Skip to main content

Posts

8 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Farxad Badan

Waxa had iyo jeer dadku raadiyaan in ay ku noolaadaan, nabad, nimco iyo farxad. Iyo in ay ka baxaan baahida ay qabaan ha ahaato mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid kalaba. Hadaba waxa jira dad haysta nolol fiican laakiin ay hadana dareemayaan in ay wax ka maqan yihiin. Si uu qofku u noqdo mid faraxsan kuna nool niyad wanaagsan ayaa waxa aanu qormadeena maanta kusoo qaadanaynaa 8 qodob oo aad ku heli kartid farxada niyada.1. Ku raaxayso nolosha xilyada fiican ee aad ku jirto. Dib u xusuuso xiliyadii wanaagsanaa ee ku soo maray, warqad ku qor oo akhri si aad u xusuusatid waqtigaas marka aad dareemayso niyad jab. 2. Hawl badan oo waqti badan kaa galo wax kasta waad ku gaadhi kartaa. Waxa aad meel ku qortaa 3 arimood oo aad muhiim kuugu ah oo aad rabtid in aad gaadhid iyo sida aad rabtid in aad ku gaadho. 3. Naftaada dhaqaalee. Samayo xili aad ku nasato sida adiga oo fadhiisanaya meel xeeba ah hawo macaan ka dhacayso. Waqti la qaado qoyskaaga ama saaxiibadaa. Qosolka iyo ilko cadayn

8 Astaamood Oo Lagu Garto Qofka Ku Jecel

sida la ogyahay wejiga iyo xubnaha jirka intooda kale inay yihiin astaan lagu garan karo waxa dhex yaalla qalbiga, naag jacayl nin u qabta ama nin naag jacayl u qabo waxaa laga arkaa astaamahaan soo socda 1-xusuus badan mar kasta inaad niyadda ku haysid oo aadan ka saari karin oo aad ku mashuulsantahay            2- inaad ka sheekayso qofka aad jeceshahay mar walba waxaad rabtaa inaad xusto 3- in si xoog ah wadnaha u shaqeeyo markaad si kedo ku aragto qofka aad jeceshahy 4- marka aad u soco kulankiisa waxaad dareemaysaa firfircooni siyaado ah, marka aad ka soo tagaysidna waxaad dareemaysaa culays iyo tiiraanyo iyo caga-jiid 5- qofka ku jecel si rasmi kuuma fiirin karo, fiirista ayuu kugu xadayaa, marka aad dhinac kale u jeedano aad buu kuu fiiriyaa 6- wax kastoo aad nacaybtahay waa ka fogaanayaa qofka ku jecel adoo aan dhihin ka fogoow 7- wuxuu jecelyahay inuu kuu soo dhowaado marka aad meel wada joogtaan 8- dadka adiga aad jeceshayna wuxuu jecelyahay inuu ixtiraamo waxa

Warbixin: Ander Herrera Oo Ka Soo Jawaabay Wararka Sheegaya Waxa Ka Jira In Uu Candhuufay Calaamadda Manchester City

Xiddigga Manchester United Ander Herrera  waxa uu beeniyey in uu ula kac u candhuufay callaamada Mancehster City. Waxaa soo baxay muuqaal muujinaya Herrera oo candhuufaya callaamada City markii loo sii socday qolka labiska qeybtii hore ee dheesha xilli ay Citizens ku hoggaamineysay 2-0 oo ay u kala dhaliyeen Vincent Kompany iyo  Ilkuy Gundogan.

