Skip to main content

Mw CMC Oo Ku Soo Laabtay Deegaanka.

Jigjiga(cakaaranews), isniin, 30ka April, 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ay wehelinayeen afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo masuuliyiintii ay kamid  ahaayeen maareeyaha guud ee mashruuca horumarinta bulshada reer guuraaga ee DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal cumar, wasiirka horumarinta khayraadka biyaha  DDSI mudane ahmed cabdi maxamed, wasiirka waxbarasha DDSI mudane ibraahin aadan mahad iyo ugaas Mustafa ayaa ku soo laabtay deegaanka ka dib markii ay kala qaybgaleen Raysalwasaaraha dalka Dr Abiyu Ahmed socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu dalka dibadiisa ugu baxay ee uu ku tagay dalka jabuuti ee aynu dariska nahay.
Haddaba madaxwaynaha DDSI iyo waftigii heer deegaan ee uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee jigjiga wakhtixaadirkana ku sugan jigjiga.

Comments

Popular posts from this blog

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l...

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag