Skip to main content

Qurba-joogta Gobolka Jarar Ee Jaaliyada Sweden Oo Qado Sharaf Usameeyay Waftigii Isku Dhafka Ahaa Ee Ka Socday Deegaanka

Stokholm (tuliguuleed )news Khamiis 12ka April 2018. Qurba-joogta DDSI ee gobolka Jarar qado ee jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden ayaa waxay qado Sharafeed si heer sare ah loo soo agaasimay  Uqabteen  Waftigii isku dhafka ahaa ee uu hogaaminayay wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil,
Haddaba waftigan isku dhafka ah ee uu hogaaminayay wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane Khadar Cabdi Ismaaciilayaa waxay qurba-joogtan gobolka jarar ee jaaliyada Sweden uga mahad celiyay sida quraxda badan ay usoo dhaweeyeen islamarkaana ugu sameeyeen qado sharfeedan quruxda badan.
Ugu danbayna waxaa qado sharafeedan ay soo agaasimeen qurb-joogta gobolka jarar ee jaaliyada Sweden khadka telefonka kaga qayqaatay lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska qurba-joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ugu horayn u mahadceliyay dhamaan qurba-joogta DDSI ee ku sugan dacalada dunida sida wadaniyada leh ee ay ugarabtaaganyihiin xisbigooda iyo xukumadaba, Wuxuuna lataliyuhu sidoo kale umahad celiyay qurb-joogta gobolka jarar ee jaaliyada Sweden oo runtii si quruxbadan usoo dhaweeyay islamarakaana qado sharaf usameeyay waftigii  isku dhafka ahaa ee kakoobnaa qaran-joogta iyo qurba-joogta, Isagoo intaa ku daray inay dadaalkooda halkaas kasii wadaa

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........