6 Daan Arimood Haddi Lawaayo Waligiisa jacayl Ma Jirayo.{Maqaal Xiiso leh}

Waxaa dhab ah ama xaqiiqo ah in qof walba qaab iyo nooc u kaliya uu u cabiro ama u qiyaaso jacaylkiisa uu u qabo qof ama cid kale, cida  kale waxay noqon kartaa qof banii aadama oo lamida, xayawaan uu jecel yahay ama shay la taaban karo oo aan naf lahayn sida guriga iwm. Halkan waxaan kusoo koobi doonaa 5nooc oo uu qofku ku cabiro jacayl kiisa khaasatan marka uu tusayo jacaylkiisa qof uu jecel yahay. -Ficil: dadka jacaylkooda ku cabira ficilkoodu waxay noqon karaan dadka u dhaqma sidan. Xaaskiisa markuu rabo inuu tuso jacaylka uu u qabo wuxuu u qabtaa hawlaha ay jeceshahay inuu uqabto oodhan, ninkeeda waxay u karisaa cuntada mida uu ugu jecel yahay iyadoo u raacisa inay isu qurxiso si uu jecel yahay iwm. Hadaba hadii aad ka mid tahay kooxdan jacaylkooda ku cabira ficilkooda waxaa fiican in aad lamaanahaaga dareensiiso in jacaylka aad u qabto uu tusaale ka yahay ficilkaaga. Waxaa dhacda marar badan in kooxdani ay la kulanto is afgaran waa ka yimaada dhinaca kale iyagoo ku an dacoonaya

DHAGEYSO: Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Iscasilaadda Jawaari

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Iscasilaadii uu maanta Sameeyay Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Madaxweyne Xaaf waxaa uu sheegay in ay muhiim aheyd in uu tanaasulo Jawaari si loo dhameeyo Khilaafka Maalmihii lasoo dhaafay ka dhex taagnaa Golaha Shacabka. Xaaf ayaa waxa uu hambalyo u diray Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu sheegay in uu yahay nabadoon waxa uu intaas ku daray in Gudoomiyuhu iscasilay saaka isaga oo u tanaasulay sidii wadanka uusan dib u dhac iyo burbur uga badbaadin lahaa.

Wasaaradda Amniga oo war ka soo saartay lacagta lagu qabtay Garoonka Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM-  Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay Boorsooyinka lacagta lagu waday ee shalay laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasaaradda ayaa sheegtay shalay saacadu marka ay aheyd 11:40-Pm in Garoonka ay soo caga dhigatay Diyaarad nuuceedu yahay Bocing 737, taasi oo waxyaabihii ay siday ka mid ahaayeen Saddex Boorso oo aanan calaamadeysneyn. Shaqaalaha Garoonka oo Boorsooyinka marsiiyay baaritaan ayaa ka shakiyay, kadibna waxa ay la xiriireen qeybta la dagaalanka Argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, iyada oo ugu dambeyn la ogaaday in laga soo buuxiyay lacag Dollar ah. Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay lacagtaasi oo cadadeedu dhan tahay 9.6 Milyan (Sagal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun oo Dollar Mareykanka) in hada ay gacanta ku hayaan Hay’adaha amniga, baaritaano dheeraad ahna ay ku socdaan, halka ay ku socotay iyo wadanka ay ka timid. Sidoo kale warka qoraalk

bulshada aduunka kunool

Bulshada Aduunka  ( Af-Ingiriis :  world population ;  Af-Carabi :  تعداد السكان في العالم ) waa wadarta tirada guud ee dhamaan  dadka  ku nool caalamka hada. Bishii Ogosto 2016ka bulshada caalamka waxaa lagu qiyaasay 7.4  bilyan . [1]  Sidoo kale, warbixin ay soo saartey  Qaramada Midoobey  waxaa lagu sheegay in tirada dadku noqon doonto 11.2 bilyan sanadka 2100. [2] Hordhac Guud ahaan bulshada caalamku way sii koraysay wixii ka dambeeyay Abaartii 1315–17 iyo Xasuuqii Madoobaa ee 1350,wakhtiyadaasi oo dadku ahaayeen 370 million. [3]  Wakhtiyadaasi wixii ka dambeeyay tirada dadku waay ku koraysay xawaare ah 1.8% sanad kasta – taasi oo gaadhay meeshii ugu sareeysay sanadihii 1955-1975 oo xawaaraha koritaanku gaadhay 2.06%. [4] Dhinaca kale, sida lagu ogaaday cilmibaadhis sanadkii 2016ka isku-celceliska da'da bulshada caalamku waa 30.1 sano, taasi oo  labka lagu qiyaasay 29.4 sano, halka  dumarka  lagu qiyaasay iskucelcelis dhan 30.9 sano. [5] Sidoo kale fiiri Tirada Dadka