Skip to main content

Posts

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........

Waxaas ayaa jacayl ah

Dhirta xididka hoosaa dhulka loogu beeree way dhici lahaayeen Dhismahooda weeyee Kii dhaba jaceylkuna halkii kama dhaqaaqo dhidibaa u aasan Kii dhaba jaceylkuna halkii kama dhaqaaqo dhidibaa u aasan waa sida dhillowyahan intuu laan isaga degey dhexda loogu marayee, dhakhso uga baxaayee Kii dhaba jaceylkuna looma kala dhantaaloo lafahuu dhammeeyaa sida dhuda haween yaal isu dheeli tiranoo midba dhan u baxaysoo dhinaca isa saaree dhinaca isa saaree Kii dhaba jaceylkuna waaa qadan wadaagiyo isu dhalasho daacad ah sida dhalanka weeyaan dheehaa caleentuyo ubax wada dhalaaliyo dhimbishaa hareeysee dhimbishaa hareeyee kol hadulamaan yahay kala duuban meynee waagaa dharaar noqon Kii dhaba jaceylkuna looma kala dhantaaloo lafahuu dhammeeyaa

8 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Farxad Badan

Waxa had iyo jeer dadku raadiyaan in ay ku noolaadaan, nabad, nimco iyo farxad. Iyo in ay ka baxaan baahida ay qabaan ha ahaato mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid kalaba. Hadaba waxa jira dad haysta nolol fiican laakiin ay hadana dareemayaan in ay wax ka maqan yihiin. Si uu qofku u noqdo mid faraxsan kuna nool niyad wanaagsan ayaa waxa aanu qormadeena maanta kusoo qaadanaynaa 8 qodob oo aad ku heli kartid farxada niyada.1. Ku raaxayso nolosha xilyada fiican ee aad ku jirto. Dib u xusuuso xiliyadii wanaagsanaa ee ku soo maray, warqad ku qor oo akhri si aad u xusuusatid waqtigaas marka aad dareemayso niyad jab. 2. Hawl badan oo waqti badan kaa galo wax kasta waad ku gaadhi kartaa. Waxa aad meel ku qortaa 3 arimood oo aad muhiim kuugu ah oo aad rabtid in aad gaadhid iyo sida aad rabtid in aad ku gaadho. 3. Naftaada dhaqaalee. Samayo xili aad ku nasato sida adiga oo fadhiisanaya meel xeeba ah hawo macaan ka dhacayso. Waqti la qaado qoyskaaga ama saaxiibadaa. Qosolka iyo ilko cadayn

8 Astaamood Oo Lagu Garto Qofka Ku Jecel

sida la ogyahay wejiga iyo xubnaha jirka intooda kale inay yihiin astaan lagu garan karo waxa dhex yaalla qalbiga, naag jacayl nin u qabta ama nin naag jacayl u qabo waxaa laga arkaa astaamahaan soo socda 1-xusuus badan mar kasta inaad niyadda ku haysid oo aadan ka saari karin oo aad ku mashuulsantahay            2- inaad ka sheekayso qofka aad jeceshahay mar walba waxaad rabtaa inaad xusto 3- in si xoog ah wadnaha u shaqeeyo markaad si kedo ku aragto qofka aad jeceshahy 4- marka aad u soco kulankiisa waxaad dareemaysaa firfircooni siyaado ah, marka aad ka soo tagaysidna waxaad dareemaysaa culays iyo tiiraanyo iyo caga-jiid 5- qofka ku jecel si rasmi kuuma fiirin karo, fiirista ayuu kugu xadayaa, marka aad dhinac kale u jeedano aad buu kuu fiiriyaa 6- wax kastoo aad nacaybtahay waa ka fogaanayaa qofka ku jecel adoo aan dhihin ka fogoow 7- wuxuu jecelyahay inuu kuu soo dhowaado marka aad meel wada joogtaan 8- dadka adiga aad jeceshayna wuxuu jecelyahay inuu ixtiraamo waxa

Warbixin: Ander Herrera Oo Ka Soo Jawaabay Wararka Sheegaya Waxa Ka Jira In Uu Candhuufay Calaamadda Manchester City

Xiddigga Manchester United Ander Herrera  waxa uu beeniyey in uu ula kac u candhuufay callaamada Mancehster City. Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya Herrera oo candhuufaya callaamada City markii loo sii socday qolka labiska qeybtii hore ee dheesha xilli ay Citizens ku hoggaamineysay 2-0 oo ay u kala dhaliyeen Vincent Kompany iyo  Ilkuy Gundogan.

6 Daan Arimood Haddi Lawaayo Waligiisa jacayl Ma Jirayo.{Maqaal Xiiso leh}

Waxaa dhab ah ama xaqiiqo ah in qof walba qaab iyo nooc u kaliya uu u cabiro ama u qiyaaso jacaylkiisa uu u qabo qof ama cid kale, cida  kale waxay noqon kartaa qof banii aadama oo lamida, xayawaan uu jecel yahay ama shay la taaban karo oo aan naf lahayn sida guriga iwm. Halkan waxaan kusoo koobi doonaa 5nooc oo uu qofku ku cabiro jacayl kiisa khaasatan marka uu tusayo jacaylkiisa qof uu jecel yahay. -Ficil: dadka jacaylkooda ku cabira ficilkoodu waxay noqon karaan dadka u dhaqma sidan. Xaaskiisa markuu rabo inuu tuso jacaylka uu u qabo wuxuu u qabtaa hawlaha ay jeceshahay inuu uqabto oodhan, ninkeeda waxay u karisaa cuntada mida uu ugu jecel yahay iyadoo u raacisa inay isu qurxiso si uu jecel yahay iwm. Hadaba hadii aad ka mid tahay kooxdan jacaylkooda ku cabira ficilkooda waxaa fiican in aad lamaanahaaga dareensiiso in jacaylka aad u qabto uu tusaale ka yahay ficilkaaga. Waxaa dhacda marar badan in kooxdani ay la kulanto is afgaran waa ka yimaada dhinaca kale iyagoo ku an dacoonaya