo xallinta mashaakilka dadkaa ee diimuhu wadaan wuu badanaayey , waxaynu kafahmaynaa aayadan oo kale nidaamaka iyo nidaam darrada in ay aadamiga nidaamku ku soo horreeyey oo fawdada iyo nidaam darradu ay gadaal katimi ,mana qabo sida ay ku doodaan kuwa taariikhda aadamiga raad raacaa in aadamigu iska daa inuu nidaam lahaaye aanu aadamiba ahayn oo wax uu xayawaanka kaga duwanaa aanay jirin ,haday dhacdayba in uu bilaa hu, noqday oo dhogorraystay oo kaymaha galay waxy ku dhacday markuu kategey hanuunkii loosoo dejiyey ee uu qaawanaan iyo dhardhigasho ilbaxnimo mooday ayuu xayawaanka u ekaaday oo aadami nimadiisii iloobay ,waana taan kabaqaayo in maanta aadamiga ay ku dhacdo oo uu dib ugulaabto dadkaa sawaaban ee uu ku qoslaayo caqli yaraantooda .
– waxay aayadu caddaynaysaa waxa dadkaasi ku kala socon jireen inay waxyi iyo diin ahayd waana halkaa halka aynu ka cuskanayno in diinkastaa siyaasada iyo nolosha faraha kulajirtay ,ee kala saaridu ay ahayd bidco gadaal katimi.
– waxaa kaloo aayadani caddaynaysaa in sababta keentay in dadku xaqa kalumaan ay tahay xadgudub iyo gardaro ay iskula kaceen iyagu.
– ugu danbayna waxay inoo tilmaamaysaa in islaamku yahay farriin cusub oo dadka dib ugu celinaysa ,jidkii laga lumay ee xaqa ahaa, ee asalka ahaa ee ahaa in dadka diin lagu dhaqo kitaab Eebana lagu hogaamiyo, khilaafka soo kaladhex galana diintaa lagu xaliyo.
aayad kalena Alle xumaan ka hufnaaye wuxuu ku tilmaamay ;
إِنَّا أَنزَلْنَا التَّوْرَاةَ فِيهَا هُدًى وَنُورٌ ۚ يَحْكُمُ بِهَا النَّبِيُّونَ الَّذِينَ أَسْلَمُوا لِلَّذِينَ هَادُوا)
الاية…. وَالرَّبَّانِيُّونَ وَالْأَحْبَارُ بِمَا اسْتُحْفِظُوا مِن كِتَابِ اللَّهِ وَكَانُوا عَلَيْهِ شُهَدَاءَ ۚ
                                                                    الاية   44 المائدة
oo macna ahaana aynu u tarjimi karno ” Tawraat oo hanuun iyo nuur kabuuxo ayaanu soo dejiney, nebiyadaana iyada kukala xukumijirey yuhuudii muslimtay ,sidoo kale culimadooda ayaa ku kala xukumi jiryay ,iyagoo fulinaya dalabkii laga dalbay inay kitaabka Alle ilaaliyaan ,iyagaana taa marag ka ahaa..” aayaddana waxay farta ku fiiqaysaa in yuhuuda oo ah ummadihii inaga horreeyey ay nebiyadoodu iyo dadkooda culimada ahi diinta ku kala xukumijireen ,taasina uma baahna caddeynba oo quraanku inbadanbuu ka hadlay marxaladihii ay ilmo israa,iil lasoo mareen nebi Muuse iyo sidii uu ugu ahaa hogaamiye dhinac walba ah,waxaakaloo quraanku kahadlay nebiyadii reer israa iil qaarka mida oo boqoro ahaaba oo waxay ku dhaqayeena ahaa waxyiga ilaahay sida Daa,uud iyo Suleymaan c/s .hadaynu u fiirsano kiristanka laf ahaantooda waxaa quraanku caddaynayaa in ilaaahay u soo dejiyey kitaabka la yidhaa Injiil kaasoo ahaa manhajkii noloshooda la rabay inay uraacaan waxaanu isagoo nebi Ciise c/s hadalkiisa inoo soo tebinaya uu Eebe yidhi
(وأطيعون ومصدقا لما بين يدي من التوراة ولأحل لكم بعض الذي حرم عليكم وجئتكم بآية من ربكم فاتقوا الله)
oo macna ahaan aan u dhigi karro sidan” waxaan ahay mid rumaynaya oo taageeraya kitaabkii tawraad ee hortay soo degey, waxaanan idiin xalaalaynayaa badh kamida wixii laydinka xaaraantimeeyey ,waxaan idiinla imi aayado caddayn u ah rasuul nimadayda ,ee Alla ka cabsada oo i yeela . ”
waxaan uga dan leenahay aayadan halka uu Eebe ku tilmaamayo hadalka nebi Ciise c/s uu yidhi( ولأحل لكم بعض الذي حرم عليكم ) oo tilmaamaysa in Injiili sharcigii Tawraad waxka mida bedeshay ,culimadu way ka hadashaa in waxa ay bedeshay ahaa sharci cusub oo ay keentay iyo in uu ahaa wixii markii horeba denbigooda reer israa iil lagaga mamnuucay ciqaab ahaan inay injiili dib ugu fasaxday ,kay doontaba ha ahaatee waxaa cad in nebi Ciise uu ahaa nebi dadka ku hogaaminaaya kitaab nolosha oo dhan wixii mashaakila ee markaa taagnaa kala xalinaya ,muhimna maaha inuu injiili xaga axkaamta iyo sharciga kamadax banaanaa Tawraat iyo inaanu kamadax banaanayn waxaa se muhim ah in diin wax lagu maamulaayey .
xaga axaadiista hadaynu daymoono waxaa nebiga s.c.w. laga soo tebiyey inuu yidhi  ( … كانت بنو إسرائيل تسوسهم الأنبياء كلما هلك نبي خلفه نبي )
oo macna ahaan noqonaya” Reer israa,iil waxaa u talin jirey nebiyadooda oo markuu nebi dhintaba nebiga ka danbeeya ayaa hogaan ka qaban jirey…”
Hadaba waqtigan aynu noolahay waxaa dhacday arin aan ummada muslimka ah hore uga dhicin oo ah diinta oo laga fogeeyey taladii dadka oo lagu bedelay xeerar iyo qawaaniin ajanabi taasoo soo taagnayd ilaa intii ay burburtay khilaafadii cusmaaniyiintu qarnigii 19aad, waxaana dhacday in markii uu bilaabmay baraaruga muslimiintu ee uu xoogeystay oo ahayd dabayaaqadii qarnigii ina dhaafay ay dadbadani oo culuumta sharciga ah kuwa loo tiriya ahi ay ku wareereen sidii loo bedeli lahaa xaalada noocana ,sidaa aawadeed waxaaba dhacday in qaarkood yidhaahdaan siyaasadan lagama qayb qaadan karo oo waalagu lumayaa ,dadkiina way uga dayriyeen ka hawlgalaka goloyaasha siyaasada .waxaa fiican in aynu soo qaadano hadalka qiimaha badan ee uu arintan uu ka yidhi sh.Caqiil Binu Maxamed Binu sayd Almaqdaray maqaalkiisa cinwaankiisu yahay
(مقدمة في فقه السياسة الشرعية) oo macna ahaan noqonaya– hordhac kusabaabsan fahamka siyaasada sharciga ah– wuxuu yidhi” waxay noqotay siyaasadu marka la eego aragtida aqoonyahanka culuumta sharciga ah ; been,khuraafaad munaafaqad, iyo aragtidii miikaafiiliga ahayd ee odhanaysay dantaada kugaadh wadda kasta oo ku gaadhsiinkaraysa ,xataa waxaabu noqday siyaasigu qofka xariifka ku ah ee ku xeel dheer shirqoolada mucaaradkiisa uu udhigo,khiyaamada bulshada ,iyo ku ballan furkeeda, sidaa aawadeed way ka dideen siyaasadiiba ,ilaa ay gaadho heer qaarkood ay uga digaan dadka ka qaybqaadashada siyaasada iyagoo ku andacoonaya in siyaasadu tahay xabaasha dacwada iyo culuumta sharciga ah, marmarsiiyana taa uga dhigaya koox heblaayoba siyaasada way gashaye maxay ka dheeftay ? bal fiiriya sidey siyaasadu ugashay ee ay uga tanaasuleen mabaadi,dii una daciiftay ku toosnaantoodii diintu…”(3)
waxaana ugu wacan baynu odhankarnaa in siyaasadu sidaa u fasahaado maanta oo qofba qofkuu kaliito siyaasada shaqo kadhigto ,iyadoo dadku iska iloobeen dhisida ,tarbiyeynta iyo toosinta naftoot, waxaa haboonba bulshada muslimka ahi inay kaba mamanuucdo siyaasada qofka aan naftiisu dhisnayn diin ahaan iyo waayo aragnimodiisa aduunyo ee kaleba , waxaana xiiso leh in aynu halkan u cuskano hadalkii qaayaha badnaa ee uu kayidhi imaam Araaqib al asfa haani ( alxasan binu maxamed binu mufadal) oo ahaa caalimkii culuumta qur,aanka ku xeesha dheeraa ee lagu xasuusto kitaabkiisii(مفردات القرآن) iyo kitaabkiisii kale ee(الذريعة إلى مكارم الشريعة)، wuxuu kitaabkiisaa ku caddeeyey in'” aanu u qalmin in uu dadka kale siyaasadooda maamulo oo maareeyo qof ku guul darraystay in uu siyaasada naftiisa hanto oo hoggaanka u qabto “.
waxaa si fiican u tilmaamay aqoonta looga baahanyahay qofka muslimka ah ee raba inuu ummada hoggaanka uqabto Sh.Islaam Ibnutaymiya Alla hawnaxariistee wuxuu yidhi” waxaa lagudboon mu,minka inuu aqoon u leeyahay shararka dhacaaya iyo heerarkooda marka kitaabka iyo sunnaha la eego,sidoo kale khayrarka dhacaaya iyo heerka aykitaabka iyo sunnuha ku leeyihiin ; markaa waa inuu kalasaaraa xukumada arimaha nolol maalmeedka ka dhacaya ,ee larabo inay u dhacaan si kitaabka iyo sunnaha waafaqsan ,waana inuu soo hormariyaa wixii ugu khayrbadan uguna sharyar, islamarkaana waa inuu diidaa oo kahortagaa shararka ugu waaweyn hadii kolley iyo kolleyba labadaran kala dooro joogtana shayga ugu sharka yar uu qaataa ,waa inuu qaataa khayrarka ka uguweyn hadii khayr seegayana ka ugu yari seegaa…” waxaanu ku soo gabagabaynayaa odhaadan aad uqaaliga ah ( hadii qofku aanu garanaynin waayaha dadka iyo waajibaadka diinta ,magarankaro xukunka Eebe adoomadiisa u doorbiday ,hadaanu kaa garanayna hadalkiisa iyo ficilkiisuba waxay noqonayaan qaar kusalaysan aqoondarro,qofka ilaahay kucaabuda jaahilnimana waxa uu hallaynayo ayaa kabadan waxa uu hagaajinayo)
waxaa kaloo xusid mudan in koox kale oo dadka shareecada loo tiriyo ahina ay ku gaabsatay aragti ahaan inay udiidaan in diinta iyo dawlada lakala saaro laakiin ficil ahaan aad moodo in ay kukala saarayaan iygoo ku koobsanaya bixinta duruusta iyo wacyigelinta ummada laakiin aan u arkayn inay waajibkooda tahay in ay ummada hogaamiyaan oo hirdanka xaqa iyo baadilka hormood ka noqdaan .
waamaxay cilmiga siyaasadu?
hadaynu si kooban u tilmaamno cilmiga siyaasadu waa qaybkamida culuumta bulshada oo sigaara xooga usaara daraasaynta dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee aadamiga sida ; codaynta ,kooxaha cadaadiska siyaasadeed sameeya, aasaaska ururada iyo xisbiyada siyaasada iwm,waxaanu kaga duwan yahay cilmiyada bulshada ee kale xooga uu saarayo daraasaynta dhaqanka siyaasadeed ee bulshada iyo falgalka dhinaca siyaasada ee bulshada dhexdeeda ka socda. Waxaa kale oo cilmiga siyaasada lagu macneeyaa ; cilmiga barashada awooda dawlada waayo awoodu (power) waa hooyada qaybaha siyaasada eekale ,suuragala maaha in cilmiga siyaasada la macneeyo iyadoon la qeexin waxa ay tahay awooda dawladu.(Power )
Hadaba awood waxaa lagu macneeyaa” awooda cidi uleedahay in ay raadayso amaba xakamayso cidkale “(5)
isaga qaamuuska qaanuunka ereybiximihiisa lafa guraa wuxuu ku macnaynayaa in awood la odhan karo ( xooga amaba awooda kooxi haysato ee u ogolaanaya in ay ilaha (resources)guud ee qaranka u adeegsato sida ay u aragto in ay ku haboontahay “(6)
waamaxay siyaasadi :
intaynaan u gelin qeexida waxa islaamku u yaqaano siyaasad waxaynu isku deyi doonaa in aynu bal wax ka tilmaamno sida ay ku macneeyaan casrigan xarumaha waxbarashada iyo daraasaadka culuumta bulshadu . barta internetka ee caanka ah laguna magacaabo wikipedia waxa ay ku tilmaamaysaa in uu yahay cilmiga siyaasadu
” waa cilmi bulsho oo ahmiyad siiya barashada dawlada ,qaranka , maamullada, iyo siyaasada dawlada .Waa cilmi ku hawllan siyaasada haday noqoto aragti ahaan iyo haday noqoto fulin ahaan ,waxuu lafaguraa cilmigani nidaamada siyaasdeed, iyo habdhaqanka siyaasadeed ” Qaarkood waxay ku macnaynayaan siyaasadu in ay tahay habka loo maro qaadashada go,aanada khuseeya bulshada ,amaba inay tahay habka loogu qaybiyo awooda maamul qaybaha kala duwan ee bulshada ,waxa kaloo lagu tilmaamay in siyaasadu tahay xirfada maaraynta iyo maamulida khilaafaadka bulshada dhexdeeda.
waa maxay siyaasadi aragtida islaamka?
kelmadani waxay ka soo jeedaa ereyga carabiga ah ee( ساس) waxaana carabtu tidhaa ” ساس الدابة أو الفرس ” oo macna ahaan noqonaysa neefkii xoolaha ahaa ayuu maamulay oo leylyey ,waana markuu wixii neefku ubaahnaa ee dalag biyo iyo xannaano kaleba ah udhammeeyo ,waxaanu leeyahay Dr.  yuusuf alqaradaawi” waxaan filayaa in halkaa laga soo qaatay kelmadan oo markii aadamigu uu sifiican u bartay maamulka xayawaanka uu dhaqanayo uu ugudbay inuu aadamiga maamulo” hadaynu soo qaadano Dr.cuqayl bin maxamed binsayd almaqdry oo culimada yaman ee caanka ah kamid ah wuxuu leeyahay , ” ereygan siyaasad luqo ahaan wuxuu isugu soo ururayaa arimaha oo lamaamulo lana maareeyo si wanaagsana loo ilaaliyo noolana hagaajiyo” waxa uu Dr Cuqayl uu ka soo tebinayaa in uu ibnul manduur oo qaamuusyada ugu heerka sareeya carabida mid kamida leh inuu ku tilmaamay siyaasad ( debaraada arimaha dawlada ,siyaasiyiintuna waa hogaamiyayyaasha ummadaha iyo maamulayaasha danahooda guud). Hadaba kelmada siyaasad quraanka kumaysoo aroorin erey ahaan laakiin sunnaha nebiga scw iyo hadalada saxaabadaba waa laga hayaa Nebigu s.c.w. wuxuu yidhi:
إن بني إسرائيل كانت تسوسهم أنبياؤهم)
oo macna ahaan noqonaysa
“reer banii israaiil waxaa maamuli jirey nebiyadooda “,macnaha ereyga     تسوسهمsida sh. ibnul Athiir uu carrabaabayo waa ” anbiyadooda ayaa taladooda gacanta kuhaysay sida madaxdu ay bulshada taladeeda ay gacnta ugu hayso”.Qeexida ugu fiican ee culimada islaamku qeexday siyaasadda waa ta uu ka soo guuriyey sh.Ibnu alqayim sheekha layidhaa Ibnu caqiil al xambali , Alla ha unaxariisto labadoodaba,e wuxuu sheegay inuu kumacneeyey( siyaasadu waa falkasta oo lagu kaco falkaas oo dadka ku dhaweynaya wanaaga kana fogeynaya xumaanta ,nebiguba yaanu jideynin waxyibana yaanu ku soo degine ) ujeedaduna waxaa weeye siyaasad kasta oo caddaalad ku dhisan shareecadu waa taageeraysaa , haday dulmi ku dhisantahayna way diidaysaa ,shardina maaha in waxyi tilmaamo ee siyaasadda asalkeeda waxaa looga jeedaa in lagu ilaaliyo dhaqanka toosan iyo in lagu xaqiijiyo maslaxada iyo danaha ummadda ee guud”(7)
waamaxay farqiga udhexeeya siyaasada sharciga ah-(السياسة الشرعية) – iyo siyaasada aan ahayn?
waxaa arintan si fiican uga hadlaya Dr Maxamed bin shaakir ashriif maqaaladiisa aad u qiimaha badan ee uu kaga hadlayo siyaasad sharciga ah , wuxuu yidhi diktoorku ” siday ila thay markii hore siyaasada laguma ladhi jirin areyga (asharciya) waayo waxaa salafku kaduulayey aragtida ah in siyaasadu tahay wanaajinta iyo islaaxinta ummada ,iyo in aan wax hagaagayaa jirin hadii sharciga aanu waafaqsanayn ,markaa kelmada siyaasa oo keliya ayaa ugu filayd iyaga in ay u faa iideyso macnaha ay inoo faaiidaynayaan inaga labadan erey( asiyaasa asharciya ) , hadaba kadib markii aqoontii diintu daciiftay fahamkii siyaasadda nabiga scw eesaxda ahaana ka lumay mas,uuliyiintii nebiga iyo saxaabadiisa kadanbaysey ,waxaa dhacday in siyaasadii garab martay sharcigii markaa ayaa loo baahday in siyaasada lagu lifaaqo ereyga (asharciya) si meesha looga saaro siyaasadaa sharciga baal marsan …run ahaantiina sh. Islaam Ibnu taymiya waa ka hadlay isbedelkaa ku soo kordhay siyaasada waanu caddeeyey sababtiisa , waxaanu yiri Alla hawnaxariistee ” markii talada muslimiintu ku soo wareegtay tafiirtii Cabbaas ,aanay ubaahdeen inay dadka siyaasad fiican ku hagaan , aanay maxkamadaha u magacaabeen qaadiyaal fuqahadii waagaa nooleyd ee reer ciraaq ah ,kuwaasoo aqoontooda dhinaca siyaasadu aanay ahayn mid ku filan oo ay siyaasadii xaqsoorka lahayd ee diintuna dabacday ayey dejiyeen habka layidhaahdo .
(maamulka ka cabashada dulmiga)ولاية المظالم ( waxaanay maamulkii dagaalka ka dhigeen mid ka duwan maamulka sharciga ama shareecada,.Kadibna gobolo badan oo dawlada islaamka ka tirsanaa arintu way sii xumaatay ,ilaa ay gaadhay heer laga yidhaa: sharciga iyo siyaasada … sabatuna waxay ahayd mas,uuliyiintii loo magacaabay dhinaca sharciga aqoontii ay sunnaha ulahaayeen ayaa gaabnayd , sidaa awgeed arintu waxay noqotay in markay qadiyad xukumaan ay dayacaan xuquuqbadan ,xudduudbadana ay caddilaan, waxaanay gaadhay heer dhiig-badan la daadiyo,xoolobadan iyo hantina ladhco ,lanaxalaashado waxyaabihii xaaraanta ahaa .Dhinaca kalena kuwii siyaasada loo magacaabayna ama looxilsaarayna waxy noqdeen qaar dadka ku hoggaaminaya ra,yi aan loo cuskanayn kitaabka iyo sunnaha.” (8)
Aan ku soo gunaanadno qaybtan hadal lama dhaafaana oo Ibnu Alqayim alla ha unaxariistee uu kayidhi siyaasada islaamka waxuu yidhi sheekhu” qofkasta oo shareecada macaankeeda dhadhamiyey ,dhugteyna sida ay u dhammaystirantahay,iyo inay koobsanayso baahiyaha adoomada aakhiro iyo aduunba , lana timi caddaaldii ugu sarreysey ee waxa alla abuuray oodhan ee adoomadiisa ah ku filan ,isla markaana aanu jirinba caddaalad ka sarraysa caddaaladeeda , iyo inaanay jirin maslaxad ka baxsan maslaxadeeda ; waxaa u caddaanaysa in siyaasadda caddaalada ku dhisani ay tahay qayb kamida qaybaheeda iyo laan ka mida laamaheeda ,qofkasta oo aqoon uleh ujeedooyinka iyo yoolalka shareecada ,si fiicana u fahmaa ,umaba baahanayo siyaasad kale ,waayo ninkii garanayaana ha garto kaan garaneynina yaanu garanine siyaasadu waa laba nooc uun ; siyaasad dulmi iyo xadgudub kusalaysan oo shareecadu diidayso iyo siyaasad caddaalad iyo xaqsoor ku dhisan oo shareecadu taageerayso … lama na odhan karo siyaasada caddaalda ku dhisani waa mid khilaafsan sharciga ,way waafaqsantahay sharciga ,waaba qaybkamida isaga ,siyaasad waxaanu ugu magacaabaynaa annagoo erey bixintooda raacayna,e laakiin waa caddaaladii ilaahay iyo rasuulkiisu jideeyeen”.(8)
halkaa waxaa inooga cad in siyaasad hadii layidhaa dadkii hore u fahmijireen keliya tan diinta waafaqsan laakiin markii diintii laga fogaaday gaar ahaana ragii talda hayey ay ubateen qaar dhaxal talda u helay ee aan doorasho ku iman ayey ku kaceen falal siyaasada ilaahay iyo rasuulkiisu jideeyeen ka baxsan ,markaasaa culimadii waagaa nooleyd ku ladhay ereyga asharciya si ay dadka u tusaan in siyaasada diinta waafaqsan oo kamid ahi jirto ee aanay ahayn uun tan ragan amar ku taaglaynayaa wadaan
Waxay ila tahay majirto wax ka yaab badan qof isku deyaaya in uu qof kale oo dhulka korkiisa kula nool tuso una cadeeyo in cadceedu iftiin leedahay ,waayo waa wax aan ka qarsooneyn cidnaba ,waxa taa lamida qofka isku deyaaya inuu qofkale ka dhaadhiciyo inuu islaamku diin iyo dawladba yahay. Arintu sikastaba ha ahaatee waxaan halkan ku lafa guridoonaa arintaa , si aynu kuwa ka indhala,a amaba iska indha tiraya daaha uga qaadno oo shakiga uga saaro haday iyagu kumadax adaygaan habawgoodana bulshada u tusno inay qaawan yihiin oo wax hillaaba iyo wax hagooga oo asturaya aany xidhnayn , iyo si aanay dadka caamada ah boodhka isugu sooqarin waxa aynu farta ugu fiiqi doonaa in aanay xaq iyo xeertoona u cuskanayn diidmada ay diidayaan in islaamku diin iyo dawladba ayahay .
Su aasha muhimka ah ee aynu qormadan ku furanaynaa waa ; horta waamaxay dawladi? maxay qabataa? imisa laamood ayey uqaybsantaa?
jawaabaha saddexdan su aalood ayaa inoo noqonay miisaanka aynu kukala garanayno in islaamku diin iyo dawlad yahay iyo in uu diin kaliya yahay. Aan ku bilowna,e dawladi aniga siday ila tahy waa in ay afartan shardi laga helaa:
-Dal oo ah deegaan joqaraafiyeed oo lagu noolaankaro
– Dad oo ah bulsho ku nool dalkaa oo degan kuna dhaqan.
– distoor oo ah xeerkii iyo nidaamkii dadkaasi ku kala socdeen ee hawlahooda ku maamulanayeen.
– Madax oo ah masuuliyiinta dadka dalkaa degan kufulinaysa ee ku hagaysa xeerkaa iyo dustoorkaa aan soo tilmaamnay .
Taariikhda aadamiga inta la garanayo ee dawldi soo jirtay afartaa xayndaab kamay baxsanayn ilaa maantana afartaas uunbay dawladi mid ku taagan oo macna ahaana ah, mas uuliyad ahaana gudata oo hir gelisa ay ahayd, sida dad badani moodayaana dawladnimada wax maanta cusub oo ku sookordhay majiraan ee waxaa qoloba si u maaraysay uun afartaa qodob iyo siday isulashaqaynayaan ama siday uwada shaqaynayaan. Hadaba waxaad moodaa beryahan danbe laga soo bilaabao qarnigii 19aad dabayaaqadiisii waxaa fadalo cadaa galbeedka oo fikradihiisa iyo falsafadihiisa noloshu ay aadamiga u widhwidhayeen una hirayeen oo dadbadanina uba soo hayaameen oo usoo doog dhawdeen meesha daruurahoodu biyadhigeen mahiigaankooduna ku hoorey . Waxaana dhacday in fagaaraha laga waayey cid fikrad ahaan latartanta oo wax macnale oo dhaama waxaa ay layimaadeen keenta ,marka laga reebo muslimka oo isagu ku guuldarraytay in uu aadamiga casrigan maanta soo hordhigo aragtida islaamka ee bedelikarta amaba dhalliilaha tan reergalbeedku leedahay kasaarikarta meesha oo ilbaxnimo dhammaystiran oon kala dhantaaleyn aadamiga ugu baaqikarta .Waxaanad moodaa in hadaynu tusaale usoo qaadano habka ay galbeedku afartii arimood ee aynu soo sheegnay umaareeyeen ay noqotay mid aan hadal laga keeni karin cidii kakeentaana ay tahay dib u socod iyo digteytar fashiista ah ,waxaanan uga jeedaa saddexda qaybood ee ay dawlada u qaybiyeen ee kala ah :
-awooda sharci dejinta
-awooda fulinta
-awooda garsoorka iyo caddalada
iyo tan aynu kumagacawnay dadka dalka ku nool oo ay yidhaadeen waa awooda ugu sarraysa ee aan cidina ka sarrayn.
waxaanay ku doodeen in sddexdan awoodood in lakala saaro oo ay kala madax banaa naadaan ay tahy aasaaska caddalada iyo deganaanshaha bulshada, iyagoo ku dooday in ay iyagu ugu horreeyeen cid kala saarta ,waayo intii ka horysay ilbaxnimadoodan dawlad kasta awoodeedu kooxyar ayey gacanta ugu jirtey oo siday doonto ugu takri falaysay ,hasayeeshee anigu sidaan qabo waa dood xaqiiqada kafog waayo dawlada islaamka ayaa ugu horreysay cid kala saarta hasayeeshee siday ukala saaartay waxay ahayd si kaduwan kana wanaagsan siday u kala saareen , waxaana aynu ku caddaynaynaa taa ; dawladii islaamka ahayd ee khilaafada iyo mararka qaarkood kuwo kadanbeeyeyba way kala baxsanaayeen saddexdaasi hasayesshee waxay ukala baxsanaayeen mid waliba waxay ahayd mid tixgelinaysa oo ku xisaab tamaysa jiho kawada sarraysa oo ah ilaahay subxaanah, taasoo keentay in aanu madaxweynuhu ka habran dadka iyo baarlaanka amaba maxkamadaha toona ,maxkamaduhuna sidoo kale aanay marnaba indhaha hoos uga fooraranin falalka madaxda ,hay,ad kastaaba waxay kabaqaysey ilaalineyseyna jihadaa ka sarraysa ee aan waxba ka qarsoonayan , waxay ahayd dawllad iyo madax cirka iska eegta ee aan dhulka iyo hareeraha eegin markay aragto inaan cidi arkayna sida kuwan maanta waxy doonto aan samayn .
waxaa arintaa tilmaamaaya Dr.Luwayi Cabdul-baaqi waxaanu farta ku fiiqay in ay ” Muslimiintu kala saarista saddexda qaybood ama awoodood eedawladda hormood u ahaayeen, iyagaana xaqiijiyey in labada saldo ee sharcidejinta iyo caddaaladu ka madax banaanaadaan tan fulinta .sidaa awgeed fikrada kalasaarida awoodahani maaha mid kucusub fikirka iyo taariikhda muslimka … isagoo hadalkiisa siiwata wuxuu intaa kudaray , waxyaabaha ugu muhiimsan ee in badan suuro geliyey in maamulada xadgudubsan iyo culimada oo bulshaduna lasocotaa inay wada noolaadaan waxay ahayd iyaddoo dawladu taariikhda islaamka markaynu dib u fiirino aanay ahayn mid wax walba gacanta ku haysa sida dawladahan casriga ah ee gacanta ku dhigay nidaaminta iyo maamulka dhinacyada siyaasada, milateruga,arimaha bulshada iwm . waxay ahyd mid xil iska saarta inta badan dhinacyada milateriga iyo nabad sugida .Marka lagu daro awooda sharcidejinta iyo caddaalada oo aalaaba gacanta culimada ubadnaa ,waxaa kaloo dawlada kamadaxbanaanaa tacliinta ,,awqaafta oo ahaa ilo dhaqaale oo muhim ah. iyo xataa wacdiga masaajida , ganacsiga suuqa iyo sancooyinka kaladuwan ee ka socda suuqaa , ilaa xad waxay ahaayeen kuwo dawlada ka madaxbanaan wax fara kutirisa ayaanay ahayd inta dawldu soo fara gelisaa “(9)
. in saddexdan qaybood ahaayeen kuwo kala madax banaan waxaynu ku caddayn karnaa dhawrkan tusaale .
– awooda sharci dejintu way ka madax banaanayd awooda fulinta
awooda sharcidejintu waxy ahayd dawlada islaamka ah awooda ugu sarraysa een cidina kadaba hadli karin ,waayo waxaa sharci dejin kara oo keliya ilaahay iyo rasuulkiisa ,waxaana weeye awooda sarraynta waxa layidhaa leh (sovereign) .
Eebana sarreye oo xumaan ka hufnaaye wuxuu ku yidhi aayada 59aad ee suurada liyaa annisaa
                                                          يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنكُمْ   )
       (   فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ ۖ   فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا
waxaan aaminsanahay in hadii aan ilaahay sooba dejiyeen aayad kale oo xukunka iyo maamulka dawlada islaamka ka hadlaysa tan mooyaane ay ku filnaan lahayd ,waana aayad runtii aan odhankaro waxay istaahishaa in laga qoro dhawr jis oo sharax ah ,waayo waxay tilmaamaysaa inta aan ka fahmikaro aqoontayda gaaban anigu waxyaabo badan oo maamul wanaaga iyo waxa casrigan lagu magacaabo( governing by costutution ) amaba ku dhaqanka dustuurka ummadu leedahay .waxyaabaha kale ee ay tilmaamayso waxaa kamida arimahan soosocda :
-distoorka ummada muslimka ah waxaa sarreynta iska leh ilaahay iyo rasuulkiisa
(أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ ) waxa ay amraan iyo waxay diidaanba ku adeeca shurud la,aan.
sidaa darteed shareecadu waa awooda ugu sarraysa distoorka ee waxa ay rabto iyo waxa ay doonayso aanay cidi doorin karin bedelina karin ,keliya waxa loo baahan yahay waa fulin,Eebe xumaan ka nasahnaaye aayad kale waxa uu ku tilmaamay sidan :
( … وما كان لمؤمن ولا مؤمنة إذا قضى الله ورسوله أمرا أن يكون لهم الخيرة من أمرهم ) oo macna ahaan aynu u tarjumiakrno” hadii Alle iyo rasuulkiisu arrin xukumaan   mu,minka iyo mu,minada doorasho ugama furna ,oo kalama gudboona …)
– xidhiidhka ka dhexeeya mas,uuliyiinta distoorkaa shareecada fulinaysa iyo bulshada ay ku fulinayaan kuna xukumayaan (.وَأُولِي الْأَمْرِ مِنكُمْ ) kuwa talada haya ee idinka idinka midka ah xidhiidhka idinka dhexeeyaa waa ismaqal iyo is adeecid , ku xidhan ilaalinta iyo fulinta waxa ay awoodaa sare ee alle iyo rasuulkiisa ahi ay jideeyeen ,taana waxaa inoo muujinaya khudbadii uu jeediyey hogaamiyihii koowaad ee nebiga dabadii ummada islaamka ahi dooratay Abubakar asadiiq r/c waaanu yidhi” Dad yahaw taladaa la ii dhiibay anigoo aan ahayn ka idiinku khayrka abdan ,hadaan wanaag la imaado igu kaalmeeya hadaan xumaan falana i toosiya , kiina taagta darani agtayda awood iyo buruud ayuu ku leeyahaye yaanu habrranin ilaa aan xaqiisa u gudayo ,kiina awooda lihina agtayda kaa taagta daran ayuu iilamid yahay intaan xaqa lagu leeyahay ka goynayo. intaan Eebe iyo rasuulkiisa u hoggaan-sanahay ii hogaan-sanaada ,hadaan se caasiyo wax hogaansamid ah oo aan idinku leeyahay majirto ,e ogaada” waa kaa shardiga ku xidhan sharciyadda masuulka muslimka ah waana in uu isagu ilaaliyo kitaabka Alle iyo sunnaha nebigiisa , intay taasi jirto cilaaqada ka dhaxaysaa iyaga iyo dadkay u talinayaan waa taa , hadiise taa lga waayo cilaaqada ka dhaxaysaa waa in lagu soo dabaalo dustuurka shareecada .
– maxaa layeelayaa hadii is afgaranwaa dhaco ,oo la isqabto ?
waxaa aayadu inna baraysaa hadii la is qabto waxuu doona ha ahaado is qabadkaasiye in kitaabka iyo sunnaha laysula laabto ( فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ ) waayo iyagaa ah hay ,adii sare ee dadka kala saareysey distoor ahaana iyagaa ah jihada sharcidejinta ee qodobada laysku hayo laga dheehankaro sharcinimadooda iyo sharciyad la,aantooda.
– yaa awooda fulinta distoorka shareecada leh?
aayadani waxa kale ee ay inoo caddaynayso waxaa kamid ah cidda iska leh awooda fulinta, marka la eego dustuurka ummada muslimka ah, waana ummada amuslimka ah laf ahaanteeda ,waxaana taa aynu ku muujin karnaa markaynu isla akhrino labadan aayadood ;
وأمرهم شورى بينهم) iyo( أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنكُمْ )
nusuusta diinta mararbadan fahamkeedu wuxuu ku caddaadaa marka la isla akhriyo ee aan lakala akhriyin ,hadaba markaan isla akhrino labadan aayadood tahore waxay ina baraysaa dhaqanka muslimiintu inuu yahay kuwo taladu dhex u tahy oon cidi keli iskaga toocsanayn , aayada labaadna waxay ina amraysaa in aynu u hogaansano kuwa inaga midka ah ee talda inoo haya .Halkaa waxaa inooga soo baxaysa in taladii innaga dhaxaysey ee aayada hore sheegtay aynu udhiibnay dad innaga mida oo sidaa ay ku noq deen kuwa talada inoo haya , hadiikale waxaa is wey diin leh hadaanay sidaa ahayn xagay ka keeneen talda ay innaga innagu matalayaan ee ay ku helayaan ereyga qiimaha badan ee( مِنكُمْ) .
taa markaynu fahamno ayaa ay inoo caddaanaysaa in ay bulshada muslimku tahay ta leh awooda fulinta waayo arrinkii shareeca fulinta ee innga dhexeeyey ayeynu u wakiilanay qayb innaga mida sidaas ayaanay ku noqdeen “ulul amri” .
Taamacnaheedu ma waxaa weeye dustuur qoran oon kitaabka iyo sunnaha ahayn muslimku masamaysankaro oo shareecada ayuunbaa dustuur kooda ah ?
Maya ,taamacnaheedu maaha in muslimku aanay distoor qoran samaysan karin sida dad aragti gaabani u fikiraan ,ee waxaa weeye in aanu distoorkoodaasi khilaafin shareecada taana waxaynu u cuskan karnaa ,nebigeenii suubanaa s.c.w ayaaba sidaa sameeyey oo isagoo waxyigii Eebbe ku soodegayo hadana dustuur qoran sameeyey oo taariikh ahaan loo yaqaano distoorkii madiina ,isagoo arintaa faalo kabixinayana wuxuu yidhi Maxamed Mascad Yaaquut ” islamarkii nebigu s.c.w. uu gaadhay magaalada Madiina wuxuu qoray distoor taariikhda galay aadbaanay ugu dheeraadeen taariikh yahanada iyo aqoonyahanada galbeedka ee arimaha islaamka wax ka qoraa waxaanay u tixgeliyeen in uu yahay waxyaabaha ay ku faani karto ilbaxnimada islaamku ,iyo tilmaam qiimaheeda dhinaca siyaasada iyo aadaminimadaba muujinaya ,… saxeexida dustuurkan iyo agolaashaha qaybihii kaladuwanaa ee bulshada reer madiina ay ogolaadeen waxa ku qoran kadib ayaa magaalada madiina waxaa ka hana qaaday dawlad raali laga wada yahay ,madxweyneheedu nebiga yahay s.c.w, ,sarrayntana shareecadu leedahay ,dhammaan xuquuqdii aadamigana loo kafaalo qaaday ;sida xaqa xorriyada diimaha ,iyo cibaadada ,,xaqa caddaalada iyo sinaanta . waxaana aynu kasoo qaadandoonaa halkan qaybo kamida dustuurkaa
A- dadka muslimka ee madiina ku dhaqani waa ummad keliya.
B-Muuminiintu gacantay uqaadayaan cidkasta oo ku sooxadgudubta ,xataa haduu mid kamida wiilashooda yahay.
C-Cidii inna raacsan ee Yuhuuda ahi waxay innagu leeyihiin gargaar iyagoon la dulmeyn.
D- wixii khilaaf ah ee ka dhexdhaca dadka qoraalkani wada khuseeyo ,waxaa loola soonoqonayaa Eeebe iyo Nebigiisa Moxamed scw.
E-Yuhuuda Banicawf waa ummad kamida ummadan reer madiina ,iyaguna diintooda ayeye leeyihiin muslimiintuna diintooda ayey leeyihiin.
F- Yuhuudu waxay lawadaagaan muslimiinta qaadhaanka lagu difaacayo magaalada Madiina.”(10)
qoraalkan gaaban kuma soo koobi karno qodobada heshiiskaa laakiin waxa ay carrabaabayaan aqoonyahannada faalada ka bixiyey heshiiskani inuu
” ka koobnaa 52 qodob oo dhamaantood ahaa aragtidii nebiga scw, muslimiinta waxaa khuseynayey 25qodob xidhiidhka muslimiinta iyo qoomiyadaha kale ee madiina markaa ladeganaana gaar ahaan yuhuudii iyo dadkii kusii baaqiga ahaa diintoodii shirkiga ahayd waxaa khuseynayey 27 qodob ” (11)
– Awooda fulimtu way madax banaanayd:
Bulshadaa lahayd hay,ada fulinta ee casrigan looyaqaano ( Executive authority)iyagaa u igmanaya una wakiilanaya in ay sharciga iyo awaamirta shareecada u fuliyaan. Distoorrada galbeedka iyo shareecadu halkani waa meelaha ay aad ugu kala duwan yihiin ,waayo galbeedku awooda ugu sarraynta( sovereign) dadka ayuu siinayaa
isla markaana dadkaa leh awooda fulinta oo cidday raali ka noqdaan u dooranaya inay fulintaa samayso .
– Caddaaladu way madax bananayd :
waxaana tusaale u ah arinta dhacday waqtgii Cumar bin C/Casiis ( A.H.N.) taasoo ahayd in dadkii degena magaalada Samarqand ay uga ashka-toodeen Cumar Binu C/Casiis sheegeena Qutayba Bin muslim oo ahaa hoggaamiyihii ciidamadii xoreeyey magaaladaa uu ku qabsaday si,aan shareecada waafaqsanayn ,markii warku gaadhay Cumar ayuu jawaab u soo diray ninkii gobolkaa uga mas ,uulka ahaa oo la odhan jirey Sulaymaan isagoo ka dalbay in uu qaadi arintaa u saaro oo uu fuliyo go,aanka qaadigu soosaaro ,markaa sulaymaan wuxuu usaaray garsoore Jumayc Binu xaadir anaaji , markuu labadii dhinacba dhegeysteyna wuxuu soo saaray go,aan ku amraaya ciidanka muslimiintu inuu dib uga baxo magaalada oo ay tagaan aagagii ay markii hore deganaayeen dabdeedna sida shreecadu amrayso ay ergo soo diraan kala doorran siinaysa in ay islaamaan ama Jisyo baxshaan ama ogaadaan in dagaal lagu soo qaadayo . Go,aankaasi markuu soobaxay gabbalku ugumuu dhicin magaalada mid kamida ciidamadii muslimiinta waanay kawada baxeen dhammaan ,markay dadkii reer Samraqandi arkeen caddalada intaa leeg badan koodu way islaameen .”(12)( Adabari)
bal yaa iisheegi kara dawladahan ilbaxnimada iyo garsoorrada madaxa banaan sheeganaya dawlad keliya oo maxkamadahoodu awoodaan inay yidhaahdaan dawlad heblaayo khaladbaa loo qabsadaye halaga soobaxo! dhinaca kale miyaanay tusaale kufilan ahayn in garsoorku kamadaxbanaanaa cida markaa talada haysay?
tusaalaha labaad waa arinta ku saabsan in sh. Cisadiin ibnu C/salaam waqtigii dawladii la odhan jirey Mamaaliikta ay talda haysey dawladaa oo ubadnayd adoomo aan xor ahayn ayaa waagaa waxa sheekhu hayey garsoorka masar ,kadib wuxuu fidyooday in aanay banaanaynni adoomada dadka madaxda u ahi xaq u lahayn in ay sameeyaan wax tasarufa oo guursi ,ganacsi iwm waddada keliya ee ay xorriyadooda ku heli karaana ay tahay in isaga sheekhu suuqa ka naadiyo oo midmid u gado kadibna la xoreeyo ,lacagtana baytulmaalka muslimiinta lagu shubo! arrintaasi way kadegi weyday madaxdii ummada waxaanu Najmu diin-Ayuub oo markaa talada hayey ka codsaday inuu ka noqdo fatwadaa ,sheekhuna jawaab ayuu u celiyey uu ku leeyahay garsoorku shaqadaada maaha ee faraa kala bax , markay arintu halkaa marayso ayaa ragii adoomada ahaa ee masar joogay tashadeen waxaanay go,aansadeen in sheekha laga takhaluso ,gurigiisii ayaa loo diray cid soo khaarajisa hasayeeshee may dhicin oo ragii soo dili lahaa haybadii sheekha iyo buruudkiisii ayey waajahi keriwaayeen ,isaguna markuu arkay halka arini marayso ayuu goostay inuu garsoorkaba iskaga tago oo dimishiq ku noqdo ,laba dameer ayuu soorartay oo alaabtiisii kusoo xambbaartay ,dadkii masar oo culimadii iyo tujaartii horkacayaana waa daba galeen oo waa raacaynaa ayey yidhaahdeen ,boqorkii waxaa umuuqatay in xukunkiisii liiqliiqanayo oo uu meel khatara marayo sheekhii ayuu ka daba tegey soona baryey kuna ballan qaaday inuu fulinaayo go,aankiisa ah in la iibiyo madaxda dalka ee adoomada ah oo la xoreeyo sidiibaana layeelay.
-Islaamka iyo dimiquraadiyada:
culimada islaamka ee waqtigan nooli runtii way isku khilaaftay in dimuquraadiyadu islaamka waafaqsantahay iyo in ay khilaafsantahay , waxaana aynu soo bandhigi doonaa dhinac waliba wuxuu daliishaday iyo sida aan shakhsi ahaan anigu taageeraayo ee ila haboon. Midbaa mudan in laysku baraarujiyo waxaanay tahay nidaamka dimuquraadigu ma nidaam bilaa xatooyo iyo musuqmaasuq ahbaa mise ma aha ? dadbadan waxay la tahay in uu nidaamka dimuquraadigu ka dheer yahay musuqmaasuq iyo xoolo lunsi laakiin ,xaqiiqadu sidaa way ka duwantahay ,waxaana musuqmaasuqa dunida saddexaad gaar ahaana caalamka islaamka iyo kan galbeeku kukala duwanyihiin ,kan dunida caalamka islaamka amaba carbta ka jira qofku awooda ayuu horta qabsanayaa markaasuu hanti kusamaysanayaa iyo maal , kan reer galbeedkana qofku marka hore maalkuu soo tabcanayaa dabadeedna awooduu ku qabsanayaa waxaana sifiican arintaa u tilmaamay Bernard Lewis waxaanu raaciyey markuu intaa tilmaamay” anigu uma arko in labada musuq maasuq farqi udhexeeyo dhinaca akhlaaqta iyo damiirka fiican markaan eego”
Waxaa kale oo iyana xusid mudan in” aanay dimuquraadiyadu shardi u ahayn horumarka bulshada iyo degenaansheheeda toona ,waayo waxaa lawada ogyahay oo jira bulshooyin hore umaray dimuquraadiyad la,aan sida Shiinaha oo kale ,hasa yeeshee waxaa laga yaabaa inay tahay nidaamada wax lagu xukumo ka ugu fiican ee khilaafka xakamaynkara ,fursadna siinkara aragtiyaha kala gedisan “(15)
 -Nuxurka dimuquraadiyadu islaamka ma khilaafsana
Qayb culimada kamidi waxay ku dooday in nuxurka dimuquraadiyadu aanu ka hor imanayan khilaafsanayna islaamka marka la eego dhinaca maamul iyo xukun wanaaga dawlada ,waxaana ugu horreeya oo aynu soo qaadankarnaa Dr. Sh, Yuusuf alqaradaawi Alla hadhawree wuxuu kuyidhi midkamida fataawaadkiisa ” markaan is ka dhaafno ereybixinaha akaadimi ahaan la is ticmaalo , Nuxurka dimiquraadiyadu waxaa weeye in dadku ay doortaan cida xukumaysa ee siyaasadooda mayalka u qabanaysa , iyo inaan lagu sandulleyn hogaamiye aanay raali ka ahayn ,amaba nidaam xukun oo aanay rabin ,inay xaq u yeeshaan inay cida maamaulka u haysa la xisaabtamaan, oo ay casilaan hadii uu tubta haboon ka leexdo ,isla markaana inaan lagu khasbin hannaan dhaqaale ,bulsho,dhaqan iyo siyaasadeed oo aanay garanayn raalina ka ahayn ,isla markaana haday diidaan hababkaa dhaqan dhaqaale aanay ku mudan layn,ciqaabid iyo cadaabid … dimuquraadiyada nuxurkeedu sidaa yahay aynu soo tibaaxnay miyey islaamka is diidayaan? waa halkee halka ay iska diidayaan ? waa daliilkee kitaabka ama sunnaha ah ee loo cuskan karo is diidmadaa?”
waxaanu sheekhu u daliishaday fikradiisaa aayaad ka dhaleecaynaya ee canbbaaraynaya madaxda xadgudubsan ee dulmiga iyo fasaadka arlada kula kacaya ,isagoo tusaale u soo qaatay weerarka quraanku ku qaaday waxa sheekhu ugu yeedhay gaashaan buurtii saddex geeska ahayd oo uu uga jeedo Fircoon,Haamaan iyo Qaaruun waxaanu yidhi” run ahaantii quraanku waa tilmaamay xulafadaa saddex geeska ah ee isu bahaystay denbiga iyo xadgudubka ,isna hortaagay farriintii nebi Muuse c/s ilaa Eebe uu qabasho xoogan uu qabtay “
  {ولقد أرسلنا موسى بآياتنا وسلطان مبين إلى فرعون وهامان وقارون فقالوا ساحر كذاب}
(غافر:23) 
macna ahaana aayadan waxay u dhigi karnaa sidan ( Dhab ahaantii ayaad kayagaii iyo xujo cad ayaanu la soo dirnay muuse ,una soo dirnay Fircoon ,Haamaan iyo Qaaruun , waxaanay ugu jawaabeen kani waa sixirroole beenaale ah)
sidoo kel sheekhu wuxuu u daliishaday in nuxurka dimuquraadiyadu islaamka aanu ka hor imanayn dagaalka qur,aanku ku qaaday bulshooyinka madaxda khaldan sacabka u tuma ee iska raaca , waxaanu yidhi ” Qur,aanku kumuu koobsan weerarka uu ku hayo madaxda xadgudubsan ee wuxuu raaciyey oo kalamid dhigay bulshooyinkooda ay utaliyaan ee wax walba ku barbar taagan
.(يقدم قومه يوم القيامة فأوردهم النار وبئس الورد الورود فاتبعوا أمر فرعون وما أمر فرعون برشيد.. )
هو: 97، 98)
aayadan oo aynuu u tarjumi karno sidan” waxy raaceen taldii Fircoon talada Fircoona may ahayn mid haboon ,waxaanu tolkii maalinta qiyaamaha u horkacayaa dhinaca naarta Dar ama Ceel loo aroorana iyadaa u xumaatay ”
waxaynu ku soo gunaanadaynaa aragtida Dr alqaradaawi hadalkiisan uu ku tilmaamay in ” islaamku uu uga horreeyey Dimuquraadiyada aasaaasida rukumada ay ku taagantahay ,hasayeeshee tafaasiisheeda waxa uu uga tegey Muslimiintu inay u faahfaahsadaan una dheegtaan si waafaqsan diintooda ,maslaxada aduunyadooda , isbedelka waayaha noloshooda , waqti ahaan iyo meel ahaanba iyo inay islajaan qaadsiiyaan waaya kasta oo soo cusboonaada iyo waxyiga Eebe “(16)
Culimada sidaa ku raacsan waxaa kamida Raashid alqanuushi iyo culimo kale ,waxaa tilmaam ka bixinaaya sababaha ay qaar kamida dhaqdhaqaaqyada islaamka in waxa lagu xukumo u halgamayaa ay u door bidayaan dimuquraadiyada Dr.Maxamed Mufti oo culuumta siyaasada ka bixiya jaamacada Malik sucuud waxaanu yidhi” waxaa kamida koox aamintay in dimuquraadiyada oo faaftaa ay aakhirka keeni doonto islaamka oo hela fursad uu ku xoogeysto ,laguna sharxo oo dadka loogu balbalaadhiyo fikirka islaamka ee dhinaca dawlada iyo siyaasada taasoo uu nidaamka dimuquraadiga ahi uu dulqaad uleeyahay oo ogolaankarta in uu xeradiisa soogalo ,waayo sabada dimuquraadiyadu waxay fursad usiinaysaa dadka inay doodaan oo ninwaliba ceesaantiisa ceelka keeno.
wuxuu diktoorku ku nuuxnuuxsanayaa in inbadan oo kuwa islaamka u halgamaya ahi ay qaateenba oo mabd,a ka dhigteen shuruudaha dimuquraadiyada kuna baaqeen sida calmaaniyiintu ugu baaqayso si lamida ,shuruudaas oo ay kamid tahay in la aamino xisbiyada badan ,in awooda si nabad ah lagula kala wareego ,,waxaabay noqotay nidaamka xisbiyadu qayb kamida nidaamkii nebigeena sharafta lihi layimi s/c/w awooda in si nabada lagula kala wareegaana waxay noqotay xaq dadkoodhan ay mudan yihiin inay helaan ,arintina way iska bedeshay baaqii ahaa bal dimuquraadiyada in dan lamoodo oo lagaga yar nafiso diktaatooriyada waxaanay isu bedeshay in laga dhigto mabda,a in lagu baaqo shuruudaha ay ku dhisan tahay dimiquraadiyada galbeedku ” (17)
-Islaamku waa diidayaa dimuquraadiyada
koox kale oo culimad ah ayaa ku dooday in islaamku ka horjeedo dimuquraadiyada oo aanay marnaba laba isu imankara ahayn waxaanay u cuskanayaan” in ay waajibtahay in waxyiga wax lagu xukumo, dimuquraadiyadu waxay qiraysaa awooda ugu sarraysa in ummadu leedahay taasoo ka hor imanaysa mabda,a islaamku qabo oo ah in xukunka iyo talda gebi ahaanba Ilaahay leeyahay ,keligiina sharci dejinkaro ,sidaa aawadeed dimuquraadiyadu waa aasaas baadil ah waayo ummada ayuu ka dhigayaa ta amarka iyo nahyigaba iska leh ,awoodaana cidkale kama soo dhanbbalanayso ee iyadaa is iskaleh iyadaana awooda ugu sarraysa ah ” waxaana kooxdan kamida sh. c/kriim Saydaan , Dr Sh.Jacfar Sh Idriis, Dr Sh Maxamed Shaakir Shariif, Dr.c/Xamiid almutawali.
Waxaa kamida culimada aad u diidan arinkan Dr Ludfallah khawjah oo jaamacada Ummul alquraa muxaadir ka ah wuxuu yidhi
” Dimuquraadiyadu waa mid ka soo horjeeda xukunka Alle subxaanah , islaamka ilaahay ayaa xukunka iska leh ,dimuquraadiyaduna waxay ujeededeedu tahay in xukunka shacbigu yeesho , waxaanu rumaysan yahay Diktoorku kuwa ukala baratamaya dimuquraadiyada iyagoo u arkaaya in ay tahay xadhig badbaado oo diktaatooriyada lagaga samato baxayo , may awoodin inay dawo u helaan khilaafka kataagan in shareecada ladabaqo marka golaha laga rabo inuu taa hir geliyo yahay mid isku dhafan oo kakooban kuwo shareecadaba aan aamin sanayn ,mid cilmaaniyada aaminsan , iyo mid aan islaamkaba asal ahaan aaminsanayan”(18)
-Dimuquraadiyada iyo dawrkay qaadankarto
Waxaynu kaalintan ku soo gabagabayn doonaa sida ay iila muuqato shakhsi ahaan dimuquraadiyada dawrka iyo kaalinta lasiinkaro marka bulsho muslim ah aynu nahay oo diintii ugu danbaysay ee dhammayska tirnayd haysata ,diintaasoo loogu tala galay iny baahiyaha aadamiga guddo ilaa iyo inta saacadu ka imanayso ee suurtu ka dhawaaqayso.
waxaan halkan ku caddayn doonaa dhawr xaqiiqo oo ay tahay inay labada kooxood ee loogu qaybsamay dimuquraadiyadu ay tahay inay ogaadaan tixna geliyaan .
– Dimuquraadiyada hala xoreeyo intaanay iyadu wax xoreyn
waxa aan aaminsanahay wax kasta oo wanaaga oo ay dimuquradiyadu yeelan lahayd waxaa baabiinaaya oo masaxaaya inay u faruur xidhantahay galbeedka iyo dhaqankooda iyo damacooda siyaasadeed ,waxaana loo baahanyahay in horta laga xorreeyo taa oo ay noqoto shay aadamiga u dhaxaysa oo aan dankale laga lahayn in khilaafka iyo musuqmaasuqa iyo diktaytarnimada lagaula dagaalamo mooyaane .Hadiise taa lawaayo qof isagu aan xor ahayni ilama aha in uu qofkale oo lamida xorreynkarayo.
-Islaamku waa islaam Dimuquraadiyaduna waa dimuquraadiyad
waxaa hubaala inaaanu islaamku marna noqon karayn dimuquraadiyad sidoo kalena dimuquraaadiyadu aanay noqon karrayn islaam ,sidaa aawadeed aan loo baahnayn in siyaabaha qaar islaamka meel loogaga dhaco oo layidhaahdo islaamku waanidaam dimuquradiya ,waayo hadii loo jeedo dimuquraadiyada ayaa xaqiiqooyin islaamku mar hore sugay hada la shirtimi oo fahamtay kadib dagaal qadhaadh iyo halgan dheer oo bulshooyinka galbeedku lagaleen boqorododii arxanka daraa ,taa macnaheedu maaha islaamkiibaa dimuquraadiyad isu bedelay ee waxaa weeye dimuquraadiyadiibaa ku hanuuntay xaqiiqooyin diintu hore u sugtay , oo hadii cid fadli kulihi arintaa jirto waa islaamka .waxaanan arintan ku mateli karaa bulsho meel deganayd oo cadceedu si fiican ugu soo bixi jirtay oo arlada u iftiiminjirtay oo si ay udhacdayba tuugo cadceedii ka xaday oo dabadeed dayaxii oo daciif ah jiilashii danbe ay ku garaadaysdeen kadibna qofka is yidhaa cadceedii jiri jirtay fahamsii uu ku yidhaahdo ” cadceeda laydiinka sheekaynayo in awoowyaasheen ay usoobixi jirtay waa dayaxan aad aragtaan uun , qaarkalena ay ku yidhaahdeen waadayaxa oo ka yar iftiin badan ” oo marka lagu yidhaa dayaxa iyo cadceedii awoowyaasheen yaqaaneen isku mid maahee maxaad sidaa u odhanaysaan ,ku jawaabaya bal wax dhaama oo aanu tusaale dadka uga dhigno keena , marka layidhaa oomaxay wadaagaan xagay dayax iyo cadceedi iskaga eg yihiina ku jawaabaya ; labaduba nuur iyo iftiin ayey leeyihiin sida arintaasi u tahay mid marka dhinac laga eego waayo dayax iyo cadceedi waa laba aad u kala duwan hawsha uu midwaliba qabanayo,xajmiguu leeyahay iyo xaqiiqada nuurka mid waliba uu leeyahay intaaba waa ku kala duwanyihiin, dhinaca kale markaynu iska taagnana waa waa run oo labaduba samadana waa kasoo lushaan iftiina waa leeyihiin .waxaana fahamdarrada keenaya waa hilmaamka la hilmaamsanyahay xaqiiqada ah , laba shay in ay hal sifo wadaagaan iyo in ay isku mid yihiini waalaba arimood oo kala duwan.
– Dimuquraadiyadu Islaam ma aha laakiin waxbaa laga faaiidaysankaraa
xaqiiqada kale ee loobaahanyahay in la ogaado waxaa weeye dimuquraadiyadu waa mabda,a gaalo oo maaha islaam laakiin taasi macnaheedu maaha wax laga faaiidaysan karayaa majiro , waayo dimuquraadiyada oo kaliya maahee mabda,a kasta oo jira wuxuu wanaag leeyahay waan ka faa,iidaysanaynaa wuxuu xumaan leeyahayna waan kategeynaa , mana noqonayso xujo dimuquraadiyada sharcidejinta dadkaa leh oo ilaahay uma ogola in sharciga uu keligii yeesho ,waayo waa dad gaalo ah kuwa sanmaystay ee adiga waxaa kaala gudboon intii kaa anfacaysa ka qaado waana sidaa sidii ay saxaabadii iyo salafkii suubanaaba ay yeeli jireen oo tusaale ahaan dawaawiinta dawlada islaamku beryihii danbe maamulkeeda ku soo kordhisay waxaa laga soo qaatay habkii dawladihii Room iyo Faaris ay maamuladooda u maareynjireen , saxaabaduna may isku wareerin waa dawlad kiristana iyo waadawlad dabcaabuda oo falsafadahooda iyo caqiidadooda may ka dhigin sabab ay ku diidaan inay hab maamulkooda ka faa,iidaystaan ,waxaanay ila tahay in sidaasoo kale looga faa iidaysankaro dimuquraadiyada hab maamulkeeda iyo wadiiqooyinka ay ugu guulaysatay inay khilaafka ku xalliso ,waayo nabaigu waa kii yidhi
لقد هممت أن أنهى عن الغيلة ثم رأيت فارس والروم يفعلونه ولا يضر أولادهم شيئا )
صحيح أخرجه مسلم ومالك وأبو داود والنسائي والترمذي والدارمي وأحمد    
oo macna ahaan noqonaya ” waxaan ku hamiyey in aan ummadayda ka xarrimo in ay haweenka iyagoo uurleh u galmoodaan ,hasayeeshee waxaan arkay in faarisiyiinta iyo roomaaniyiintuba sameeyaan ,oo aanay caruurtooda wax dhiba u keenin” sababtuu nebigu s.c.w u yidhina waxay ahay iyadoo laga aaminsanaa in uu caruurta dhibaato ukeenayo oo caruur caafimaad qabta aanay noqonayn.
sababta aynu xadiiskan u daliishanaynaa waxay tahay maadaama nebigeenii oo ilaahay hadh iyo habeenba u soo waxyoonaayey uu wax ummado kale anfacay u arkay in ay ummadiisana anfaci karto ,wax inoo diidayaa majiraan inagoon waxyi innagu soo degeyn in waxa dimiquraadiyadu diinta aanay ku khilaafsanayn ee maamulka iyo hoggaaminta ummada wax u taraya ka ergisano.
– Islaamka iyo nidaamka xisbiyada badan
Halkana waxaynu ku eegidoonaa xisbiyada badan ee nidaamka dimiquraadigu shardi uga shigayo dawladkasta oo sheeganaysa inay dimuquraadiyada hirgelinayso ,waxaynu is weydiinayanaa horta maxaa keenay in loobaahdo? maxaa uu dhib iyo dheefleeyahay ? malaga maarmi karaa? habkale oo ka fiican ma loo agaasimi karaa xisbiyada ? maxay culimadu kayidhaahdeen?
su,aalahaa iyo kuwo la halmaala ayeynu halkan kaga jawaabi doonaa innagoo gunaanadkana sheegi doona sida aan shakhsi ahaan door bidayo .
Waxyaabaha keenay in loobaahdo xisbiyada badan waxaa ugu muhiimsan khilaafka dabiiciga ah ee aadamiga ka dhexeeye ee qofba si u arko in loo maareeyo oo loo maamaulo hantida ka dhexaysa umada oo ah dadka, dalka iyo khayraadkiisa ,hadaba maadaama oo siyaasadu tahay maamulka dalka iyo dadka ayaa waxaa dhacda in dagaalo iyo shirqoolo,dhiig badani ku daataan ka dhici jireen intii ka horreysey nidaamka xisbiyada badan ,dabadeed si taa loo xalliyo ayaa la soo hindisey xisbiyadan badan oo fikradii xisbigeedu guuleysto ay markaa si xaqa oo xalaala dadka iyo dalka u hogaamiso. Waxaana uu soo ifbaxay nidaamkan xisbiyadu qarnigii 19aad ,oo ahayd markay bilaabantay waxa looyaqaano golayaasha baarlamaanadu ,waqtigaasoo ku beegnaa waqtigii xummadii kacaanka Faransiisku yurub saaqday ,kaasoo ahaa kii ugu horreeyey ee xorriyadahan maanta Yurub kahirgalay hormoodka u ahaa.
waamaxay xisbi siyaasiyi ?
Jawaabo badanbaa laga bixiyey su,aashan hasayeeshee laba ayuunbaan ka sooqaadan doonaa sida uu Dr Maahir Axmed Asuusi oo ah bare ka ah kuliyada shareecada iyo qaanuunka ee Qaza uu tibaaxayo ;” mar waxaa lagu macneeyey inuu yahay meel kulmisa dad wadaaga aragti siyaasadeed , waamarka la eego xubnaha xisbiga ,marka la eego mabaadi,da guud ,sida uu u arko awooda iyo talada ,iyo sida uu ugaadhi karo awoodaa siyaasadeedna waxaa lgu macnayankaraa koox isu habaysay in ay xukunka qabsato amaba lawadaagto kooxkale si ,ay ufuliso maslaxad kooxdaasi wadato.” (19)
maxay dheef leeyihiin xisbiyadu?
waxa aynu odhankarnaa faa,idooyinka ay leeyihiin kuwa ugu muhiimsan waxaa kamida in :
-aragtiyaha kaladuwan ee dadku kaqabaan sida dalka loomaamulayo oo xal loohelo.
– waa korjooge ilaalainaya cida awooda haysa- waa minbaro rayiga iyo afkaarta kaladuwan lagu soo gudbinkarayo .
-waa goobo lagu diyaariyo hogaamiyayaasha bulshada .
waamaxay dhibtoodu?
– waxay sabab utahay khilaaf iyo loolan siyaasadeed oo aan nadiif ahayn.
-waxay lumisaa hantida guud iyo ta gaar ee ummadaha .
Hadaynu u gudubno waxa culimadu kayidhaahdeen xisbiyada waxa ay ugu qaybsameen laba ; qolo waxay ku dooday in ay banaantahay oo taariikhdana wax lagu salaynkaro oo ay madhabaha iyo kooxihii kale ee xaga caqiidada ehlusunnaha kaga soo horjeedi jirey kamid yihiin kuwaasoo sida la wada og yahay khawaarijta oo iyagu koox hubaysan ahayd marka laga reebo inta kale dood iyo isqancin lagu dhaqmi jirey iyadoo qofwalibana u madax banaanaa oo aan cadaadis iyo cabudhin lagu haynin ,waxaa kaloo ay ucuskadeen aayaad aykamidtahay kuwa amraya in wanaaga la is amro iyo in xumaanta layska reebo iyo sida aayada ku baaqaysaba in muslimka marwalba laga helo koox utaagan inay khayrka dadka ugu yeedho wanaagana amarto xumahana kareebto oo ah :
(وَلْتَكُن مِّنكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الْخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَأُوْلَـئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ)
[سورة آل عمران، الآية 104
waxaa kaloo ay u cuskanayaan axaadiista iyana amraysa in wanaaga la is faro oo xumaanta layska nahiyo ,waxyaabaha kale ee ay daliilshanayaan waxaa kamida qawaacida sharciga ah sida :
– 1 ـ قاعدة الأصل في الأشياء الإباحة
oo ah( asal ahaan shay waliba waa bannaanyahay) hadii aan daliil diidaaya shaygaa lahayn waxaa ay noqonaysaa in shaygaasi bannaan yahay waa hadii uu shaygu macaamilada caadiga ah ee gadida ganacsiga maamulka iwm , waxaanay u arkayaan in aanay xisbiyadu soo gelayn tafaraaruqii aayaadka iyo nusuusta kaleba diidayeen oo taasi ay ku egtahay khilaafka asalka diinta laysku khilaafayo ,ee maaha kaladuwanaanshaha dabiiciga ah ee lagu kala duwanaanayo sida wax loo xallinayo amaba loomaareynayo,amaba loohogaaminayo.
2-قاعدة الذرائع ( in ka hortaga shay-xun amaba kasbashada mid wanaag awgii go,aan noocuu doonaba ha noqdee loo qaadan karao waxaana tusaale aynu usoo qaadankarnaa marka la diidayo khalwada amaba labood iyo dhedig in ay isla gooniyoobaan waxaa dhicikara sino si taa loo ga hortago ayaa la diiday in ay taasi dhacdo ,halka ay ka daliishanayaana waxaa weeye xisbiyadan badan waxaanu kaga hortagaynaa kelitaliska iyo nidaamadan xatooyada iyo xoolaha dadka iska xalaashanaya ee aan cidna talada waxba uga ogolayn dadkii iyo dalkiina ajanebi u rahmaya si ay kursiga u ilaashadaan .(20)
Dhinaca kalena waxaa jirta culimo taa diidan oo leh nidaamkan xisbiyadu nidaam islaamka shaqa kuleh maaha oo taariikhda loomgama helayo caddayn haddaany taasi jirina waa bidco bidco kastaana waadalaal,waxaa kaloo ay u daliishanyaan aayaadka khilaaafka iyo tafaraaruqa diidaya , aayaadka iyo axaadiista in lays ammaano amaba kuwa diidaya in xilka loo xusulduubo oo loodadaalo iwm,waxaa kaloo ay cuskanayaan axaadiista amraysa in ninka madaxda ah la adeeco oo kii kasoohorjeesta layska qabto.
Dr Maahir markuu labadaa aragtiyood ee laga kala qaatay xisbiyada soo bandhigay ,ayaa wuxuu ku soo geba gebeeyey ” markaynu fiirino aragtiyahaa aynu soo bandhignay waxaan arkaa inay suuragal ii tahay in aan taageero in xisbiyadu banaan yihiin iyo in axkaamta islaamka ay waafaqsanyihiin ,sababta aan u taageerayna waa:
daliiladooda oo ka xoogan kooxda kale lana jaanqaadaya qaaciidooyinka islaamka ,iyo iyadoon lahayn adilo diidaysa oo cad ,daliilka tafaraaruqa ee kooxda kale cuskatayna wuxuu ka hadlayaa in baadil laysku kooxaysto , baadi iyo habawna laysku garabsiiyo “(21)
waxaa kaloo isna aragti taa u eg laakiin kaduwan ku soo gunaanadaya Mxamed Mxamuud Saqar waxaanu carrabaabayaa” in arintu tahay khilaaf qolo walibana daliiladeedii keeensatay ,si hadaba looga baxo khilaafkaa waxaan u arkaa in dimuquraadiyada xisbiyadabadan ee ay wado laga faa,iidaysto,innagoo u aragna in ay tahay fursad dawlad islaama oo aan innagu kalifin in ay hub iyo dagaal u marno. kadib in dawladaa dhalata ee islaamka ah lagu celiyo nidaamkii shuurada ee layaqaanay ,nidaamka xisbiyadana markaa laga maarmo “(22)
sida muuqata Sh. saqar isagu wuxuu leeyahay aan xisbiyada badan u isticmaalo in aynu awooda ku qabsano kadibna mamnuucno.
gabagabdii qadiyada xisbiyada waxaan u arkaa in horta wax carqalad ah oo xaga shareecada kaga imanayaa aanay jirin hadii ay xisbiyo islaama shareecadana wada fulinaya oo u daacada yihiin ,laakiin hadii ay calmaaniyiin shareecada ka soo horjeeda yihiin ma u arko in distuurka dawlad islaama oo xaq ahi fasaxayo xisbi distoorka ka soo horjeedaa inuu ka hirgalo ummada islaamka ah dhexdeeda , sida nidaamada dimuquraadiga ahi ay yihiina waa sidaa oo maanta ninkaa ogolaanaya shareecaan idinku xukumayaaye xisbi ii ogolow reergalbeedow majiro ,taasina wax lala yaabo maaha oo ummad waliba waxay ilaashanaysaa dhaqankeeda haybteeda iyo hannaankeeda nololeed .
Hadaba waxay ila tahay in xisbiyadan aan u hir-gelino si kaduwan sidan galbeedka oo aan qabo in ay tahay in xisbiyadu jiri karaan uun halsano doorashada ka hor markay doorashadu dhammatana ee cidii guulaysatay guulaysatona waa ay wada baaba,ayaan dhammantood kii guulaystay iyo kii laga guuleysteyba waxaana ay isu bedeleyaan hay,ad qaran oo layidhaa ” hay,ada wanaag farida iyo xumaan reebida ” hay adaa oo ka koobnaanaysa xisbiyadii tartanka galay gudiyadooda fulinta taasoo sida loo dhisayo iyo sida ay xukuumada u kor joog teyneyso distoorka dawladaa islaamka ahi uu qeexi doono . waayo ujeedada laga lahaa xisbiyadan waa in cid maamulka iyo hogaanka qabata la soo xulo tiina waa lagu guuleystay, markaa looma baahna dad qaybo ukala fadhiya oo qolona isu aragto inay dawlada iyagu leeyihiin qolana isu aragto in laga badiyey oo ay ku taamayso sidii ay marlabaad xukunka uqabsanlahayd ,taasoo ay umarayso dacaayad kasta iyo borobogaandhe aan dhammaanayn ,oo wixii xisbigan ka guuleystay qabtay oo dhami aanu u muuqan ee ceeb iyo canbbaarayn ay ku magac disho dadkana kaga didiso shaqadiisu tahay . taasi mid ummad muslima looga baahanyahay maaha.
Xulashada madaxda iyo Islaamka                            
kaalintan waxaynu ku gorfayn doonaa sida islaamku u arko in maamulka islaamka ihi uu awooda ku yimaado iyo shuruudaha qofka hoggaanka ummada qabanaya,waxaynu u kala qaadi doonaa laba qaybood ,sooxulida madax weynaha .sooxulida golaha wakiilada waxa culimadu katidh ayeynu wax ka tilmaami doonaa kadibna aragtida aniga shakhsi ahaan ila haboon ee aan taageeraayo ayaan ku soo gunaanadi doonaa.
Doorashada golaha wakiilada                                
Arintan golaha wakiilada waxaa ay ku xidhantahay sida iyo habka waqtigan casriga ah loo agaasimo ee loo habeeyo waxa islaamku u yaqaano ” ahlul xali wal caqdi ” oo ah kuwa talda gunta amaba fura ,waxaa kaloo ay soogeli karaan fahamka guud ee ay bixinayso aayadii amraysay in dadka talada haya la adeeeco.
waa ayo golaha ( shuuradu) ?
golaha wakiilada ayaa ah casrigan golaha shuurada ,waxaanay fuqahadu ku macneeyeen in golahani yahay hay,ada wakiilka ka ah ummada …xaga shareeco fulinta , waafajinta sharciga qawaaniinta goluhu soosaarayo ,,iyo dhinaca korjoogteynta golha fulinta .
waxaana laga soo dheegan karaa oo laga fahmi karaa nusuusta qur,aanka in dadka golaha shuurada noqonayaa ay yihiin kuwa quraanku ku magacaabay ( kuwa taladu kago,do)
وَإِذَا جَاءَهُمْ أَمْرٌ مِّنَ الْأَمْنِ أَوِ الْخَوْفِ أَذَاعُوا بِهِ ۖ وَلَوْ رَدُّوهُ إِلَى الرَّسُولِ وَإِلَىٰ أُولِي الْأَمْرِ مِنْهُمْ)
       ( لَعَلِمَهُ الَّذِينَ يَسْتَنبِطُونَهُ مِنْهُمْ ۗ وَلَوْلَا فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ لَاتَّبَعْتُمُ الشَّيْطَانَ إِلَّا قَلِيلًا
waxa macnaha aayadan aynu u dhigi karnaa sidan” marka arin amaanka iyo amaandarrada khuseysaa ay timaado way iska faafiyaan ,laakiin hadii Rasuulka iyo kuwa taladu ka go,do ee iyaga kamidka ah u gudbin lahaayeen ,waxay garan alahaayeen cida ay kasoo maqleen ee warkan asalka u ah ,hadii se aanay jirin deeq Eeebe iyo naxariistiisu intiina badani shaydaanbaa wada raaci lahaydeen”
aayad kalana Eebe subxanah wuxuu yidhi :
أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنكُمْ)
oo macnaheedu yahay ” ilaahay adeeca rasuulkana adeeca iyo kuwa taldu ka go,do eeidinka midka ah”
hadaba sidaynu ka arkayno labadan aayadood waxay ina amrayaan in aynu dadka talada inoo haya adeecno iyo in aynu wixii war ah ee nabad gelyada qaranka dhaawici kara iyaga u gudbino ,waxaana ujeedada aynu usoo daliishanay aayadahan ay tahay ,faahfaahinta iyo fasiraada culimadu kabixisay- أُولِي الْأَمْرِ مِنْهُمْ – ciday yihiin iyo dadkay aayaadkani tilmaamayaan ,waayo waxaa halkaa inooga soo baxaya golaha wakiilada dawlada islaamka ahi kuwa ay noqonkaraan iyo tilmaamahooda .
Ibnu Kathiir isaga waxa laga soo tebiyey laba ra,yi mid ahaan waxa uu ku tilmaamayaa in dakani yihiin mas,uuliyiinta xaqa ah ee caddaalada ummada ku dhaqaya ,markalana wxa uu ku macneeyeey in ay culimada yihiin .Sh. Mxamed Cabdow isagu wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin madaxda dawlada,culimada,madaxda ciidamada iyo madaxda kale waxay doonaan madax haka ahaadaane ,kuwaasoo dadku ulatagaan baahiyahooda una sheegtaan mashaakilkooda … sheekhu wii siiballaadhiyey waqtigeenan cida noqonkarta kuwaa quraanku ku sheega (ulul-amri) waxaanu ku daray inay soo geli karaan ganacsatada waaweyn,garsoorayaasha,madaxda ururada bulshada iyo xisbiyada qorayaasha ,qareennada , dhakhtarada kuwaasoo ay ummadu ku kalsoontahay ,baahiyahoodana ula laabato ee u sheegato kuna aamini karto baylahtirka baahiyahoodaa..Hadaynu eegno Sheekh Islaam Ibnu taymiyah isagu wuxuu u arkaa in ay qoladani tahay ” kuwa caadi ahaan talda iskaleh ee dadka amra ,laba qaybood ayaanay kuwaasi u kal baxaan kuwa awooda gacanta ku haya ee kartida leh ,iyo kuwa cilmiga iyo hadalka gacanta ku haya ,sidaa aawadeed ayaa aynu u odhankarnaa ulul-amrigu waa culimada iyo madaxda .”(23)
Aan ku soo xidhno aragtida culimada ee cida lagu magacaabi karo inay tahay- Ulul amri- tafsiirka uu kabixiyey Sh.Maxamuud Shaltuut waxaanu yidhi ” waxaa weeye dadka aragtida dheer iyo khibrada leh ee ummada dhexdeedana looga aqoonsanyahay in ay kutakhasuseen inay baadhaan ooraad guraan maslaxada ummada , ee u cadhooda hadii ummada danaheeda meel lagaga dhaco sida garsoorayaasha,madaxda milateriga , ganacsatada ,siyaasiyiinta iyo qofkasta oo lagu yaqaano takhasuskiisa inuu khibrad dheeraada u leeyahay ,fikradihiisana bisayl iyo faa ,iidooyin badan laga dareemayo,kuwaasoo ummadu ku baratay waxqabadkooda iyo raadkay kaga tegeen umada ,kuwaas weeye kuwa loo baahaynyahay in ummadu kalsoonideeda siiso kuna aaminto nidaaminta nolshooda iyo sharcigooda “. (24)
waxa aynu kala soo dhexbixi karnaa aragtiyahaa kala duwan ee culimada in dadka golaha wakiilada ummada muslimka ah loo dooranayaa ay yihiin kuwo wanaag iyo waxqabad ,aqoon xeel dheer iyo aragti toosan oo tayoleh ku caana , mana aha ujeedadu in ay dadku noqdaan dad wada shahaadado sita waayo dadbadan oo shahadado sita ayaan hadana sirta nolosha umadooda iyo baaxada mashaakilkeeda fahamsanayn ,ee waxaa loojeedaa in uu qofku noqdo qof aan jaahilna ahayn aragtina gaabnayn.
shuruuda iyo sifada golaha wakiilada (shuurada )
Waxaa jira shuruudo loo baahanyahay in laga helo cida isu taagaysa jagadan golaha wakiilada dawlada islaamka ah , waayo sidaynu soo tilmaamanay waa cida xaq u leh in rayigooda iyo taladooda ay arimaha guud ee ummada kaga qaybqaataan ,waana mucdii iyo nuxurkii ummada ,marka la eego sida ay xasaasi u tahay shaqadoodani awgeed ,iyo muhimada iyo miisaanka uu leeyahay go,aanada ay qaadanayaan iy raadka ay go,aanadaasi ku yeelanayaan waqtigan la joogo iyo waayaha soosocda labadaba ,maaadama oo ay sidaa yihiin waxaa khasab ah inay buuxiyaan shuruudo xaddidan oo aynu kahadlidoono .
Hdaba culimadu waa ay ku kala duwan tahay shuruudaha loo baahanyahay inay buuxuyaan ,waxaanan isku deyi doonaa in aan wada tilmaamo aragtiyahooda kadibna raaciyo aragtideyda ku saabsan dhinaca aan ayidayo iyo sababta aan sidaa u yeelayo. .
– waa inuu muslim yahay :
culimada xoogoodu wuxuu qaatay in qofka golahan soo geleyaa muslim noqdo ,waxaanay u cuskanayaan aayaadka diidaaya in xidhiidh kalgacal tooyo oo hiil iyo hooba lala yeesho gaalada ,iyo in saaxiib hoosaad slaga dhigto waana sida Maalikiyada , Imaam axmed iyo culimo kale oo badani qaateen .
Aragtida labaadna waxay qabtaa in aan shardi looga dhigi karin islaamnida dadka golahan soogalaya ,waana sida Xnafiyada iyo koox culimada kamidi ay taageertay.waxaanay u cuskadeen aayadaha inna amaraya in samafal iyo caddaalad kula dhaqano dadka aan muslimka ahayn, iyo aayada Eeebe uu inna amaray in waxaynaan aqoon u lahayn weydiino cidda aqoonta u leh,iyagoo tilmaamay kuwa ay u jeedo aayadani in aynu wax weydiino waa dadyowga kutubta la siiyey ee innaga innaga horreeyey.
Waxaa jira qolooyin kala saaray oo ku doodaya in waxna lagala tashan karo waxna aan lagala tashankarin ,hasayeeshee waxaan anigu qabaa dalkii ay dad aan muslim ahayni ku nool yihiin inay kamid noqon karaan waayo waxay ka bedeli karaan dhinaca ay u socoto mawjada guud ee goluhu majirto wixii xaq ah ee caddalad ee ay ka soo jeediyaan golahana waamid ay kala mid yihiin xubnaha kale oo lana qaadan karo lana diidikaro, mana arko sabab loo yidhaa waxna waa lagala tashanayaa waxna lagala tashanmaayo ,waa marka arrintu tahay golaha wakiilada ,laakiin marka madaxweynuhu uu arimo uu doonaayo inuu go,aan ka qaato dadka uu kala tashanayo wuu ku dari karaa waanu ka deyn karaa waayo taasi wax khasab ku ah maaha .
– waa inuu aqoon uleeyahay shaqada golaha
qofka loo dooranaayo golaha wakiiladu waa in uu aqoon uleeyahay ugu yaraan qayb kamida qaybaha shaqada golaha sida ;dhaqaalaha ,siyaasada.waxbarashada ,difaaca.arimaha bulshada iwm.
laakiin qof aan dhinacnaba aqoon lahayn wax uu ku soo kordhinkaraa majirto oo talo ahi markaa looma baahana in loo doorto hawl aanu aqoonteedii lahayn
– waa in uu caadil yahay
waxaana qofku inuu caadil yahay xaqiijinaya toosnaanta dhaqankiisa ,ilaalinta waxa looyaqaan( شعائر الإسلام) oo ah waxa islaamka tilmaamta iyo hal-kudhega lagu garto u ah sida ; salaada ,soonta kuxidhnaanta masjidka,ka fogaanta xaaraanta iwm., waxaanu tilmaamayaa Almaawerdi “caddaaladu waa u shardi xilkasta oolaqabanayo waa in uu yahay runsheege , aamin ,mid xaaraanta ka dhawrsoon ,denbeyada iska ilaasha ,wixii tuhunkeenaya oodhana ka dheer, markuu cadhoodo iyo markaanu cadhaysnayna mid aan xadgudbin yahay ,hadiyo jeerna waxa sharaftu ku jirto aakhiro iyo aduunba uu ku caan yahay.hadii taasi qofku buuxiyo waxaa uu dhammaystirey caddaladii loo baahnaa waxaana markaa ubanaanaatay in uu marag galo iyo in uu masuuliyad qabto”
– waa in uu muwaadin yahay
waa in uu yahay muslin degen dhulka ay ka taliso dawlada islaamku haduu yahay muslimka qurbaha aan muslimka ahayn ku nool looma xulankaro xilkana kamana midnoqonkaro golahan ,waayo quraanka ilaahay wuxuu ku tilmaamay, qofka inta badan dalka jooga laakiin dalkale degan kaa ma aha kaan ka hadlaynaa .
(… وَالَّذِينَ آمَنُوا وَلَمْ يُهَاجِرُوا مَا لَكُم مِّن وَلَايَتِهِم مِّن شَيْءٍ حَتَّىٰ يُهَاجِرُوا)
oo aynu ku macnaynkarno ” kuwa iimaanka laga helay hasayeeshee aan hijroonin,ilaa ay ka soo hijroonayaan kuwaa wax xil ah oo idinka saaran in aad masaalixdooda maamushaan oo isku mashquulisaan majirto” waxaa daliilku yahay hadii layidhi kuwii maka ku hadhay wa xil ahi idinkama saarna ,waxaa lamida kuwa qurbo-gaalaadka degen oo sidoo kale aan wax xil ahi dawlada islaamka ah ka saarayn iyana wax xil ah oo lasaari karaa majirto .waayo dalkaa ay joogaan ayey qaanuun ahaan katirsan yihiin maamul ahaana hoos imanayaan ,xataa waxaa dood furan noqon karta qofka jinsiyad kale sitaa manoqon karayaa xubin masuuliyad kaqabata bulshada muslimka ah?
– in uu lab yahay shardi matahay ?
Arrintan laba qaybood ayaa culimadu ugu qayb santay ,qolotidhi ma banaana in ay haweeneydu xubin kanaoqoto golahan iyo qolo tidhi way kanoqonkartaa ,waxaynu soo gudbin doonaa qolokasta iyo daliiladeeda waxaana aynu ku soo xidhidoonaa aragtida aan taageerayo iy sababta aan u taageerayo.
Dr Maxamed Binsaalax Alcali hadal aad u fiican oo uu aasaas uga dhigay markuu arintan faaqidayey ayaa haboon in aynu ku bilowno wuxaanu diktoorku yidhi” waxa ay ku qotondaa aragtida islaamku ka qabo xuquuqda haweenka ee dhinaca siyaasadu laba xaqiiqo ookala ah :
-In haweeneydu ninka kala midtahay dhinaca aadaminimada,sidaa aawadeed islaamku waa simayaa dhinacaa.
– in haweenaydu tahay nooc gaara oo kaduwan ninka ,haba kasinaadeen dhinaca asalka aadaminimada ,e.”
– Qayb culimada ka mid ahi waxay tidhi uma bannaana
haweeneyda in ay xubin golaha wakiilada akanoqoto,waxaanay u cuskadeen aragtidoodaa nusuustan soo socota:
Dhinaca Quraanka :
1ـ قوله تعالى:”الرجال قوامون على النساء بما فضل الله بعضهم على بعض وبما أنفقوا من أموالهم
aynu u macnayankarno ” ragu waa kuwo hogaaminta iyo maamulida haweenka leh”
oo waxaana taa inoo faaii deynaaya ereyga (قوامون )oo ah قيمون marka ninkeliya laga hadlayana noqonaya   (قيم ) oo macna ahaan noqonaya maamule iyo kormeere
markaa weedha aayadani waxay noqonkartaa mid kawaramaysa اخبارية) ) sida caadiga ah ee noloshu tahay amaba waxaa kalay noqonkartaa ( انشائية) oo macna horle jideynaysa oo leh habnololeedka raga iyo haweenku sidaa haw habaysnaadaan oo sharci cusub jideyneysa ,
run ahaantii labadaba way tahay oo nolosha aadamigu intay soo taxnayd raga ayaa haweenka hagaayey oo hogaanka u hayey ,tii uun baanay sii xojinaysaa oo ay leedahay dhaqan iyo caado haydiin ahaato .
2-ـ قوله تعالى:”ولهن مثل الذي عليهن بالمعروف وللرجال عليهن درجة “
oo macna ahaan hoqonaysa( Hweenku waxay leeyihiin xaq lamida ka ay raga ku leeyihiin) sida uu tilmaamayo al-callaamah Daahir Ibnu caashuur xaq ” lamida laga fahmimaayo in ay isla shayga uu ninku uqabto haweenayda ay u qabato isagana ee waxaa ujeedadu tahay xuquuq isu dheelitiran oo midba ka kale ku leeyahay ayaa jirta taasoo shareecadu faahfaahin kabixisay “(25)
3-ـ قوله تعالى:”وقرن في بيوتكن ولا تبرجن تبرج الجاهلية الأولى(47).
oo macnaheedu yahay” ku nagaada guryahiina quruxdiinana hasoo bandhigina sidii jaahiliyadii hore”
Hadaba waa halkee halka ay aayadahan uga daliishanayaan cuklimadani in aanay haweenaydu geli karin golaha wakiilada waxa taa ka hadlaya Dr Maxamed Binusaalax Alcali waxaanu yidhi ” wejiga ay u daliishanayaan waxaa weeye aayaadku waxay ina tuseen in talada iyo hoggaaminta ay ragu leeyihiin ,gelitaanka haweenku ay galaan golayaashana waxay ka yeelaysaa inay ragii hogaamiyaan ,waayo caadi ahaan golayaashani waxaa weeye kuwa arimaha ummada oo dhan maamula waana martabad ay ummada oodhan ugu noqonayaan hogaamiye ,sidoo kale asalka haweeneydu waa in ay gurigeeda joogto oo ay u farbaxdo ubadkeeda iyo odeygeeda ,u banbixida haweeneydu ubanbaxdo siyaasaduna baahi keensanaysaa majirto ,maslaxad dhab ah oo lagu xaqiijinayaana majirto,waxaanay burinaysaa hogaamintii ninku ku lahaa iyo darajediisii”( 26)
-Dhinaca sunnaha:                                    
Dhinaca sunnaha hadaynu fiirino waxay cuskadeen waxaa ugu muhiimsan xadiiska uu nebigu scw yidhi markii ay soo gaadhay in Beershiyiintu ay gabadhii uu dhalay Kisra kadhigteen boqrad uu yidh uu yidhi:
(  لن يُفلح قومٌ ولوا أمرهم امرأة  )
” maliibaanaan dad taladooda haweeney udhiibtay”
iyo xadiiska kale ee uu nebigu yidhi dumarka caqligooda iyo diintooduba way dhimantahay,waxaanay ku doodeen xadiiska hore in-kastuu sida uu u dhacayaa tahay war nebigu inoo sheegayo hadana waxaa ku ladhan amar inoo faaiideynaya in haweeneyda aanay u banaaneyn in ay qabato masuuliyadaha guud ,waayo waxa guul darrada xadiisku sheegay u sababta ahi waa dhedignaanshaha      ( مناط عدم الفلاح   )   – Dhinaca qawaacida sharciga ah:                            
1-ـقاعدة سدّ الذرائعqaaciidada xidhida albaabka xaaraantu kasoo geli karto(Waxaanay ku doodeen in kamid noqoshada haweeneydu kamid noqoto golahan uu keensanayo in ay raga ku dhex dhafanto iyo in ay safarto maxram la,aan si taa loo ga hortago awgeed uma banaana in ay ka midnoqotaa golayaashan.
2-ـ قاعدة درء المفاسد مقدم على جلب المصالح kahortaga fasaadka ayaa ka mudan soo jilaabashad wanaaga. . .  Waxay ku doodeen xataa hadaynu qirno in faa,iidooyin ku jiraan ka qaybqaadashada haweenka ee golayaashan markaynu barbar dhigno fasahaadka ka dhalanaya ayaa kababdan ,sidaa aawadeed innagoo adeegsanayna qaaciidada fasaadka oo laga hortago ayaa ka mudan faa,iidada oo la raadsho ayeynu leenahay uma banana.
way u banaantahay
qaybkale oo culimada kamida ayaa ku dooday inay u banaantahay waxaanay u cuskadeen aragtidooda ,daliiladan soosocda :
– Quraanka
1- قوله تعالى:”يا أيها النبي إذا جاءك المؤمنات يبايعنك على أن لا يشركن بالله شيئاً ولا يسرقن ولا يزنين ولا يقتلن أولادهن ولا  يأتين ببهتان يفترينه بين أيديهن وأرجلهن ولا يعصينك في معروف فبايعهن       
oo macna ahaan ay nu u dhigi karno ” Nebi Allow hadii ay kuu yimaadaan haween bayco kugula gelaya in aanay ilaahay cidkale la caabudeyn,wax aanay xadeyn,aanay sineysaneyn,ubadkooda aanay dileyn ,aany la,imaneyn been ay lugahooda iyo gacmahooda ka dhex abuurteen ,waxa wanaagsan ee aad amraysana aanay kugu caasiyeyn ,sidaa kula baayacatan.”    waxaanay ku doodeen in aayadani ay tilmaamayso in ay sharci tahay in dumarka lala baayacatmo sida raga ,baycaduna waa arimaha guud ,waana arrimaha siyaasada ,taasna waxaan ka dheegan karnaa in haweeneydu geli karto goloyaasha wakiilada .
2-ـ قوله تعالى:”والمؤمنون والمؤمنات بعضهم أولياء بعض يأمرون بالمعروف وينهون عن المنكر(54)
Oo aan u macnayn karno “ mu,miniinta raga ah iyokuwa haweenka ahi waa qaar hiil iyo hooba iskuleh ,dadkana iska xiga,wanaagay isfaraan xumahana waa isu diidaan.”     Aayadana waxay inna tusaysaa in haweeneydu kala mid tahay ninka in ay wanaaga farto xumahana reebto waana wax inna tusaaya in danaha guud ee ummada ay ka qayb-qaadan karto ,aany xaq u leedahay masuuliyiinta in ay la taliso haday khaldamaan.
– Dhinaca sunnaha:
Dhinaca axaadiista waxay cuskadeen xadiiska caanka ah ee umu salama r/c ay Nebiga s.c.w kulatalisay maalintii xudeybiya ee asxaabtiisu hore ugu dhega nuglaan waayeen in uu isagu neefafkiisa qalo ,kadibna markuu yeelay asxaabtii oo dhami midiyaha laboobtay xoolahay wateen oo halkii ku gawraceen .waxaanay tilmaameen culimadaasi in xadiiskani daliil uyahay in haweenka lala tashankaro iyo in taladooda lagu camalfalikaro ,mana aha taladani mid nebigu kala tashaday wax arimaha haweenka khuseeya ee wuxuu kala tashaday mashkilad hogaankii bulshada soo waajahaday oo weyn .,taasina waa daliilada ugu waaweyn ee tusaaya in haweeneydu golayaasha wakiilada geli karto.
-Dooda la gala hor yimi qolada diidan
-Horta aayada kahadlaysa in ninku hogaanka u hayo haweeneyda waa mid ku kooban guriga iyo qoyska ,taana waxaa u daliila maalka haweeneyda ninku kuma tasarufi karo maalka haweeneyda ogolaanshaheeda la,aantii,waana mid tusaale ka ah awoodiisu in ay tahay maamulka gurigiisa ooney intaa dhaadfsiisneyn.
– Aayada labaad ee tilmaamaysa in ragu darajo dheer yihiin haweenka waamid lamida taa hore oo darajadii hogaaminta ayey tilmaamaysaa ee arimaha qoyska .
– Aayada ka hadllaysa haweenku inay gurigooda fadhiyaana waxay ku saabsanayd haweenka Nebiga ,waxaana taariikhda ku cad in haweeneydu baxday ,shaqo,dagaal iyo iyadoo cid dabiibaysa oo daaweyneysaba.
– ugu danbeyntiina xadiiska sheegaaya in aanay dad haweenay talo u diibtey liibaaneyn ,hadaynu xataa ku raacno in uu yahay ,war nahyi xambbaarsan ,waxay taasi kukoobantahay hogaanka sare ee ummada .(27)
-Gebagebadii iyo gunaanadkii waxaan taageerayaa culimada bannayneysa in ay haweenku kaqayb qaadan karaa golaha wakiilada ,sababta oo ah waxa ay daliishadeen culimada diidani waa wax tilmaamaya uun hawsha guriga in ninku uu mayalka u hayo oo maamule kayahay ,hadii lagu doodo qof aan gurigaba iigu talin kareynin miyuu iigu talinkaraa dawlada ? waxaan odhankaraa horta waxaan la fahmin hogaanka gabadhu ay bulshada ka qabanayso markay golaha baarlamaanka geleyso ,awooddan hogaaminta magabadhaa shakhsi ahaan u leh mise golohoo isku dhan baa u leh ? hadaan si kale u dhigo awooda goluhu leeyehay ma qaybsantaa oo qofkastaaba goonidiisa ma u leeyahay awoodaa mise waa awood ku jiri karta keliya jiritaanka golaha ?
jawaabta su ,aashan ayaa shakigaba kasaari karta meesha, waxaanan qabaa haweeney meeshan goonideed awood u lihi majirto oo nin maamulaysaa oo awooda goluhu maqaybsanto ee waa mid wadar ahaan uu u leeyahay (Legal person/ شخصية الاعتبارية )
markaa halkaa waxaa ku buraya doodii ahayd gabadhii ayaa yeelanaysa hogaamintii iyo qawaamadii.
– ta kale waxaad moodaa in culimada diiddan arintan ay gaashaan kadhigtaan hal hayska ah ” hadii uu khayr yahay selefkiibaa inooga horreyn lahaa” waa run hasayeeshee mararka qaarkood waa kalmad xaqa oo aan meesheedii loo adeegsaneyn waxaana is weydiin mudan wax kasata oo aanu nebigii iyo asxaabtii amaba quruuntii fadliga badnayd samayn hasayeeshee nusuus cad oo diideysaa ku soo aroorin ma shar baa oo sidaasay u sameynwaayeen ,mise waa dhacdo aan iyaga xilligoodaa soowaajihin oo innaga laynooga baahanyahay in aynu xal u raadino ? waxy ila tahay in labadaa lakala saaraa waa qadiyad aad u muhim ah ,waayo waxay laydhka cagaaran u shideysaa masalo kasta oo daliilo diidayaa aanay soo aroorn,islamarkaana waxay laydhka cas ku shideysaa qadiyad kasta oo nusuustu xaaraantinimadeeda goysay oon laga hadli karin .
Waxaakaloo aynu u daliishankarnaa in gabadhu ay golayaasha wakiilada geli karto dhacdada taariikhiga ah ee ku saabsanayd markii nebigu scw Madiina usoo hijroonayey baycada laydhaa – Bayca alcaqabah athaaniya – oo ahayd tii loogu ballan qaaday nebiga in madiina hoy iyo ammaan lagu siinayo difaac iyo naf u huridna lal bar-bar taaganyahay ,waxaa kaqayb qaatay haween sida siirada iyo axaadiistuba qirayso laba haweena ayaa kamid ahaa dadkii goobjooga ka ahaa dhacdadaa weyn ee xasaasiga ah,waxaanay kala ahaayeen ,Umu camaara Nusaybah bintu Kacab Al-Ansaariya iyo Ummu Maniic Asmaa bintu Camar r/c.
Baycadaa oo dhacaysay waqti xaasaasi ah kana dhacaysey goob xaasaasi ah oo waqtigu ahaa markii Nabigu scw uu go,aansaday inuu kasoo baxo magaalada Maka hijraduna bilaabantay gaaladuna dhaqdhaqaaqa muslimiinta gaar ahaana Nebiga aad ugu foojigeyd , meesha ay kadhacayseyna waxay ahayd Maka oo ahayd xaruntii gaaladii nebiga scw colaadu dhextaaley ,halkaa ayaa si sira oo aad uqarsoodi ah loogu kulmay ,hadii dareenyari baxona waxay ahaan lahayd khatar weyn iyo dhirbaaxo aanay muslimku kasoo kaban karin ., waa muhimadaa aad u adag ayey haweeneydu ka qaybkashay goobjoogna ka ahayd ,waxaa is weydiin leh muhimadda ka weyn nebi maxamed noloshiisa badbaadintiisa iyo kala soo dhexbaxa gaaladii hagardaamada ku aheysey ee uu maanta baar lamaan qabanayaa maxay tahay ? waamaxay culeyska iyo sirta aanay haweeney geyin ee taa ka culus ee uu golayaasha wakiiladu hayaan ?
waxay ila tahay majirto muhimad ka weyn iyo hawl kaculus oo ay qabanayaan goloyaashani ,sidaa aawadeed waa mid iska cad in ay haweneydu xubin kanoqon karto.
-Shaqada golaha wakiilada dawlada islaamka ah:
waxaa hubaala in ay shaqada golaha wakiilada islaamka ahi ay aad uga duwan tahay shaqada golaha aan islaamka ahayn ,waayo ka islaamka waxa goluhu fulinayaa oo hirgelinayaa sharci iyo qaanuun diyaarsan oo miiska saaran ,kan kalana waxa uu dejinayaa oo sharciyeyenayaa sharci aan jirin oo hada la abuurayo amaba mid dadku samaystay oo lafulinayo, ka islaamku waa sharci fuliye ka aan ahaynina waa sharcidejiye .
Hadaba waxaa is weydiinleh waa aagee aaga uu golaha islaamku shareecada islaamka fulinteeda kaga hawlgalayaa ? hadaan si ka fudud u idhaahdo hadii sharcigiiba dejisanyahay ,waa maxay shaqda uu isagu qabanayaa?
waxa shaqadisu tahay laba arimood :
culimadu marka la fiiriyo arintan golaha wakiilada waxay ugu qaybsanyihiin laba
-Qolo qaadatay ra,ayiga ah in golahani uu katashan karo wixii aan nas loo hayn oo dhan ,laakiin waxii daliilo dhinaca Eebe amaba Rasuulkiisa scw kayimi lahayo ,waa in la fuliya,uun,waxaana kamida culimadaa; sheekh Islaam Ibnu taymiya ,Aamidi,Samakhshari ,Xasan al-basri, iy Daxaak.
-Qolokale oo taageertay in golahan shuurada shaqadiisu ahaanayso keliya arimaha laxidhiidha dagaalaka oo keliya ,waxaana kamida Imaam Shaafici ,Qataada ,Rabiicc Ibnu Isxaaq . Waxaad moodaa in labadan aragtiyood dhinacna isaga dhaw yihiin dhinacna ku kala duwan yihiin ,waxaanay isaga dhaw yihiin dhanka marka la eego inaanay midina u arkayn in tashigu geli karo wixii waxyi ku soo degey ,waxaanay ku kala duwanyihiin in kooxdan danbe ay tashigiiba ku soo koobeyso arimaha dagaalaka.
Hasayeeshee markaynu fiirino nusuusta kitaabka iyo sunnaha waxaa aynu ka fahmi karnaa in qolada ku dooday in wixii waxyi kusoo degey aanu shaqo ku lahayn golahani aynaan ka fahmi karin in aanu ka hadli karin ama aanay shaqadiisaba ahayn in uu kahadlo sida loo fulinayo axkaamta shareecada ,waayo hadynu nidhaa wixii waxyi ku soodegey waa lafu linayaa uun oo laga doodi maayo waxaa jira axkaam badan oo sida loo fulinayaa aanay caddeyn amaba , fahamka laga qaadankaraa ay kala duwanaan karto iyadoo ku xidhan waxa laga fahmayo nuxurka weedha naska iyo ujeedadiisa , sidaa aawadeed iyadoo aan shaki kujirin in muslimka dhabta ah aanay kala gudbooneyn waxyiga Eebe inuu fuliyo mooyaaane waxkale ,ayaa shaqada uu golaha shuuradu ka qaban karayo wixii daliilo ku soo arooreen waxay tahay ” in la baadho hababka ugu fiican ee loo fulinayo ,marka ay badato nusuusta meel keliya oo markaa goluhu ka hadlayo ku soo aroortay , waana tashi laga tashanayo sidii loo fulin lahaa laakiin maaha talo laga tashanayo sidii loo cadili lahaa amaba looga hor iman lahaa ,sidoo kale wixii nasuusi ku soo aroortay sikalaa looga tashankaraa oo golahan shaqadiisa ay u khusayn kartaa, oo waxaa weeye iyadoo naskeliya fahamka iyo nuxurka weedha waxyigu tilmaamaysaa ay aqbali karto wax mid keliya kabadan .”( 28
         Gebagebadii, waxaan odhan karnaa golahan wakiilada
(مجلس الشورى)shaqadiisu waxay koobsanaysaa waxkasta oo ummada islaamka ahi ubaahantahay in xeerar habaynaya amaba siyaaasaad kala hagaya oo kala hagaajinaya laga soo saaro ,waxaasi ha ahaadaan siyaasad ,dhaqaale garsoor iyo caddaalad ,xidhiidho debadeed iyo kuwo gudeed ,siyaasaad la xidhiidha dhainaca difaaca nabad gelyada iyo guud ahaanba daryeelka bulshada . waxaana laga tashanayaa waxkasta waxyi ha ku soo dego ama yaanu ku soo degine ,waxaana aynu taa u cuskan karnaa dhinaca quraanka ,sunnaha iyo ficilkii ay saxaabadu ku kaceenba .
Qur,aanka ; waxaa inagaga filan qur,aanka aayadii aynu soo carrabawnay ee aynu tilmaamanay in ay mudan tahay in kitaab laga alifo keligeed taasoo ahayd
أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنكُمْoo macna ahaan noqonaysa ( ilaahay adeeca,rasuulkiisana adeeca,kuwa idinka idinka mid ah ee talada hayana adeeca)
waxaana halkaa aan ka daliishanaynaa tahay hadaynu aayadan ukala qaadno saddex qaybood oo sidan ah :
– Ilaahay adeeca ; wixii kitaabka alle ku soo arooray fuliya oo qaata
– Rasuulkiisa adeeca ; wixii sunnaha nebigiisa kusoo aroorayna qaata oo fuliya .
Kuwa idinka mida ee talada hayana adeeca ; wixii ay idin amraan ee aan labadaa hore ku soo aroorin isla markaana aan ka hor imaneynin ku adeeca , waa qaybtan danbe ta aynu aad u xoojineyno ee inna tusaysa in waxa kuwaa lagu adeecayaa laga fahmayo in ay tahay wax aan nas ku soo aroorin ,iyo wixii nas ku soo arooray ee macnayaal kala duwan laga fahmikaro ,amaba nusuus u,eg in ay iska hor imanayso ku soo aroortay ,siday umaareeyaan ee ay ufuliyaan ku adeeca oo ku taageera .
waxaa suura gal ah in dad badani is weydiiyaan labada arimood ee kale waa suuro gal laakiin arimaha nas ku soo arooray sidee looga tashanayaa ,sidaynu soo tilmaamnayba waa fulintooda waxa laga tashanayaa . Hadaynu tusaale u soo qaadano laba qaybood nusuusa oo amarro bixinaya iyo sida looga tashankaro fulintooda waxay kala yihiin ; nusuusta amaraysa in lajihaado iyo nusuusta amraysa in sako laqaado .
aan ku horrayno kuwa jihaadka amraya hadii dal islaama ay ishayaan cadaw mawaxaa ku waajiba inuu dagaal ku bilaabo si uu u fuliya nusuustaa mise waxay ku xidhantahay sida iyagu u qorsheeyaan iyo sida ay u qiimeeyaan xaaladooda iyo xaalada cadawgaa?
waxaan shaki ku jirin in dalkaa islaamka ah ay ku xidhantahay siday u fulinayaan nusuustaa iyo waqtiga ay ku haboontahay inay dagaalkaa qaadaan iyo inay uba weecan karaan in ay waanwaan lagalaan waayo hada xaaladooda markay qiimeeyeen uma dan aha inay ladagaalamaan ,sida inoo muuqata waxaa laga tashanayaa waa wixii waxyi kusoodegay cad sidii loo fulin lahaa ee ku haboonayd.
tan sakada hadaynu iyana wax ka nidhaahno nusuustu sako kaqaada dadka wax haysta oo siiya kuwa nasuustu tilmaamtay ee baahan ,hadaba si nusuustaa loofuliyo xoolihii sakada ma iyadoo kaash ah ayaa la siinayaa dadkaa amaba xoolo nool ah? mise mashaariic ay ku intifaacaan dadkaasi ayaa loo samaynayaa sida beero ,wershado iwm.? dalkastaaba xataa mashaariicda uu maalgelin kaga samaynkaro xoolaha sakada way kala duwanaankaraa waayo waxay ku xidhantahay khraadka iyo waxyaabaha laga heli karo dalkaa ee faa iido weyn u samaynkara dakaa baahan ,tanna soo ma aragtid waxaa laga tashanayaa sidii sekada oo waajib Alle inna amaray ah aynu ufulin lahayn .
Sunnaha Nebigana:
hal xadiis baa inagaga filan oon u soo qaadanaynaa kaasoo ah
روى الترمذي عن علي بن أبي طالب رضي الله عنه قاللما نزلت (يا أيها الذين آمنوا إذا ناجيتم الرسول…) قال لي الرسول صلى الله عليه وسلمماترى؟ دينار، قلتلا يطيقونه، قالفنصف دينار؟ قلتلا يطيقونه، قال فكم؟ قلتُشعيرة، قالإنك لزهيدفنزلت (أأشفقتم – الآيةقالفبي خفف الله عن هذه الأمة. “تحفة الأحوذي بشرح جامع الترمذي 192/9.
oo aynu u tarjumi karno Sayid cali r/c ayaa yidhi( markay soo degtey ” kuwa iimaanka laga helayoow hadaad nebiga la faqysaan faqiina ka hor sadaqo labaxa …. nebigaa igu yidhi scw.: maxaad u aragtaa ? diinaar kawaran ? waxaan idhi: makari karaan ,wuxuu i yidhi: diinaar badhkii kawaran? waxaan idhi makarayaan wuxuu i yidhi imisay karayaan? waxaan idhi heed amaba sareen wuxuu i yidhi waxa aad tahay nin wax layska nacay oo yar sheegaya ,kadib waxaa soo degtey aayada Eebe uu leeyahay ” ma waxaad kabaqateen in aad sadaqo labaxdaan faqiina ka hortii? Sayid Cali wuxuu yidhi : aniga sidaa aan yeelay darteed ayaa Eebe ummadan xukunkii kaga khafiifiyey ”
isgoo xadiiskan faalo kabixinaya Sh. Ibnu xajarna waxa uu kuyidhi Fatxul baariga :
” xadiiskan waxaa kusugan in laga tashankaro axkaamta qaarka mida”
waxaa isaguna daliil cad ah xadiiska caanka ah ee nebigu scw uu xaaskiisa ummu salama kalatashaday markay asxaabtiisu hore ugu dhega nuglaan waayeen ,
-Ficilkii saxaabada ; iyo isku raacay isku raaceen (إجماع الصحابة)in wax walba laga tashankaro oo aanu wax ka baxsan tashiga muslimiinta jirin ,isna waa mid tusaale fiican u ah in aanay talada muslimiintu ku koobnayn dagaalka ,amaba wixii aan nas ku soo aroorin ee ay koobsanayso wixii noloshooda soo waajaha oo dhan , sidaa aawadeed ayey saxaabadu isugu waafaqeen quraanka in lagu ururiyo masxaf keliya, in taariikhda islaamka laga soo tixraaco oo laga bilaabo sannadkii Hijrada nebiga scw, iyo wax yaaba badan oo kale oo aynaan halkan ku soo wada gud bin karin .
Hasa yeeshee waxaa xusid mudan in loo baahanayahay in golahani uu noqdo mid shareecada daliil uga raadinaya oo isku hawlaya in uu aad uga baadho qadiyada markaa hortaala golaha waxa ay ka tidhi ,waana sidaa siday asxaabtu yeeli jireen ,oo tusaale ahaan markii Daacuunku ku habsaday shaam ee Cumar Binu khadaaf oo wefti ah doonaayey in uu booqdo goobo kamida meelaha uu cudurkaasi asiibay waa lays ku qabtay in uu tagao iyo inkale dood dheer oo xiiso badnayd kadib markii wixii saxaabada halkaa ka dhawaa uu latashaday waxa ay arintii ku danbaysey in xadiisba loohelay kaasoo Craxmaan Ibnu cawf r/c uu markaa meeshii kasheegay in nebiga uu ka maqlay oo leh” hadii daacuun meel ku dhaco kuwa joogaana yaanay kabixin kuwa aan joogina yaanay soo gelin” waa sidaa sida la doonayo in golaha baarlamaanka islaamka ahi uu daliil ugu raadiyo arin ta uu ka hadlaayo markaa oo haduu u helana uu qaato hadii lawaayana waxay ila tahay in ay jirto oo la sameeyo gole culimo oo mujtahidiin ah amaba diinta wax ka baadhi kara oo aragtida islaamka ee qadiyadaa kala soo dhex bixi kara shareecada ,golahaas oo siday ila tahay shaqadiisu laba noqon doonto in sharciyada golaha baarlamaanku soo saaro uu fiiriyo in shareeecada waafaqsn yihiin iyo inkale iyo in wixii goluhu ubaahdo in uu asal u raadiyo uu asalkiisa soohelo oo golaha baar lamaanka ka soo shaafiyo.
Xidhiidhka arimaha dibada Dawlada Ialaamka ah
Qadiyada ku saabsan xidhiidhka arimaha dibada dawlada islaamka ah waxaa aynu ku bilaabaynaa halka la iska taagay waxa seeska iyo salka u ah xidhiidhkaasi ay la leedahay dawlada muslimka ahi cidii ka baxsan muslimka ee ummadaha kale ah,taasoo inta badan loogu kala baxay laba dan qaybood :
– qayb culimada kamida oo qaadatay aragtida ah xidhiidhkaasi wuxuu ku dhisnaanayaa colaad oo cidii aan diinta qaadan (amaba aan ogolaan jisyo ee Ahlulkitaabka ah ) waa lala dagaalamayaa .
– qolo ku dooday waxaa xidhiidhka dawlada islaamka ahi qayrkeed laleedahay u asal ah nabad ,colaadana waxaa keeni kara uun xadgudub lagu soo sameeyo oo ay iska difaacayso .
hadaba labadan aragtiyood maxay kala cuskanayaan ee u ah udub dhexaad aragtiyahoodan ?
su,aashan ayeynu kajawaabi doonaa ,kadibna sida aan u arko in dawlada islaamka ah xidhiidhkeedu noqonayo ayaan ku gaba gebeyn doonaa.
Intaynaan su,aashan ka jawaabain waxaan jeclahay in aan ka yar hadlo ereyga
( الحكم  مناط )manaadul alxukmi, ereygan oo ah kay qolo waliba ku salaynayso aragtideeda dhinaca xidhiidhka dawlada islaamka ahi ay layeelanayso ummadaha kale waa erey culimada usuulku ay aad u adeegsadaan markay ka hadlayaan xukunka sharciga ah waxaana looga jeedaa ereygan sida uu tilmaamaayo sh.C/salaan Yaasiin- Alla ha u naxariistee- oo ahaa murshidkii ururka layidhaa AL cadli wal ixsaan ee reer marooko wuxuu tilmaamy sheekhu inloo jeedo ” sida usuuliyiinta had iyo jeer ay isticmaalaan in ay iswaafaqaan cillada xukunkan lagahadlayo iyo sifada uu sifeeyey nas amaba ijmaac ,hadaynu sifudud u tilmaamnana waa in ; waayaha lafahmo si loo garto halka amarka iyo nahyiga sharciga ahi ku dhacayo si loo dejiyo amarkaa iyo nahayigaa meeshooda… fahamkaa la,aantiina shareecadu waxay iska ahaanaysaa aragti samada iska lulata oon waayaha hoos ugu soo daadegin ” (29)
Hadaba labadan aragtiyood waxay ku kala salaynayaan mawqifkooda waxa ay u arkaan in ay tahay waxa xadideya (  مناط  الحكم  )    xidhiidhka dawlada islaamku layeelanayso qayrkeed ay tahay :
“- Gaalnimada oo kuwa sidaa arkaa ay yihiin kuwa aaminsan in xidhiidhka wixii aan muslim ahayn dawlada islaamku la leedahay uu yahay colaad ilaa ay ka islaamayaaan amababa haday reero kitaab yihiin ay jisyo kabixinayaan .
Qaybta culimada kamida ee taageertay fikradani waxay sabab ama cillo uga dhigayaan arinta ku saabsan nasakhaada xukunka sharciga ah oo ay aaminsanyihiin in ay aayadda la yidhaa aayatu asayf ay bedeshay oo nasakhday wixii xukun ah ee aayaadka kale ee kahadlaaya saamaxa iyo cafwiga in lagula dhaqmo gaalada, iyo in loo sabro inta Alle uu farajkiisa keenaayo waxaasoo dhan waxaa badelay aayadaas ayeyleeyihiin oo waxaa lakala doorran siinayaa haday mushrikiin yihiin islaam amaba dagaal ,haday reer kitaab yihiina islaam ama jisyo .
– Qolada kale oo iyana qaadatay in xidhiidhkaa waxa xadidayaa( مناط  الحكم  ) uu yahay mawqifka ay ummadaha kale iska taagaan dawlada islaamka ah iyo baaqeeda ay islaamka ay ku baaqayso ,oo haday ula dhaqmaan si fiican oo nabad gelyo ah iyana si fiican loola dhaqmayo ,oo aan lagu khasbahayn diinta ,haday colaada iyagu bilaabaan baaqa islaamkana is hortaagaana taas ayaa dawlada islaamku jawaab kabixinaysaa oo colaaad lamida kula dhaqmaysaa.
Kooxdani iyadu way ku khilaafsantahat kooxdaa hore arinta nasakha ee ay sheegeen in ay aayadaasi nasakhday wixii macaamila ah ee kasoo hadhay in ay dagaal iyo islaamnimo kala doortaan ,hasayeeshee kooxdan lafteeda ayaa laba aragtiyood ka kala qaadatay qadiyada nasakhaada axkaamta sharciga ah ;koox ku dooday in aan wax nasakh layidhaadaaba jirin ee markasta oo cilladii nas hore uga hadlay soonoqoto xukunkeediina soo noqonayo tasoo macnaheedu yahay, markaynu qadiyada nabada iyo colaada kahadlayno wixii nabad gelyo kahadlayaana waqtigiisa ayuu shaqynayaa wixii colaad kahadlayaana waayihiisaa colaadeed ayuu isna shaqaynayaa , iyo koox qaadatay in uu jiro laakiin aanay axkaamta jihaadka iyo dagaalku kuwaa soo gelayn ee ay qadiyadani tahay mid kusalaysan hadba mawqifka ay dawladaha kale amaba awoodaha kale ee caalamka markaa ka jiraa ka qaataan dawlada islaamka .” (30)
Sheikh..isagu wuxuu farta ku fiiqayaa “ in asalka xidhiidhka dhexmaraaya dawlada islaamka ah iyo dawladaha kale uu yahay mid nabadeed hasa yeeshee hadii lagu soo xad gudbo amaba dadka cqiidada islaamka haysta diintooda lagu hagardaameeyo markaa ayuu dagaal daw iyo gar u yahay dawlada islaamka ah si ay u difaacdo nafteeda ,caqiidadeeda iyo xoriyadeed.” isgoo farta ku godaya qolada ku dooday in xidhiidhka muslimiinta iyo ummadaha kale ka dhexeeyaa uu yahay colaad waxa uu aad carrabka ugau adkeeyey in “ xidhiidhkaa nabadgelyo uu yahay isalka innaga iyo ummadaha kale inoo dhexeeya waana sidaa sida inta badan fuqahadu doorbiday ,inta kasoo horjeedsatayna waa fara ku tiris aan aragtidooda aasaas uga dhigin mabaadi,ida shreecada eek u saleeyay waayo nololeed oo lasoomaray “(31)
Waxaa isna arintaa ku taageeraaya alcallamah sh wahba azuxayli r.h.a axaanu caddaynayaa in xidhiidh nabadeed asal uyahay ummada muslimka ah iyo ummadaha kale isagoole. “asalka xidhiidhka muslimiinta iyo qayrkood dhexmarayaa waa mid nabadeed oon marnaba ahayn maid dagaal iyo colaadeed ,waana sida culimada badankeedu qaadatay…dagaalkuna waa baahi ay keenayso gardarrada oo la is ka celiyo , baaqa islaamka oo laga ilaaliyo in lay hor taago ,dhulka muslimiinta ,xorriyadooda Iyo karaamadooda oo la difaaco ,mana aha mid ay uu wado maquunin iyo raadin libin iyo ka gacansarreyn lagu muujinayo ka gacansarreyn iyo sandulleyn aadami kale”(32)
– Xidhiidh caddaalad ku dhisan
Oo aynu macna ahaan u dhigi karo sidan “ waxaa hubaal ah in aan rusushayadii soo dirray oonu xujooyin cadcadna usoo dhiibnay ,kuna soodejinay kutub iyo miisaan ,si dadku caddaalada u oogaan…” Miisaankaa alle tilmaamayaa xumaan ka nasahnaaye waa mabaadi,da tilmaamaysa caddaalada ee sheecooyinka iyo axkaamta Eebe rususha ku soo dejiyey qarridhay taasoo ah tiirar hagaya dadka oo tusaya tubta caddaalada .waana mabadi,datilmaamaysa in waxwaliba xaq leeyahay loona baahanyahay in xaqiisa la siiyo ; ilaahay in keligii la caabudaa waa caddalad in cid lala caabudaa waa caddalad darro ,nebiga in keligii la raacaa oo lagu daydaa waa caddaalad in la baalmaraa oo cidkale la higsadaa waa cadaalad daro, in madaxdu dadkay u talinayso u xaqsoortaa waa caddalad in ay ukala eexataa waa caddald daro , in xataa qofku ubadkuu dhalay simaa waa caddalad in uukala ddoorbidaana waa caddalad daro ,in jaarka laxaal ogaado oo loo samafalaa waa caddaalad in la mooganaado oo la dhibaana waa caddaalad darro ,in gaalada wanaag lagula dhaqmaa oo xaqa la gaadhsiiyaa waa caddaalad in colaaduun lgu qaad qaadaa waa caddaalad daro ,soo ururiyoo waxwalba in siduu kaamudan yahay aad ula dhaqantaa waa caddaalad in si ,aanu kaamudnayn oo meelka dhaca ula dhaqantaana waa casddaalad daro.
Qodobka ugu horeeye ee ay ku dhisantahay nolosha aadamigu ee ay diinta islaamkuna ka dhigtay halbawlaha dhismaha ummada muslimka ah waa qaodobkaa caddaalada waana mabda,a aad u miisaan weyn oo ilaahay uu awgii rususha u soo diray kutubtana u soo dejiyey sida aayadani inoo caddaynayso
(  لَقَدْ أَرْسَلْنَا رُسُلَنَا بِالْبَيِّنَاتِ وَأَنزَلْنَا مَعَهُمُ الْكِتَابَ وَالْمِيزَانَ لِيَقُومَ النَّاسُ بِالْقِسْطِ ۖ   )
oo macna ahaan aynu u dhigi karno sidan ” waxaa xaqiiq ah in aanu rusushayada  caddaymo lasoo dirnay islamarkaana kutub iyo miisaana kusoo dejinay si dadku ay cadaalada u oogaan “.                                 
siyaasada dibada dawlada islaamaku waa caddaaalad ay kulamacaamalooto wixii dawladdaa kabaxsan qodobkan caddaaladuna wuxuu khasab kaga dhigayaa dawlada islaamka ah in aanay xidhiidhkeeda iyo mawqifyadeeda ayqaadanayso ku salaynin cadaawada iyo xurgufka ka dhexaysa cid kale ee ay ku salayso caddaalada sidaana nusuus badan ayaa ku soo aroortay waxaana aynu ka soo qaadan karnaa kuwan soosocda :
يا أيها الذين آمنوا كونوا قوامين لله شهداء بالقسط ولا يجرمنكم شنآن قوم على ألا تعدلوا )                                   
                  اعدلوا هو أقرب للتقوى واتقوا الله إن الله خبير بما تعملون      )   المائدة – الآية 8             
oo macna ahaan aan u dhgi karno sidan” kuwii iimaanka laga helayoow ; noqda kuwii ilaahay dartii markhaatiga u fura ,cadaawada aad dad u qabtaana yaanay idinku xambbaarin inaad caddaalad darro samaysaan ee caddaaladfala ,taas ayaa Alle ka cabsiga u dhowe”
– in aynu uladhaqano cidkastaa sidey inoola dhaqanto
Islaamku inbadan ayuu ku adkeeyey dadka raacsan ee rumaysan inay ula dhaqmaan ummadaha kale sidey ula dhaqmayaan ,oo aanay kabadbadain markay colaaad iyo
Sh.maxamed abu sahra waxa uu tilmaamayaa in “ mabda an ah in aynu cidwalba ula dhaqano siday inoola dhaqanto uu kazoo farcamayo mabda,a caddaalada, mabda,anina waa manda,a caddaaladeed oo qofku siduu kuula dhaqmo inaad adna ula dhaqantaa ama gaal ha ahaado amaba muslim ama wadar ha ahaadaan amaba keliye ,waxaana waaana kii nebigu scw yidhi isagoo mabda,aa seeska u dhigaya “ ulamacaamil dadka sidaad jeceshahay inay kuula dhaqmaan) … waana in mas,uulka muslimka ahi ula dhaqmaa jihooyinka kale siday ula dhaqmaan ; haday dagaal ku soo qaadaan waa in uu is difaacaa oo dirir ug babac dhigaa haday nabad u fidiyaana aanu colaad ku bilaabin ,hasa yeeshee qodobkaa dhigaya in aynu cid walba siday inoola dhaqanto ula dhaqano waxaa xadidaya oo dabraya qodobka sharafta iyo akhlaaqda oo haday wax sharafta ka baxsan oo akhlaaq xumo ah ku kacaan kuma kacayno waayo dagaalka muslimiintu waa dagaal saharafeed oo dad gob ah oo sharaflihi wadaan ,mana aha in aynu ku dayno caligaabyadu haday ficil gumeed ku kacaan”(33)
– Nabada loo wada darbanyahay in aynu doorkeena ka qaadano
Qodobka labaad ee Islaamku aad u adkeeyey waxaa weeye hadii dhinacyada aynu is haynaa nabad run ah oo ay daacad ka yihiin u janjeedhsadaan innana aan taa gacan ku siino oynaan gaashaanka ku dhufan
waxaa jira mabaadi, ay ku dhisantahay siyaasada xidhiidhka dibada ee dawlada islaamku ,waxaana aynu ka tilmaamai karrnaa kuwan soo socda :
– xidhiidh sinnaan iyo xornimo ku dhisan
sinnaantu iyo in aadamigu yahay qaar aan kala sarreyn waxna is dheerayn iyana waa qodob kale oo lagama maarmaana in ay siyaasada dibada eedawlada islaamku ku salaysnaato ,waxaana mabda,aa aynu ka dheegan karnaa aayado badan oo ay kuwani kamid yihiin
قُلْ يٰأَهْلَ ٱلْكِتَابِ تَعَالَوْاْ إِلَىٰ كَلِمَةٍ سَوَآءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلاَّ نَعْبُدَ إِلاَّ ٱللَّهَ وَلاَ نُشْرِكَ بِهِ شَيْئاً)
( وَلاَ يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضاً أَرْبَاباً مِّن دُونِ ٱللَّهِ فَإِن تَوَلَّوْاْ فَقُولُواْ ٱشْهَدُواْ بِأَنَّا مُسْلِمُونَ
oo macna ahaan aynu u dhigi karno ” waxaat ku tidhaa reer-kitaab u kaalaya kelmad aanu annaga iyo idinkuba u simanahay oo ah; in aynaan caabudin ilaahay mooyaane cid kale ,inaynaan isaga cid lawadaajin cibaadada, iyo in aan badhkeenba badhka kale illaahay sokdii rabbiyo kadhigan, hadii ay ka wejidadbaan arinkaana ,waxaat ku tidhaa marag kanoqda annagu qaar hoggaansan ayaanu nahaye”
aayadani waxay inagu adkaynaysaa in xidhiidhka innaga dhaxaynaaya dadka kale gaar ahaan kuwa diimaha hore loogu soo dejiyey ay tahay xidhiidh sinnaan oo aan ilaahay hortii lagu kala sarraeyn laysna cabiidsaneyn ee addomo ilaahay oo xora oo cid wal oo kale ka madax banaan la yahay .Waxay aayadani tusaale u tahay caqliga la doonayo in qofka muslimka ah ee siyaasada dibada dawlada islaamka ah ku hawlani uu ku fikiro oo uu kula dhaqmo bulshooyinka kale ,waa caqli is qancin dood-wadaag ,iyo wada hadal ,kaasoo ka dheer caqliga cuqdada iyo xidhxidhnaanta ,iyo caqliga is go,doominta iyo gooni u socodnimada .Islaamkuna wuxuu dadkiisa ku dhiiri gelinayaa in xidhiidh samafal iyo wanaag la yeeshaan aadamiga oo dhan kii isagu cadaw unoqda dawlada islaamka ah iyo dadkeeda marka laga reebo.
Cabdicasiis abiib mohamuud
Ugu noqo :
               1-Bernard Lewis; Faith And Power
                 2-Paul Grieve; Islam history and politics p214) 214.
    • مقدمة في فقه السياسة الشرعية المقطري محمد بن عقيل 3 
    •     4-  islamtoday.com        
    • 5-Law Dictionary
  •          6-Wikipedia
              ( 7   مفهولعمل  السياسي  ومعوقاتها ـ   د. محمد بن عقيل المقطري
            (8)    مفهولعمل  السياسي  ومعوقاتها ـ   د. محمد بن عقيل المقطري
         ( 9 )   د. عبدالباقي لؤي                     
          (10)     محمد مسعد ياقوت : دستور المدينة مفخرة الحضارة الإسلامي
( 11       ugu laabo ishaa hore :  محمد مسعد ياقوت
(12 )       تاريخ الطبري
       (13)        طبقات الشافعية لسبكى                                               
       (14 )Bernard Lewis : Faith and Power
       (15) عبدالله بن ناصر الصبيح / كاتب وباحث سعودي
               15-12-2008 3/ 3 التوعية بالديمقراطية في المجتمع المسلم    
          (16   )     العلامة    يوسف   القرضاوي                                                                                                                                        
                       http://www.qaradawi.net
             (17)   الدكتور محمد مفتي
              (18)    .  د.لطف  الله  الخواجة أستاذ العلوم السياسية في جامعة الملك السعو
                (19)     العمل الحزبي في ميزان الإسلام :   د. ماهر أحمد السوسي .
                         كلية الشريعة والقانون ـ الجامعة الإسلامية ـ غزة
             (20)   ugu noqo ishaa hore : ماهر أحمد السوسي
          21 )   ugu noqo ishaa hore : د. ماهر أحمد السوسي
       (22)   … نظرالإسلام في والتعدديةالسياسية العمل الحزبي  :محمد محمود صقر
      (23       والديمقراطية الشورى  وفاق  أم خلاف؟؟  :   د. محمد  صالح العلي   .  
                              http://www.islamtoday.net
     (24)  ugu noqo ishaa hore  :   محمد  صالح  العلي  
                     لعلامة لطاهر  بن  عاشور   لتحرير   والتنوي                                                                           
الديمقراطية الشورى  وفاق  أم خلاف؟؟  محمد بن صالح العلي
(27)http://www.muslimsc.com : العلي صالح محمد . د  
(28) مجال موضوعات الشورى مجلة البيان
(29)    شيخ عبد السلام يس                      


               

Advertisements
Advertisements

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l