Skip to main content


Walaalayaal, waa lagama maarmaan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Eebbe (sw) waafajiyo inuu gaaro bisha ramadaan, sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno nimcadaan uu nasiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan.
Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba haleelay bisha ramadaanka, hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa’iideystaan!! Allaahow khayrkaaga hanaga xarimin… aamiin aamin aamin.
Walaalaha Muslimiinta:
Waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa kalmado kooban oo kusaabsan soo dhawaynta bisha ramadaan, anago rajaynayna inuu Allaah nagu anfaco sawaabkana nawaafajiyo, nagana dhigo kuwii laga aqbalo soonkooda iyo salaadoona, naartana looga xoreeyo anaga iyo waalidkeenba.. aamiin aamin. Wuxuu Rasuulka (scw)ugu bishaarayn jiray muslimiinta dhalashada bisha ramadaan, sida uu werinayo Imaamu Dhabari, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa markay timaaddo bisha Rajab kii yiraahda “Alloow noo barakeey Rajab iyo Shacbaan, waxaadna na gaarsiisaa ramadaan-ka”.
Dadaalkii Rasuulka (scw) ee Ramadaanka
Caa’isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo noo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tiri “ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka (scw) ka tagi jirin.
Haddii uu xanuunsan yahay ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray”. Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaaro ramadaanka, saxaabadana waxay ahaayeen kuwa kaga shidaal qaata sunnadaas.
Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yiri xaddiis macnihiisu ahaa: “waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan bishaas waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xiraa albaabada Naarta, waxaa la xiraa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeen, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay”.
Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraatkeeda, oo aan gadaal danbe aanan uga qoomamayn.
Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa inaynu bishaan kheyrka badan aan ku qaabilno towbad badan, qur’aan aqris badan, salaad badan, baarifalka iyo samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xiriirka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Eebbe (swt) raalliga ka yahay. Bisha ramadaan waa bishii naxariista.
Waa bishii denbi dhaafka badneyd. Waa bisha la iska xorreeyo naarta Lama koobi karo fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suubban ay baryayaan Rabbi (sw).
Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya arrintan “hadduu addoonkayga xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanayo” aayadda 186 suuradda Al-Baqara.
Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka (scw) yiri “seddex ducadooda lama celiyo”, waxayna saddexdaas kala
yihiin:
1- Qofka sooman markuu afurayo,
2- Imaamka caadilka ah iyo
3- Qofka la dulmiyay habaarkiisa”.
Deeqsinimada iyo soonka
Walaalayaal, sidoo kale bisha ramadaan waa bil caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yiri “Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray qur’aanka”.
Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yiri “waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw) dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan.
Ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan. Wuxuu Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa Waa fadli aad u weyn.
LAYLATUL QADAR: Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu Eebbe (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo aan habeenkaas la cayimin habeenka ay ku beegan tahay, haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa’iideystaan fadliga ramadaanka.
BAABU RAYAAN:
Walaalayaal, cibaadada Soonka wuxuu qofka dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada, kaasoo loogu magacdaray Rayyaan.
Saxaabiga la yiraahdo Sahal Binu Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh “waxaa jannada dhexdeeda ahaaday irid la yiraahdo Rayyaan, iridkaas ayeey dadkii soomanaa ka soo galayaan maalinta qiyaamaha, qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la oranayaa aaway dadkii soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo galayo”.
GUNAANAD
Walaalayaal haddaba markaan aragnay faa’idoonyinka bishan barakeysan waxaa lama huraan ah in aan ka faa’ideysano kheyraadka badan oo bishaan.
Waxaan Allah swt ka baryaynaa inoo ka dhigo camal mid raali ahaanshaha wejigiisa lagu raadsho, nagana aqbalo camalkeena midkiisa saalixa ah.

Waxaana dhamaan idin leenahay Ramadaan Kariim.

Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l