Skip to main content
Nin qoraa ah ayaa sanadkii 2013 waxa uu qoray buug lamagac baxay my mother my love ayaa ah buug kahadlaayay hooyada.

Waxaa lawaydiiyay sababta ku kaliftay waxa uu kujawaabay:-

maalin maalmaha kamida markii aan jiray 12 ayaa habeen waxaa xanuun satay hooyaday waxana ay laheyd uur todobo bilood ah.

Markii ay xanuunka dareentay ayaa waxaan i qabatay hurdo waana seexday,xili ay saacadu kubeegneyd 8:00 habeenimo ayaan soo baxay oo waxaa iqabatay kaadi,markii aan soo maraaray jigada ayaan waxaan dareemay sanqar.

Markii aan soo galay jigada ayaan arkay arin aan la'ooyay hooyaday oo xalay oo dhan xanuunsaneyd ayaa hada waxay dabka saareysaa shaah.

Intaan soo orday ayaan iri hooyo maxaad usameyneysaa shaaha waaba xanuunsan tahay aniga ayaa kuu jooga oo karin lahaa,waxay igu tiri hadal aan waligey ilaabi doonin"hooyo xanuun walba oo aan dareemo waxaa kaweyn xanuun walba oo uu dareemayo ilmaheygu markuu kaajoodo.

Hooyadu waa lama helaan hadii ay kuu nooshahay kaduceyso una duceey oo ha ilaawin.{illaahow hooyo unaxariiso}. fadlan walaal hadaad akhrisay like saar soona qor aamiin

(FADLAN WALAAL ADIGOO MAHADSAN SHARE DHEH OO LAWADAAG WALAALAHA KALE SI AY UAKHRISTAAN QISADAN)

Qore: cabdicasiis abiib mohamuud

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........