Skip to main content

QABYAALADA IYO RAAD XUMADEEDA W/Q CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Ereyada qabyaalad iyo qabiil ayaa had iyo jeer qeexidooda amma kala saaridooda  lays ku qaldaa amma inta si uu taqaanaa si fiican loo kala aqoon, bal haddaba haddii aan isku  day o ta qabiil.

Qabiil ayaa ah isir, farac, abtirsiimo, ka soo bilaabanta aabbo, awow iyo awowyadii ka sii horreeye, waanna hab-qurux badan, marka laga eego caddaynta qofka ee ah tii qofka lagu dhalay hab-xalaal ah oo aan muran iyo marag-madoon ah oo dhaxla magacii  aabbihii.

Alleh (SW) wuxuu aayaadkiisa mid ka mid ah innoogu mana sheegtay oo yidhi; “Waxaan idinka dhigay qabiilo si aad isugu gartaan.” Haddaba iyadoo sida saxda ah ay tahay  sid aa, ayaa haddana waxa ku hoos jira xigmado intaa ka sii weyn oo ay ka dhashaan isu naxarisasho iyo isqadarin laysugu hayo qabiilka cidda wadata magaciisa.

Sidoo kale hooyo walbaaba ku dedaasho in ay ilmaheeda u hesho aabbo wanaagsan si uu mansab iyo magacba uu uga dhaxlo aabbihii, taana waxa ka dhalata dhowrsanaan dumar oo sharaftii qoyskooana ilaaliso ilaa heer bulsho.

Bal u fiirso, xigmadaha ku jira in la noqdo qabiilo ma aha inay dadku tarmayaan habkii ay awowyaasheen ugu dhaqmi jireen ay ahayd, habka ugu fiican sida tlo iyo xidid iyadoo  aan an dhammaan soo koobi karin xigmada ku jira iyo wanaageeda bal aan eegno waxay  noqo to marka sida xun loo isticmaalo iyo cakiskeeda.

Haddaba qabyaalada ayaa iyada waxayn odhan karnaa waa qabiilkii oo si xun lo  isticm aalay, keentana wax ka duwan waxtarkii oo ah waxyeelo ficilka qabyaalad, ayaa ah  qa byaaladan, taasoo iyadu dhankeeda ah garabsiin xaq iyo xaq-darro, gar iyo gar-darro, dhac, musuq iyo wixii la halmaala.

Qabyaalada ayaa ilaa hadda wax aad looga tixgeliyo bulshada Soomaalida dhexdeeda, bal se u keentay waxyeelo baahsan oo cuqubo iyo horumar la’aanba leh, kana noqday cudur, kaas oo dillaaca xilliyada saameyntiisu ugu badan tahay oo khilaaf dhaco, iyadoo loo  adee gsanayo guubaabo. Waxayna ku xidhan tahay cidda ma jaraha u haysa amma taladu ka go’do si haddii ay la sii huriyaan iyo in ay suuliyaan amma hakiyaanba.

Somaliland maadaamay tahay dal iyo dad taariikh ahaan hore u sii dhidhiyey adeegsiga  q abyaalada, waayo aragna u ah waxyeelada, waxaan kula tlain lahaa in la tirtiro gebi  ahaa ba ku dhaqanka qabyaalada, isla markaana la hirigeliyo dimoqraadiyadda  horuma rka, xadaarad iyo wanaag ku dhisan.

W/Q CABDICASIIS ABIIB MOHAUUD 

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........