Skip to main content

Posts

Wabiga Nile: Itoobiya oo oggolaatay iney dib u dhigto biyo-xireenka 27 Juunyo 2020, 12:21 EAT Waa la cusbooneysiiyay Saacad ka hor Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille Qoraalka sawirka, Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille Madaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis ah in dib loo dhigo keydinta biyaha biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran. Seddex dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana usbuucyada soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah. Xukumadaha Khartuum iyo Qaahira warmurtiyeedyo heshiiska ku saabsan oo ay soo saareen ayay ku sheegeen go'aanka Itoobiya ay ku waafaqdo iney dib u dhigto biya keydinta ay gacan ka geysaneyso heshiis buuxa iney seddexda dal gaaraan. Heshiiskan la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn ee ay Itoobiya dhiseyso oo ay ku kaceyso miisaaniyad ka badan $4.6 bilyan oo doolar. Itoobiyana waxay in mudda ah ku adkeysaneysay iney keydinta biyo-xireenka dhisamahiisa uu hadda marayo 70% ay billaawdo xilli roobaadka bisha July ee soo socota. Dhinaca Itoobiya weli wax war oo ku saabsan heshiiskaasi la gaaray kama soo bixin, marka laga reebo farriin uu Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay oo uu ku sheegay kulanka Midowga Afrika uu hormuudka ka ah ee ay seddexda dal yeesheen inuu "mira dhal ahaa". Xurguftii Masar iyo Itoobiya ee wabiga Nile wali fari kama qodna Hase yeeshee, wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalka Itoobiya Dr Silashi Beqele wuxuu bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Itoobiya, Masar iyo Suudaan iney wadahadallada toddobaadyada soo socda iney heshiis seddex geesoodka ku soo gabagabeeyaan. Heshiiskaasina uu dhexdhexaadinayey guddoomiyaha midowga Afrika Cyril Ramaphosa oo ay seddexda dal saxiixeen waxay ku heshiiyeen 2-3 usbuuc iney heshiis kama dambeys ah ku gaaraan. . Qoraalka sawirka, Biyo xireenka webiga Nile Itoobiya waxay mar weliba ku adkeysaneysay mashruuca biyo-xireenka aadka u weyn ay uga faa'ideysani lahaayeen malaayiin shacab ah oo saboolnimo ku sugan. Dalka Masar oo 90% biyaha dalkaasi laga cabbo ka helo wabiga Nile ayaa welwel aad u weyn ka qabto inuu biyo-xireenkan uu biyaha Masar ay heli jirtay uu yareeyo, taasina ay saameyn u geysato shacabka 100-ka malyan kor u dhaafay ee reer Masar. Masarna waxay Qaramada Midoobay ugu baaqday inay soo farageliso muranka ka dhashay biya xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Nile. Ra'isal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduk wuxuu isna sheegay waddamada uu maro wabiga Nile iney ku heshiiyeen wadaxaajoodkii seddex geesoodka dib loo billaabo si ay guddiyada farsamada ay laba toddobaad gudahood ay u gaaraan heshiis kama dambeys ah. Itoobiya: "Masar waxay carqaladeyneysaa wadahadallada seddex geesoodka ee socda" Wuxuuna Ra'isal wasaaraha Suudaan uu intaa ku daray "iney Suudaan biya-xireenkaasi si weyn uga faa'ideysaneyso, khataraha ka imaan kara haddii aan xal loo helinna ay tahay waddanka ugu horreya uu dhibka ugu weyn ka soo gaari karo, isaga oo Masar iyo Itoobiya ugu baaqay iney gaaraan xal waara." .

W abiga Nile: Itoobiya oo oggolaatay iney dib u dhigto biyo-xireenka 27 Juunyo 2020, 12:21 EAT Waa la cusbooneysiiyay Saacad ka hor Qoraalka sawirka, Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille M adaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis ah in dib loo dhigo keydinta biyaha biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran. Seddex dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana usbuucyada soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah. Xukumadaha Khartuum iyo Qaahira warmurtiyeedyo heshiiska ku saabsan oo ay soo saareen ayay ku sheegeen go'aanka Itoobiya ay ku waafaqdo iney dib u dhigto biya keydinta ay gacan ka geysaneyso heshiis buuxa iney seddexda dal gaaraan. Heshiiskan la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn e

qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha

Q oraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah oo aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajr ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka. “Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeen dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowladnimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed." Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xil

G uddiga ka Hortaga Caabuqa COVID19 ayaa Yeeshay Kulankoodii Caadiga

G uddiga ka Hortaga Caabuqa COVID19 ayaa Yeeshay Kulankoodii Caadiga  Guddiyada Sare ee ka Hortaga, Xakamaynta iyo Wacyigalinta Cudurka COVID19 Ee Degaanka Soomaalida oo ka duulaya sii'adkaynta shaqooyinka ka hortaga karoona fayraska ayaa yeeyashay kulan koodii joogtada ahaa. Kulanka oo uu  shir gudoomiyay Madaxwayne Ku Xgeenka DDS Mudane Ibraahim Cismaan ayna ka soo qayb galeen masuulinyiinta gudiyada ayaa waxaa ugu horayn la isku xog waydaarsaday xaaladaha u.danbeeyay ee halista cudurka iyo dhibaatooyinka uu keenay.   Waxayna guddiyada ka hortagu ay soo jeediyeen in uu caabuqa karonaa fayrasku sii kordhayo kuna sii faafayo bulshada gudaha degaanka dhinaca bulshadana ay ka muuqato dhayalsi badan iyo taxadar la'aan ayna ugu daran yihiin maamul magalooyinka iyo degmooyinka  Kulanka oo lagu gorfeeyay arimaha caabuqa COVID19 ka ayaa la iskula qaatay. ☆ In la siixoojiyo shaqooyinka ka hortaga oo aan laga caajisin dadaalada ka hortaga iyo xakamaynta cudurka. ☆ In la sii adkeeyo haw

GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYAY MATALAADA GOBOLKA BANAADIR EE AQALKA SARE

GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYAY MATALAADA GOBOLKA BANAADIR EE AQALKA SARE June 27, 2020   admin   Leave a comment Golaha Wakiilada Shacabka ee Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in Gobolka Banaadir uu ku yeesho Aqalka Sare 13 xildhibaan. 142 Xildhibaan ayaa ‘Haa’ ucodaysay halka 4 ay diiday sida uu ku dhawaaqay Gudoomiye Mursal.

Lixdan Guurada Lixdankii: Ma shantaa laba ah, mise labadaa shanba ah?

Lixdan Guurada Lixdankii: Ma shantaa laba ah, mise labadaa shanba ah? ABoobe Yuusuf Ducaale Qoraa iyo wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland 30 Daqiiqadood ka hor Qoraalka sawirka, Xafladdii 26 June ee magaalada Hargeysa Halgan dheeraa, haydaar badnaa oo hub iyo heesba la isku hurgufay dabadii ayay shacbigii Maxmiyaddii Ingiriisku gumeysanayay degganaa soo hooyeen libin la haybinayay. Waa 25kii Juun, sannadkii hoodada lahaa ee Afrika. Waa 60kii oo 60 sannadood laga joogo, munaasabadihii lagu muuneeyay aan xabbad-qaado: Garoonkii u dhawaa malcaamaddii Ina Baraawe (Masaajidka Ibraahin Dheere) ayaa casar la isugu soo baxay. Filib Karal oo gumaysigii ka wakiil ahaa iyo Cigaal oo dawladdii dhalatay hoggaaminayay ayaa joogay. Labadii calan ayaa la is-weydaariyay Timacaddena geeraarkii Kaana sib, Kanna saar ayuu ka tiriyay, Koox reer Scotland ahayd oo Cadan laga keenay ayaa miyuusig tumaysay, Habeennimadii Beerta Xorriyadda ayaa lagu dabbaal-degay saqdii dhexena calankii lagu saaray iyada o

Addis Ababa: Boolis iyo Burcad hubeysan oo isku rasaaseeyey cabdicasiis abiib mohamuud

Addis Ababa: Boolis iyo Burcad hubeysan oo isku rasaaseeyey Saacad ka hor XIGASHADA SAWIRKA, FERERAL POLICE Booliska caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegay burcad hubeysan iyo booliska rasaas ay isweydaarsadeen inuu hal qof ku dhintay hal qofna uu ku dhaawacmay. Boolisku waxay sheegeen burcad hubeysan oo ka koobnaa siddeed xubnood iney weerareen isla-markaana ay dhac u geysteen guri ay degganaayeen muwaaddiniin u dhashay dalka Shiinaha. Guriga ay burcadda dhaca u geysteen oo ku yaallay xaafadda Ruwaandha ee magaalada Addis Ababa waxaa markiba soo gaaray qaar ka mid ah booliska Federaalka dalkaasi. Bolisku marki ay burcadda u sheegeen iney isdhiibaanna ay raggi burcadda ahaa diideen isla-markaana ay booliska rasaas ku fureen sidaasina ay labada dhinac ku dhex martay israsaaseyn xoogaha socotay. Waxaana halkaasi lagu dilay mid ka mid ah raggi burcadda ahaa, mid kalana lagu dhaawacay iyada oo ay 6 ka mid ah burcaddana booliska gacanta ku dhigeen.  Yaa iska leh Webiga Nile -

Soomaaliya ma lahan awood ay uga adkaan karaan Shabaab

Soomaaliya ma lahan awood ay uga adkaan karaan Shabaab AFP Copyright: AFP Ciidammada Soomaaliya waxaa la sheegay in si weyn ay ugu tiirsan yihiin taageerada ay ka helaan dalalka shisheeye Image caption: Ciidammada Soomaaliya waxaa la sheegay in si weyn ay ugu tiirsan yihiin taageerada ay ka helaan dalalka shisheeye Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ciidammada Soomaaliya aysan laheyn awood ay Al Shabaab uga saari karaan deegaannada ay ku xooggan yihiin. 'Dalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay tageerada ay siiyaan dalalka shisheeye gaar ahaan dadaallada ay geliyaan arrimaha amniga' ayaa lagu yiri warbixin ku saabsan howlaha argagixisada sannadka 2019-ka ee uu Mareykanku soo saaray. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in 'Al Shabaab' uu dakhli kasoo galo dhoofinta dhuxusha iyo canshuurta ay qaadaan ganacsatada iyo shacabka' Ururka Al Shabaab ayaa gacanta ku hayaa deegaanno badan oo ka tirsan dalka, waxay sidoo kale weeraro ka geysteen dalka Kenya.