Skip to main content

Awooda raasamaal ee gumaysiga amxaaraynta





Maqalki maant oon Af-Soomaali ku Turjumay





 Awooda Raasaamlka ee  Gumaysiga Axmaarada

Berhyahan dambe waxa Kusimaha Madaxweyne Kuxigeenka DDS ka soo yeedhaya difaac uu difaacayo fakarka islaweynida Axmaarada (Amhara supermacy).  Hadaba marka aynu ka hadlayno islaweynida Axmaarada waxa waa jib ah in aynu fahamno dhaqans-siyaasiga ka dambeeya islaweynida gumeysiga Axmaarada ee inagu raagay.

Islaweynida Axmarada ulama jeedno in aynu nacayb iyo colaad furan u qabno shacabka Axmaarada. Maya! Waxaan ka wadnaa in aynu diidanahay gumeysiga intuu dhulkeena inaoogi yimid cadaadis xad dhaaf ina dulsaaray mudo hada ku dhow 200 oo sano.  Arintaasina waxay haysataa Soomaali, Oromo, Canfar, Welayta, iwl.

Gumeysiga Axmaaradu la mid ma aha shaqsi Jigjiga, Dhagaxbuur, ama Moyale ku nool oo shah af-Xabashi ku dalbada.  Wax magaratadu ha ogaato xataa in aad af-xabashi shah ku dalbato adigoo SRS jooga waxa keenay lahaanshaha ay Axmaaro lahay ama gacanta ku haysay mudo 150 ah rugta cilmiga la gu barto (scholls and colleges), alladaha warfaafinta (media outlets), iyo rugta dhaqanka sida carwooyinka (cultural centers).

Horaantii 1990hii Ayaan hebeen meel casho lagu qabtay ku la kulmay afhayeenka Axmarada mayelka adag – ama aabaha fakirka islaweynida Axmaarada; waa Professor Masfin Wolde Mariam.  Waa ninkii qoray buugii aflagaadada ahaa ee loogu magicdaray “Soomaaliya waa kuraygii ashaxumada badnaa ee Afrika.”

Mar sheeko yari nadhex martay ayuu Soomaalida ku tilmaamay qabaa’il rer-guuraa ah.  Sax ayaan is idhii oo waxaan ku celiyey, Professor ma waxaad ka wadaa Qaranka ama Qowmiyada Soomaaliyeed (Somali nation).  Iyada oo lawada maqlayo ayuu ku celceliyey, “maya, qabaailka rer-guraaga, ee Soomaalida.” ama zalan ya Sumale goozawooj.” Waxa uu raaciyey in aanay qabaa’ilka Soomaalidu weli gaadhin heer xadaarada bini’aadimka ee “qaranimo.”

Dugsiyada Itoobiya waxaas iyo wax ka daran ayaa lagu dhigi jiray.  Waxa uu Dr. Fiqru Tulus iyo kuwii Bahir-dar inagu qabjabiyey ay ku hadleen ayaa lagu dhigi jiray. Waxaan xasuusta ereyada sida “ya boranna Kabti Arbiwooj, ama Xoola dhaqatada rer-bBoran. Wali maqlimaysi Borana Oromo. Waxa kale oon xasuustaa gabay Axmaari ah oo odhan jiray:

Minow Ba Bale Ba Harrge Gugut Baza
Ya Shiridam sumalew,
Timbako gurash,
Zzurow tokowsha Galaw..
Maxaa rabshadaha ka keenay Baale iyo Hararge
Ma Macawislihii Soomaaliga ahaa ayaa kacay
Ma Galaagi isaga oo buuri afka ku haya
Oo indhaha isku haya xabada ridi ayaa kacay.

In shaqsi Jigjiga joogaa uu af-xabashi shah ku dalbado waxay markhaati ka tahya sareynta Axmaarada iyo hoosaynta Soomaalida. Waa arin ka turjumaysa waxa looyaqaan “critical assets,” ama “raasamaal muxali ah” oo cida wax guumaystaa leedahay. Waana rasamaal kuwa wax guumeystaa ay si gaar ah u ilaashadaa.  Waa awood qoto dheer. Kan Soomaaliga ah ee isla wax noqona waa awood uu quudareeyo.  Isaga oo isticmaalaya waxbarashadii Axmaaradu ku soo ababisay ayuu ku hamiyaa in bulshadan “raasamaalka” muxaliga ah iskaleh uu ku biro. 

Waana takeentay in amaantooda iyo raali galintoodu badato.
Ugu dambeyn, waa sababta keenta in nin Axmaari jigjiga, Dirdhabe, ama Goday ku dhirbaaxi karo shaqsi Soomaali ah oy isqabteen.  Mareykanka waxa ka jira wax layidhaa “raasamaalka” awooda ninka Cad (White Privilage).  Sidoo kalena Konfour Afrika waa lamid.  Itoobiya mudo dheer ilaa hadeer, gaar ahaan DDS, wax aka jira “raasamlaka” awooda xabashinimadu keento (Amhara Privilage).

Wax soo socdana waan saadaalin karnaa. Hase ahaate, hawsha inoo taalaa waa in aan “raasamlka” awooda gacnta shisheeye ku jirta aan soo galino gacan Soomaaliyeed xuquuqdii Eebe ina siyey markii uu Ina uumayna waa in aan soo ceshanaa.

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo ...

8 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Farxad Badan

Waxa had iyo jeer dadku raadiyaan in ay ku noolaadaan, nabad, nimco iyo farxad. Iyo in ay ka baxaan baahida ay qabaan ha ahaato mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid kalaba. Hadaba waxa jira dad haysta nolol fiican laakiin ay hadana dareemayaan in ay wax ka maqan yihiin. Si uu qofku u noqdo mid faraxsan kuna nool niyad wanaagsan ayaa waxa aanu qormadeena maanta kusoo qaadanaynaa 8 qodob oo aad ku heli kartid farxada niyada.1. Ku raaxayso nolosha xilyada fiican ee aad ku jirto. Dib u xusuuso xiliyadii wanaagsanaa ee ku soo maray, warqad ku qor oo akhri si aad u xusuusatid waqtigaas marka aad dareemayso niyad jab. 2. Hawl badan oo waqti badan kaa galo wax kasta waad ku gaadhi kartaa. Waxa aad meel ku qortaa 3 arimood oo aad muhiim kuugu ah oo aad rabtid in aad gaadhid iyo sida aad rabtid in aad ku gaadho. 3. Naftaada dhaqaalee. Samayo xili aad ku nasato sida adiga oo fadhiisanaya meel xeeba ah hawo macaan ka dhacayso. Waqti la qaado qoyskaaga ama saaxiibadaa. Qosolka iyo ilko cadayn...

Shirkii Qiimaynta waxqabadka gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo furmay.

(tuli-guuleed news) jumce, 27ka April , 2018.Waxaa    magaalada jigjiga ee caasimada deegaanka gaar ahaan madasha shirarka    kaali 2aad ee xarunta madaxtoooyada    DDSI    ka furmay shirkii qiimaynta waxqabadka gobolada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI Haddaba, shirkan qiimaynta ah oo diirada lagu saarayo fulina qorshayaasha   horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban  ee u yaalay gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI khaasatan qorshaha beer,biyaha, caafimaadka  ee baabaca (BBC) ayaa waxaa hogaaminayay  madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,   afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga ee  xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq  iyo  madaxwayne ku xigenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax warkan oo faah-faahsan warakayaga dambe ayaad kala socondoontaan.