Skip to main content

Posts

Showing posts from July, 2020

Biya Xidheenka GERD oo Lasheegay Inay Biyo Badani Galeen.

B iyo xidheenka gerd oo lasheegayo inay biyo badani galeen July 14, 2020   admin Tuliguuleed|NEWS sawiro lagu qaaday aalada Satelliteka ayaa muujinaya in biyo xidheenka muranka badan dhaliyay ee itoobiya ka dhisayso Wabiga Nile ay biyo badani gudihiisa galeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in arintani ay muujinayso in itoobiya bilawday buuxinta muga biya xidheenka halka qaar kalana ay tibaaxayaan inay sababtay roobab mahiigaana oo dhulkaasi buuralayda ah ka da,ay. Wadahadalo 11 bari socday oo u dhexeeyay itoobiya, masar iyo sudan ayaan wax guul ah laga gaadhin sida uu sheegay wasiirka biyaha iyo tamarta itoobiya Eng. Seleshi. Wasiirka arimaha dibada Masar  Sameh Shoukry oo saxaafada wadankaasi lahadlay ayaa sheegay in masar ay ku qasbantahay inay jawaab ka bixiso talaabokasta oo yaraynaysa qulqulka biyaha wabiga ee masar gaadha. Lama oga sida uu xaalka masar, itoobiya iyo sudan ku danbayn doono.

MASAR OO BOOQASHO QARSOODI AH KUTIMID SOMALILAND

MASAR OO BOOQASHO QARSOODI AH KUTIMID SOMALILAND July 14, 2020   admin   Leave a comment Hargeysa(RNN) – Wafti kasocda dalka Masar ayaa todobaadkan soo gaadhay Somaliland kuwaasi oo lakulmay saraakiil katirsan xukuumada Somaliland. Socdaalka waftigan oo aan lashaacinin ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili uu muran adag ka taagan yahay xaalada wabiga Nile ee udhexeeya Itoobiya iyo Masar. Khaalid Foodhaadhi

DEEGAANKA OROMADA IYO XAALADII UDANBAYSAY

DEEGAANKA OROMADA IYO XAALADII UDANBAYSAY July 12, 2020   admin   Leave a comment Dhalinyarada Oromada ee Qeerroo ayaa maanta sheegay inay sidii loogu talagalay usocdaan shaqo joojintii ay ku dhawaaqeen meelaha qaarna in awood loo adeegsaday ayay sheegeen. Dawlada dhexe ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay inay badi xakameeyeen qul-qulatooyinkii dalka ka aloosnaa islamarkaana ay wax kasta sidoodii yihiin. Dhanka kale, khasaaraha guud ee magaalada Shashamane ayaa lashaaciyay, waxaana ku burburay 89 Huteel, 249 Guri, 72 gaadhi iyo waliba 36 Bajaaj oo lagubay. Waa inta ay dawladu sheegtay ee in khasaaruhu intaas aad uga badan yahay ayaa lawarinayaa. W-q: Macalinka Soomaaliyeed

ABIY AXMED OO AF LABADII DHAWAAQAYA

ABIY AXMED OO AF LABADII DHAWAAQAYA July 7, 2020   admin   Leave a comment Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo maanta lahadlayay baarlamaanka dalka ayaa sheegay inuu dalku imtixaan adag ku jiro. Abiy ayaa yidhi mar uu dhanka doorashada ka hadlayay “Karoonaha kahor Xisbiga Barwaaqo doorasho ayuu diyaar u ahaa, balse markii dib loo dhigay ayay kuwii asalkoodu iska mucaaradka ahaa oon ogolaadeen haddii la qaban lahaa doorashada ayaa hadana qaylinaya.” Abiy ayaa sheegay inay dadka qaar leeyihiin Oromo kama dhalanin, wuxuu sidoo kale sheegay in si lamid ah Obama lagu yidhi Maraykanka muusan udhalanin. “Hadaan noqon waayo oromo midka igu xigana Oromo ma aha unbay odhanayaan” ayuu yidhi Abiy. Dalka Itoobiya ayuu ilaa hada dilkii Haacaalu Hundessaa internetku ka go’anyahay kadib markii kacdoon lama filaan ahi ka dhashay dilkii Haacaaluu oo dhacay 29kii June. Hay’adaha Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa walaac badan ka muujiyay internetka ilaa hadda go’an. Oromada dalk

ITOOBIYA OO TALAADADA BUUXINAYSA BIYO-XIDHEENKII GERD

ITOOBIYA OO TALAADADA BUUXINAYSA BIYO-XIDHEENKII GERD July 7, 2020   admin   Leave a comment Itoobiya ayaa sheegtay in habeenimada Talaadada ah ee soo socota labilaabi doono buuxinta Wabiga Abay. Waa arin culus oo mudo badan muran ka taagnaa, waxaanse cadayn oo ay su’aali kataagan tahay sida loo buuxin doono, ma sanado badan ayaa lagu buuxin doonaa?, mise sanado kooban ayaa lagu buuxin doonaa?. Muranka ugu badan ayaa ka taagnaa dhanka sharciyada iyo xiliyada abaaraha sida laga yeeli doono biyaha ilaa hadana arintaas ma cada. Waxaana lasaadaalinayaa inay qas iyo qalalaaso hor leh arintani abuuri karto. Todobaadkan wuxuu noqonayaa mid caalamku sigaar ah indhaha ugu hayn doono Itoobiya gude iyo dibadba

Maxay isku hayaan Aby Axmed iyo maamul goboleedka Tigreega?

Maxay isku hayaan Aby Axmed iyo maamul goboleedka Tigreega? 20 Daqiiqadood ka hor XIGASHADA SAWIRKA, NAZARET Qoraalka sawirka, Madaxweynaha deegaanka Tigrey Khilaaf ka dhashay dib u dhigista doorashada guud ee dalka Itoobiya, waxay uga sii dartay xiisadda u dhaxeysa dowlad deeganaka Tigreyga iyo dowladda federaalka ee Itoobiya uu uu hogaamiya ra'iisal wasaare Aby Axmed. Maamulka deeganaka Tigreyga ayaa ku hanjabay in ay qabsan doonaan doorasho iyaga u gaar ah, ayna iska indha tiri doonaan go'aanka federaalka iyo guddiga doorashooyinka oo dib u dhigay doorashada guud oo ay ahayd inay dhacdo bisha Agoost ee sanadkan. Haseyeeshee arrintaas ma aanay suurtagelin oo waxaa saameeyay xanuunka corona. Horaantii bishii Juun, aqalka sare ee Itoobiya ayaa muddo sanad ah ku kordhiyay muddo xileedka ra'iisul wasaare Abiy Axmed. Taas waxay keentay in afhayeenka Keria Ibraahim oo xil sare ka heysa xisbiga TPLF ee Tigreyga ay iska casisho xilka, iyadoona Abiy ku tilmaamtay "kaligii tal

siyaasiyiinta oromo ee abey ahmed uxidhan

M agacyada xubnaha ugu sareeya ee kasoo jeeda qoomiyada oromada ee uu Korneel Abiy Ahmed jeelka utaxaabay 1. Obbo Jawar Mohammed 2. Obbo Bekele Gerba 3. Gaazexessaa Hamza Borana 4. Directora Olaanaa OMN Girma Gutema 4. Hayyicha Lammii Beenyaa 5. Shemsudin Teha Mohamed 6. Dereje Begi 7. Engineer Ayele Degaga 8. Obsaa Abdiisaa 9. Baharudin Musema Yasin 10. Chaltu Takele Abetu 11 Taagal Daaqaa Waaqgaarii 12. Kiar Basher RA-YI