Skip to main content

heesaa masaari ah oo laxidhay kadib markay kaftan kasheegtay webiga nile

Heesaa Masaari ah oo la xiray kadib markii ay kaftan ka sheegtay wabiga Nile

.Lahaanshaha sawirkaAFP
Waxay u egtahay in aanan waxbo laga sheegi karin wabiga Nile-ka oo ah laf dhabarta nolosha dadka Masar, xitaa haddii qofka uu kaftamayo, waxaana arrintaas cashar adag ka baratay haweenay heesaa caan ah.
Gabadhan oo lagu magacaabo Sherine Cabdiwahaab ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah, kadib markii ay si kaftan ah u sheegtay in wabiga Nile-ka biyihiisa aysan nadiif ahayn.
Wargeyska Al Ahram ayaa tabiyay in sidoo kale lagu xukumay lacag damaanad ah oo dhan $204 doolar, iyo ganaax dhan $408 doolar.
Waxa ay kaftankan sheegtay kadib markii taleefishin laga weeydiiyay in ay ku heesto, heesta magaceedu yahay Mashribta Minal Niil oo micnaheedu yahay waligaa biyo maka cabtay wabiga Nile.
Waxayna ku jawaabtay "Calool xanuun ayaan ka qaadayaa haddii aan cabbo biyaha Nile-ka".
Hobalada muusiga ee dalka Masar ayaa sidoo kale sheegay in gabadhan ay ka mamnuuceen in ay heesto gabi ahaanba, taas oo ciqaab looga dhigayo hadalkii ay ka sheegtay wabiga.
Sharine ayaa raaligalin ka bixisay hadalkeeda oo ay sheegtay in uu ahaa mid doqonimo ah.
Dalka Masar aad ayaa loo jecelyahay wabiga, waana arrin amniga qaranka dalkaas ku saabsan, mana jirto cid loogu dulqaadanayo wax yar oo ku saabsan wabiga, waxay dooniba ha ahaadaane.

Comments

Popular posts from this blog

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l...

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag