Skip to main content

MW CMC Iyo Kulankii Balaadhnaa Ee Xog Iswaydaarsiga Ee Maanta Kadhacay Xarunta DDSI


Jigjigatuli-guuleed)Talaado,25ka April 2018. Kulan balaadhan oo xog iswaydaarsi ah oo ay hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa   arrimaha xisbiga ee Xarunta dhexe ee XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq islamarkaana ay kasooqaybgaleen golaha wasiirada, wasiir kuxigeenada,  maareeyayaasha  iyo agaasimayaasha deegaanka ayaa si heer sare ah uga qabsoomay hoolka shirarka ee kaali2.
Hadaba, Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kulankan balaadhan kahadlay ayaa ugu horayn ka warbixiyay dhibaatooyinkii abaartii kal-hore iyo sida wayn ee loogu guntaday bulshada deegaanka ee ay abaartu saamaysay islamarkaasna dhanwalba looga taageeray.
Madaxwaynaha ayaa xusay in ay tahay  markii ugu horaysay taariikhda abid soomara ee ay xukuumadeenu dareentay abaartan saamayntay dadka kuyeelatay iyo darsaadyada cilmiyaysan  ee laga sameeyay.  Wuxuuna xusay  in shaqaalihii caafimaadka ee kahalwgalayay degmooyinka iyo sidii xukuumadu uga jwbtay xaaladihii abaaraha iyo shuban biyoodka.
Sidookale,Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa midmid uga sheekeeyay farsamooyinkii iyo xeeladihii loo isticmaalay badbaadada iyo garabqabashada bulshada ay abaartu saamaysay ee dhinacyada xidhiidhkooda ogaanshahhooda nafaqayntooda iyo waliba  sidii loo kala dajiyay degmooyinkii ay saameeyeen abaartu. Isagoo carabka ku adkeeyay socdaalkoodii 2da bilood ee ay dhaxsocdeen bulshada abaartu saamaysay. Sidookale, madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa bulshada deegaanka ku adkeeyay in marba hadii abaartii laga soo baxay hadana ilaahay roob iyo nimco ina siiyay  ay lagama maarmaan tahay in si fiican looga faa’iidaysto nimcadaas ilaahay Inoo nimceeyay loogana faa’iidaysto waxsoosaarka noocyadiisa kaladuwan Ilaahayna aad loogu mahadceliyo.
Madaxwaynaha,  ayaa iyana kawarbixyay Arrinta isku shaandhaynta ee lagu sameeyay golaha wasiirada deegaanka. Wuxuuna sheegay in arrintan isku-shaandhayntu ay tahay dardar-galinta shaqada islamarkaana lagu sii xoojinayo shaqooyinkii Horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo waliba qorshayaasha uu xisbigu dhigtay
Dhankakale, Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDSI Ahna Madaxa Arrimaha Xisbiga Ee Xarunta Dhaxe Ee XDSHSI mudane Maxamed-rashiid isaaq, maareeyaha guud mashruuca horumarinta reerguuraga ahna xubin gole dhexe ah mudane cabdixakiin cigaal iyo waliba madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xamdi Aadan ayaa si wayn uga hadlay muhiimada iyo wanaaga iskushaandhaynta golaha wasiirada islamarkaana iskushaandhayntani ay tahay ‘right person to the right posision.(Politically, Educationally, socially, strategically and tactically) Waxayna cadeeyeen in nidamka dib ucurashadu ay tahay nidaamyada horumarineed ee guulaha lagu gaadhay. 
Sidookale, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar oo marlabaad ka hadalay kulankan ayaa sidookale hoosta ka xariiqay faa’iidooyinka midnimada iyo sida uu u wanaagsan yahay dhaqankeena qaaliga ah iyo sumcada iyo sharfta aan ku dhaxleenahay caalamka iyo dalkeenan itoobiya. Wuxuuna carabka ku adkeeyay in Nidaamka federaalismka ah ee dalkeenan itoobiya aan wax kaga noqon karo oo kali ah somaalinimo. Inagoo itoobiyaanimadeena kufaanayna balse qabiil iyo qabyaalad aysan waxba taraynin islamarkaana heerka aan maanta gaadhnay aan ku gaadhnay oo kali ah somaalinimo balse aynaan kugaadhin qabiil 
Ugudanbayna, madaxwaynaha ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday in ay xukuumada deegaanku taageerayso shacabka ay saameeyeen fatahadihii kadhashay roobabka  islamarkaana ay xukuumadu ugu gurmanayso sidii ay ugu guntatay abaarihii kalhore. Wuxuuna kubooriyay guud ahaanba shacabwaynaha deegaanka in ay roobabka uga faaiidaystaan dhanka tabcashada beeraha. 

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........