Skip to main content








FASHIL: ”BABAAY ayay karoone ka sheegeen!” – MW Tanzania oo madaxda Afrika ku boorriyey inaysan iska qaadanin agabyada loogu deeqayo


0

(Tuliguul) 23 Maajo 2020 – Waxaa dunida fara ba’an ku haya cudurka Coronavirus, waxaana kordhay baahida loo qabo agabyada lagula tacaalo oo ay ka mid yihiin kuwa wax lagu baaro (test kits), balse waxaa si la yaab leh uga boollaystay MW Tanzania ee John Magufuli.
Magufuli, oo laftiisa lagu eedeeyo qaabka uu u wajaho cudurka coronavirus ayaa sheegay inay “khaladaad farsamo yeesheen” agabyada lagu baaro cudurka.
Wuxuu sheegay in uu ciidamada amaanka Tanzanian u xil saaray inay daba galaan tayada agabka cudurkan lagu baaro sida shaybaarka, iyaga oo deeto halkaa u diray dhowr saami oo laga soo qaaday Babaay, ri iyo ido, kuwaasoo laga dhigay in dad laga soo qaaday.
Waxaa deeto saamiyadii baaray howlwadeenkii shaybaarka oo aan ka warqabin, waxayna Covid-19 ka sheegeen Ridii iyo Babaaygii, taasoo ay la yaabeen dadkii degaanku.
“Ma aha inaan iska aqbalno in deeq kasta oo dibedda ka timaadaa ay nacfi noo leedahay,” ayuu yiri Magufuli.
 
TukiguuMedia
Facebook Comments

Comments

Popular posts from this blog

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l...

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag