Skip to main content

Posts

Dhaqaalihii ethiopia oo maraya meel uusan waligii gaadhin

  Abiy oo dhaqaalihii Itoobiya Ablay la dhacay   1. Qasnada Itoobiya gidi ahaanba wey madhantahay. 2. In la soo dhoofiyo maacuunta loo baahanyahay waxa qasnadaas madhan laga rabaa $700 milyoon, lamas hayo. 3. Awooda wax soo dajinta Itoobiya kama badna amase ma dhaafsana labaatan beri. Bi macni waxba dibadaha kama soo iibsan karto Itoobiya hadaan loo miciinin.  Hadaba miciinkaasi halkuu ka iman? Waa hawsha Axmed Shida Washington u joogo. Dhawr shir uu lagalay Bankiga Aduunka  iyo IMF, waxa wafdigiisu codsaday in daynta lagu leeyahay loo habeeyo (restructuring. Mareykanka, oo iska leh baananka daynta bixiya ilaa hadeer wey ka caga jiidayaan inu Itoobiya u miciino.  Sabab? Waxa Mareykanku rabaa in uu Abiy gowsaha ka guro isla markaana qab jabiyo si loo keeno miiska wada hadalada iyo in dagaalka Tigre iyo Oromiya ka socda la joojiyo. Xaalku hada waxa uu marayaa Ina Shide oo amar ka sugaya Abiy si u ukala ogaado in la soo dabco iyo in kale.  Alxaasil xaalka Itoobiya ma fiicna. Tolow Axmed s
Recent posts

Itoobiya oo Hubka Ka Dhigtay Ciidamada Tigreega Kasoo Jeeda Ee Somalia&S,Sudan Ku Sugan

  Itoobiya oo Hubka Ka Dhigtay Ciidamada Tigreega Kasoo Jeeda Ee Somalia&S,Sudan Ku Sugan November 25, 2020   admin Tuliguuleed news. Sida ay baahisay aljazeera English, wasaarada gaashaandhiga itoobiya ayaa hubka ka dhigtay dhamaan xubnaha asal ahaan kasoo jeeda qoomiyada tigreega ee qaybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta ujooga Somalia iyo S,sudan. Dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya ee udhexeeya xoogaga tigreega iyo dawlada dhexe ee itoobiya ayaa sababay in xukuumada PM Abiy Ahmed ay shaqada ka joojiso dhamaan dadka asal ahaan kasoo jeeda qoomiyada tigreega ee ka hawlagala xafiisyada kala duwan ee dawlada iyo ciidamada federaal booliska iyo milatariga. Talaabadan ayaa ah mid xukuumada dhexe ay ku yaraynayso saamaynta ay keeni karaan xubnaha qoomiyadaasi ee ku dhexjira nidaamka dawlada. Dhankakale beesha caalamka ayaa siwayn u cambaaraysay talaabadan oo ay saxaafada qaarkeed ku tilmaamayso mid isir beegsi ku salaysan. Dadka siyaasada faaleeya ayaa dood badan ka qaba natiijada ay

Maxaa dhaliyay qaraxii weynaa ee ruxay Beyrut?

Maxaa dhaliyay qaraxii weynaa ee ruxay Beyrut? 6 Saacadood ka hor XIGASHADA SAWIRKA, EPA Qoraalka sawirka, Qaraxa ayaa burburiyay qeybo badan oo kamid ah Beyrut Lubnaan ayaa gashay xaalad murugo ah, kadib markii qarax weyn oo ka dhacay caasimadda Beyrut uu dilay ugu yaraan 78 qof, halka dhaawacuna ka badan yahay 4,000. Qaraxa oo ka dhacay dekadda magaalada ayaa ruxay caasimadda oo dhan. Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah. Cisbitaaladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, waxaana qaraxa uu gebi ahaanba dhulka dhigay dhismayaal badan. Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta tegay ayaa sheegay in meydad badan oo halkaa yaallay iyo burburka dhismayaasha ay ka dhigeen dekadda magaaladaasi mid aan la geli karin. Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi u ah Lubnaan, iyadoo dhaqaale xumida taagan ay sii kala fogeysay bulshada. Sidoo kale, Jimcaha ayaa la filayaa in maxk

Biya Xidheenka GERD oo Lasheegay Inay Biyo Badani Galeen.

B iyo xidheenka gerd oo lasheegayo inay biyo badani galeen July 14, 2020   admin Tuliguuleed|NEWS sawiro lagu qaaday aalada Satelliteka ayaa muujinaya in biyo xidheenka muranka badan dhaliyay ee itoobiya ka dhisayso Wabiga Nile ay biyo badani gudihiisa galeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in arintani ay muujinayso in itoobiya bilawday buuxinta muga biya xidheenka halka qaar kalana ay tibaaxayaan inay sababtay roobab mahiigaana oo dhulkaasi buuralayda ah ka da,ay. Wadahadalo 11 bari socday oo u dhexeeyay itoobiya, masar iyo sudan ayaan wax guul ah laga gaadhin sida uu sheegay wasiirka biyaha iyo tamarta itoobiya Eng. Seleshi. Wasiirka arimaha dibada Masar  Sameh Shoukry oo saxaafada wadankaasi lahadlay ayaa sheegay in masar ay ku qasbantahay inay jawaab ka bixiso talaabokasta oo yaraynaysa qulqulka biyaha wabiga ee masar gaadha. Lama oga sida uu xaalka masar, itoobiya iyo sudan ku danbayn doono.

MASAR OO BOOQASHO QARSOODI AH KUTIMID SOMALILAND

MASAR OO BOOQASHO QARSOODI AH KUTIMID SOMALILAND July 14, 2020   admin   Leave a comment Hargeysa(RNN) – Wafti kasocda dalka Masar ayaa todobaadkan soo gaadhay Somaliland kuwaasi oo lakulmay saraakiil katirsan xukuumada Somaliland. Socdaalka waftigan oo aan lashaacinin ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili uu muran adag ka taagan yahay xaalada wabiga Nile ee udhexeeya Itoobiya iyo Masar. Khaalid Foodhaadhi

DEEGAANKA OROMADA IYO XAALADII UDANBAYSAY

DEEGAANKA OROMADA IYO XAALADII UDANBAYSAY July 12, 2020   admin   Leave a comment Dhalinyarada Oromada ee Qeerroo ayaa maanta sheegay inay sidii loogu talagalay usocdaan shaqo joojintii ay ku dhawaaqeen meelaha qaarna in awood loo adeegsaday ayay sheegeen. Dawlada dhexe ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay inay badi xakameeyeen qul-qulatooyinkii dalka ka aloosnaa islamarkaana ay wax kasta sidoodii yihiin. Dhanka kale, khasaaraha guud ee magaalada Shashamane ayaa lashaaciyay, waxaana ku burburay 89 Huteel, 249 Guri, 72 gaadhi iyo waliba 36 Bajaaj oo lagubay. Waa inta ay dawladu sheegtay ee in khasaaruhu intaas aad uga badan yahay ayaa lawarinayaa. W-q: Macalinka Soomaaliyeed

ABIY AXMED OO AF LABADII DHAWAAQAYA

ABIY AXMED OO AF LABADII DHAWAAQAYA July 7, 2020   admin   Leave a comment Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo maanta lahadlayay baarlamaanka dalka ayaa sheegay inuu dalku imtixaan adag ku jiro. Abiy ayaa yidhi mar uu dhanka doorashada ka hadlayay “Karoonaha kahor Xisbiga Barwaaqo doorasho ayuu diyaar u ahaa, balse markii dib loo dhigay ayay kuwii asalkoodu iska mucaaradka ahaa oon ogolaadeen haddii la qaban lahaa doorashada ayaa hadana qaylinaya.” Abiy ayaa sheegay inay dadka qaar leeyihiin Oromo kama dhalanin, wuxuu sidoo kale sheegay in si lamid ah Obama lagu yidhi Maraykanka muusan udhalanin. “Hadaan noqon waayo oromo midka igu xigana Oromo ma aha unbay odhanayaan” ayuu yidhi Abiy. Dalka Itoobiya ayuu ilaa hada dilkii Haacaalu Hundessaa internetku ka go’anyahay kadib markii kacdoon lama filaan ahi ka dhashay dilkii Haacaaluu oo dhacay 29kii June. Hay’adaha Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa walaac badan ka muujiyay internetka ilaa hadda go’an. Oromada dalk