Skip to main content

sifooyinka qofka wanaagsan lagu garto

9 Sifo Oo Lagu Garto Qofka Dabeecada Wanaagsan

Hordhac:

Si aad u noqoto qof wanaagsan waxa ay ku xirantahay isbadalo ku yimaada noloshaada, isbadalka waxaa lagu macneeyaa koritaanka iyo hormarka shaqsiga uu noloshiisa ka gaaro si uu u noqdo qof wanaagsan. Waxaa jira in dad badan ay ka soo horjeedaan isbadalada noloshiisa ka dhaca sidaas ay tahayna waxay ka dhigantahay in aysan noloshiisa korin ama hormarin.
Hoos waxan ku xusidonaa qormo ama Maqaal ku sabsan dabeecada uu lee yahay qofka wanaagsan ama laga rabo in uu yeesho

1. Ma tahay qof rajeynaya is badalo

Si aad u noqoto qof wanaagsan waxa ay ku xirantahay isbadalo ku yimaada noloshaada, isbadalka waxaa lagu macneeyaa koritaanka iyo hormarka shaqsiga uu noloshiisa ka gaaro si uu u noqdo qof wanaagsan. Waxaa jira in dad badan ay ka soo horjeedaan isbadalada noloshiisa ka dhaca sidaas ay tahayna waxay ka dhigantahay in aysan noloshiisa korin ama hormarin.

2. Waxaad joojisaa qaladaadka marwalba kaa dhaca oo aad ku tiraahdo “iga raalinoqo”

Qoraha maqaalkaan waxa uu leeyahay waxaan ahaay waqtigii iigu horeeysay ee aan Company u shaqeeyo mid ku eedeeya qaladaadkayga dadka kale sida macaamiisha ama dadka kale ee shaqada ku lug leh, si kastoo ahaataba waligeey isma aanan edeynin nafsad ahaanteeda sheyda aan qalad ahaanta u sameeyay.
Halkaas iyada ah waxaan ka bartay cashar ah qaadashada masuuliyadda qaladaad kaaga in ay tahay sheey si aad ah u muhiimsan, waxaan joojiyay qaladaadka marwalba iga dhaca oo aan ku dhihi jiray iga raalinoqo ama aan dadka kale ku edeyn jiray masuuliyadiisa, waxaana taa ku helay hormar dhanka nolosheyda ah oo aan ku noqday qof aad u wanaagsan.

3. Waxaad joojisaa xanaaqa ama carada

Dad farabadan ayaa waxa ay yihiin ku aad u carobadan kuna deg dega qaadashada go’aamada, waxaan ahaay qof ku soo barbaaray caro badan laakiin sheyga kaliya ee aan arkay waxa ay aheyd in ay wax weyn iska dhimeyn xiriirka wanaagsanaa ee aan la lahaay dadka kale waxaana kor igu kici jiray cadaadiska dhiiga.
Sidaas darteed qoraha maqaalkaan waxa uu leeyahay xakameynta carada saa’idka ah waa mid ku adag dadka badankiisa, laakiin waa mid aad ugu faa’iido badan dadka in ay iska yareeyaan. Si naad u noqoto qof wanaagsan waxaa kuu haboon in aad iska yareyso carada saa’idka ah.

4. Noqo qof dadka ay ku deysadaan

Mararka qaar waxa aad u baahantahay in aad noqoto qof ay dadka ku deysadaan waxa aad sameynayso, mar hadii aan noqdo qof curiya ganacsi waxaa jira in dad badan ay kula soo galayaan wixii aad soo hindistay taasina waa ku dayasho, laakiin qofkiin ma isweydiiyaa waxaad noqotaa qofkii ay dadka ku dayan lahaayeen? Hadii ay jawaabta maya tahay hadda isku day in aad noqoto qof dadka badankiisa ay ku daydaan si aad u noqoto qof aad u wanaagsan.

5. Saamax (iska cafi) dadka kale

Way adagtahay in qof noloshaada dhib u geystay aad saamaxdo, hase yeeshee u dhimrinta qof qalad kaa galay waxa ay keentaa labo faa’iido oo ah in aad hesho badal qeyrqaba oo xagga rabbi ka ahaatay iyo in uu qofkii dhib kuu geystay ku waana qaato waana dariiqadda ugu fiican ee uu qofka ku noqon karo qof aad u wanaagsan.

6. Dhageyso dadka

Dadka badankooda ayaa ah kuwa ku mashquulsan shaqadooda, qoysaskooda iyo noloshooda, waxaana uu qofkasta yahay mid deg deg ku jira sidaas oo ay tahay waxa aad u yar in dadka ay waqti siiyaan ay ku dhageystaan dadka kale.
Qoraha maqaalkaan ayaa waxa uu leeyahay waxaan ka bartay cashar dhageysiga dadka iyo siinta qof walba in uu codkiisa muujiyo waxa ay tahay sheey aad u qaali ah ee uu qof sameyn karo si uu u noqodo qof aad u wanaagsan.

7. Ahaaw qof daacad ah

Waxaa ah mid aad u adag in la arko qof daacad ah maalimihii dambe, sidaas darteed daacadnimada waa shey uu qofka ku helaayo samafal wanaagsan oo uu ku gaari karo hormar la taaban karo.
Qoraha maqaalkaan ayaa waxa uu leeyahay daacadnimada qofka waa qeyb ka mid ah wax yaabaha aadka u wanaagsan oo ay dadka kale ku tilmaamaan qof leh suuradaas qofka ugu wanaagsan dadka kale taasina waxa ay qeyb ka noqoneysaa in aad gaarto ama noqoto qof aad u wanaagsan.

8. Waxaad sameysaa sheey wanagsan oo aadan dooneyn in aad qabato

Sameynta shey aad u wanaagsan oo aadan dooneyn in aad fasho waxa ay keeni kartaa in aad gaarto ahaanshaha qof aad u wanaagsan, in aad naftaada ka ilaaliso qatarta misana aad qabato wax aduun iyo aaqiro kuu wanaagsan waa waxa aad maalin maalmaha ka mid ah aad heli doonto mag dhawgiisa,
Sidaas awadeed ahaaw in aad daa’into sameynta sheeyada aadka u wanaagsan si aad u noqoto qof aad u wanaagsan.

9. Ma layaabtay waxa uu qof si qaas ah u sameeyay oo wanaagsan?

Qoraha maqaalkaan waxa uu leeyahay noloshaada wali ma jeclaatay waxa uu si qaas ah u sameeyay qof ka mid ah qoyskaaga iyo saaxiibadaada hadii ay jawaabta haa tahay waa sheey wanaagsan balse hadii ay tahay maya waxaad ogsoonaataa in ay kaa maqantahay shey ka mid ah sheeyada aad ku noqo karto qof aad u wanaagsan maxaa yeelay in aad ka maseyrto waxa ay sameeyaan dadka kale oo ah sheeyada wanaagsan waa kuwa aad ku gaari kartid in aad sameyso aadna ku noqoto qof aad u wanaagsan.
9 –kaan siyaabood in aad gaari karto hamigaaga ku aadan in aad ahaato qof aad u wanaagsan waqtiga kiisa dhaw iyo kiisa fog

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l