Skip to main content

Ruushka oo kahadlay dagaalka lagu qaaday suriya

#Ruushka:Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in weerarkani dhacay iyada oo fursad ay Suuriya nabadi kaga dhalan kartaa soo dhawaatay.

Saraakiil Ruush ah oo Moscow joogaya ayaa sheegay in gantaalaha Suuriya lagu duqeeyey ku dhaceen meelo u dhaw goobo ku dhaw meelaha fadhiisimada u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan Suuriya oo ay yaallaan gantaalaha difaaca cirku.

Xukuumadda Suuriya iyo Iran oo ah dal ay gacan saar leeyihiin ayaa iyaguna sheegay in weeraradawada jirka ah ee dalkaa lagu qaaday yihiin kuwo xad gudub ku ah sharciga caalamiga ah.Iran ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ku dhaliishay qar iska xoornimo, waxa aanay intaa ku dartay in ay iyagu qaadi doonaan masuuliyadd cawaaqibka ka dhasha weeraradaas.

Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa ku warantay in weerarka lala beegsaday xarunta cilmi baadhista Dimishiq uu khasare kooban gaadhsiiyey goobtaa, hase yeeshee ay weeradda Xums ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ahi.Wararka kale ee ka imanaya Suuriya ayaa qaarkood tibaaxayaan in goobo milatari oo ay ku jiraan xarumahaas weerarada lagu qaaday, todobaadkan horraantiisii laga daabulay saanaddii taalay.


Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........