Skip to main content

Itoobiya oo Hubka Ka Dhigtay Ciidamada Tigreega Kasoo Jeeda Ee Somalia&S,Sudan Ku Sugan

 

Itoobiya oo Hubka Ka Dhigtay Ciidamada Tigreega Kasoo Jeeda Ee Somalia&S,Sudan Ku Sugan

Tuliguuleed news.

Sida ay baahisay aljazeera English, wasaarada gaashaandhiga itoobiya ayaa hubka ka dhigtay dhamaan xubnaha asal ahaan kasoo jeeda qoomiyada tigreega ee qaybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta ujooga Somalia iyo S,sudan.

Dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya ee udhexeeya xoogaga tigreega iyo dawlada dhexe ee itoobiya ayaa sababay in xukuumada PM Abiy Ahmed ay shaqada ka joojiso dhamaan dadka asal ahaan kasoo jeeda qoomiyada tigreega ee ka hawlagala xafiisyada kala duwan ee dawlada iyo ciidamada federaal booliska iyo milatariga.

Talaabadan ayaa ah mid xukuumada dhexe ay ku yaraynayso saamaynta ay keeni karaan xubnaha qoomiyadaasi ee ku dhexjira nidaamka dawlada.

Dhankakale beesha caalamka ayaa siwayn u cambaaraysay talaabadan oo ay saxaafada qaarkeed ku tilmaamayso mid isir beegsi ku salaysan.

Dadka siyaasada faaleeya ayaa dood badan ka qaba natiijada ay talaabadani keeni karto iyo cida faaiido ugu jirto.

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........