Skip to main content

geeraaar jacayl ah

  1.  Dadka taan ka doortaay Dareenkii wadnahayga

Diirkii jirkeygaay
Dooqeygu tuu raacaay
Waxaan kuu soo dirayaa
Salaan daacad ahoo debecsa
Diiranoo duunyoo idil iyo
Doolarka ka qaalisan
Oo dubka sareetiyo
Halbowlaha dacaladiisiyo
Ku dahaaran qalbiga
Oo diiwaanka wadnihiyo
Ku daboolan caloosha
Ee adigana ha daayicinoo
Haygu sii deynin duurkee
I daryeel macaaneey
Daa’inkii ina uumayna
Waxaan kaaga dalbayaa
Deeq inuu ku siiyiyo
Caafimaad derejo leh
Intaa dabadeed aan
Aan iska dabro salaantoo
Aan usoo daadago
Dulucdiyo ujeedada
Inanyahay dartaa baan
Duhur iyo habeen
Hurdadii u diiday
Anfacadiinna u daayay
Jaceyl bey duufsadoo
Duufaannada waxqaadiyo
Igu diray dabeylaha
Ee intaanan dulloobinoon
Duurka gelin
Idugaaliyoo idaawee
Ila duubo gacalooy
………………………………………..
Dooqiyo jaceylkuba
Dadka wey wadaagaan
Damac iyo xishoodna
Dumar lagama waayo
Diintiyo qur’aankuna
Culimadu ma deyso
Anna doonistaadii
Kama daallin inanyahay
Inaan kuu dandaranahay
Adba waad dareentaye
Maad ila dadaashid?
Cowsha duurka joogtiyo
Dugaagiyo waraabahaan
Maalmahan la deris noqday
Waan daahayaayoon
Waan duulayaayoon
Adiga kuu duleysnahay
Degenaanshihii diidayoo
Cishqi kale igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin
Ama dooqu xumi gelin
Maxayna kala dareershay?
Waranka duxdiisiyo
Waxa adiga kuu daran
Anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
Sida wiirada duushoo
Geedaha dushooda
Marna aan ku degin baan
Nasashadii u diiday
muddo waan dulqaatay
Samir waan ku daallay
Dooddeenii maratay
Ruux inoo daneeyoo
Nabaddeenna doonoo
Cishqigeenna daryeelaan
Dunidaba ka waayee
Dib makuu helaayaa?
……………………………………
Baaxad dhaaf salaaniyo
bur jacayl malaboo
bogga iyo laabtiyo
Sambabada i buuxshoo
Badan oo balaaran
u buseelay iha hoo.
Bilaw weeyee iga qaad
Waa bishaaree Barqadayso
Wixii Baadiyeeyiyo
Balo aan ka dhawree
Basar ii dhagayso
Waan bukaa Xabiibi
Waa bastaye ma ogtahay
Beer iguma yaaloo
Adigay gala baxay
Bilcaan kale ma eegoo
Adaa ii baxaayee
Bishimahayga hadal iyo
Baashaal waan ka reeboo
Adaa ii baxaayee
Bisinkee xageen tagi?
Ba’da kale waxaan idhi
Balan aan ku siiyo
Axdi aan ku buuxshoo
Bar-baar kale ha eegin
Shaydaani burcad kuu marin
haka bixin aftida
Iftiin weeye baxayoo
Jirid weeye aan balaarane
Biqil weeye baqay hadeere
una badi waraabkoo
Baal mari shimbirtu
Waa ay baaburine
Oo abaayo ha bur burin jacaylka>
Fiiro Gaara.
Dulimada wax dila iyo
Dugaagiyo qaniinkiyo
Dira diraha iyo midka
Kala dila dadka is jecel
Ka digtoonoow daaniga
Daadihi oo ha sii dayn
Ka ilaali darayada
hadba kaynta daaqa leh
ku sii daa yuuna diifine
kana daa dudmada
Dagal nooma noqotee
Soo Dadaji Jawaabtana
. ………….
. ………….
Ubaxeey kal gacalkii
kaydka igu ahaabaa
kooraha isaaroo
ikadeeday anigee
…..
Sida roob kaliil da’aay
Kaymahoo isdhaafaay
Kaalintii ilayskiyo
Kaahii aayahaygaay
…….
Naftaydaad kafaysaa
Kashaydaad Dawaysaa
Kufkaygiina waad tahay
Kugu reemay Uabaxeey
………
Kooraan jiita aadmiga
Dabci aan la kohanayn
Koonka ugu sareeyiyo
Ubax koodhay Dumarkaa
………
Kaalmaynta Dariskiyo
Kadabkaa xalaasha ah
Waalidkeedii koriyey
Kawaddaa Karaamada
,……..
Naftaydaad kafaysaa
Kashaydaad Dawaysaa
Kufkaygiina waad Tahay
Kugu reemay Ubaxeey
…………………………….
…………………….
Gabdhihii Ambiyadiyo
ka sokoow asxaabtii
Raxmooy adiga oo kale
Ifka hooyo mey dhalin
uur laguma soo sidin
lamma soo abaabibnin
Aabba muu gardaadinin
ragna Arad ummey noqon
timmaheeda muu arag
araxdeeda muu dhugan
Abwaan caashaq lamma jilin
ugaasooy kummuu oran
habeen muu agjiifanin
umma uu abaalgudin
Abboowana kummey dhihin,
ammaantaada gacalooy
ma idleynkaraayee
Alloow aadan iil tagin
innagoon aroosgalin
Oorideyda aad noqon.
Ina-Aadan Deeqeey
qurux aabbaheedeey
indha-caashaqleeyeey
ayaan iyo nin hood lahaad
Raxmooy ubad u qaaddaa
ood Arad xalaal iyo
ilmasida u noqotaa,
aqal kaala toosaa
ballantaada oofshoo
immin dhexe habeenkii
timmahaaga alabsadee
oofaha ku seexdeen
naasaha ibtoodiyo
kuu salaaxa oogadoo
adoo godol u agabdhigay
neeftaada udugga leh
sidii ila durdurayaan
afkiisii ka buuxsada,
ujeeddadu waxey tahay
jacayl baa i abbaaroo
Raxmooy aawadaa baan
dummar uga agaagee
eraygeynu dhiganniyo
axdigii ha eexanin
Alloow aadan iil tagin
innagoon aroosgalin
Oorideyda aad noqon
1. Xumaan iyo nabsi
ruux xambaarsaday
xashaash ku noolaan
maayo, xaqdaro nin
ku dhaqmaayo
xakinkaa arkaayo
xaqiiqdii guul ma
gaaraayo, xiliga
maanta la joogana
xaalka aduun yaalo
xifaalo malaha xili
leys xisaabinaayo
xabaasha aaqiro
waaye ee xiskiina ku haaya.
2. Dunidaan dabjirkeeda
dayaxa laalaayo,
dunidaan da’yarteeda
dagaalka loo carbinaayo,
dunidaan duqowdeeda
nabada aan doonayn,
dunidaan labadii is doorato
dakano layskugu diidaayo
dabkeeda ma yara,
ana inaan daacad kuu ahay
marna aanan ku dageynin
damiirkaada u sheeg,
wadnaheyga dushiisa iyo
beerkeyga dacaladiisaan
darin kuugu dul fidinayaa
dareen la’ aan ku dul seexo
, hadaadan intaas ku daganeynin
laabtaada sii danqaneyso
dartaa waalidkeyga ha ii dilo
ama duhurkaan ha ii
deyrsho
deg deg daartaada igu geyso.
3. Taariikhdaada nolosheyda
kama tirmeyso ee talaahi
aan ku dhaartay talaabkastoo
aan qaado adigaan ku
towaa taajkii arooskaaga
tabaabusheysigiisa aan ku
jiraa ee taajirnimo iima
laabnee toosaneey
taladeena waa toostee
tacab shiid waa ka baxnee.
4. Ma jiraa jaceyloo?
Ma jiraa jaceyloo,
qofaad waanisoo
wehel aad kadhigatooa
warkiisa aad raacdoo
waji aan wacneyn
wax tar kaaga dhiga?.
Ma jiraa jaceyloo
qoraaf saad satoo
saadir aad katuugtoo
suubanaantii caashaqa
samaantii jaceylka
midna aan kusiin?
Ma jiraa jiraa jaceyloo
qofaad jamatoo
jirkaaga moodoo
aan jiirnaxaynoo
jiriricyo jaceyl
midna aan u jeedin?
Ma jiraa jaceyloo
qofaan kuu naxaynoo
naftaada moodoo
nuurkii caashaqa iyo
naxariistii jaceylka
midna aan ku siin
Ma jiraa jaceyloo
qofaad qiima wacan&
qaayo wacan u yeeshoo
hadana aan kuu qireyn?
5. Sahal maahan caashaqa
hadaan lagula sideynin
sibir waaka qaraar yahay
samada iyo dhulka
dhaxdooda saan qaadku
badanaa samirkuna
wacanaa silsilad waaye
dunidaane hadba si
kugu soo mareyso,
sifaalaha nikaaxa sifahiisa
furiin maxaa ka dhigay?.
6. Dadaal aduunyo iyo
dulqaad dib umaan
dhigin damac daranaa
dusha leyga saaray
daaraha dushoodbaa
dahab ley suray,
dad kulul aan danqasho
laheyn dooqaaga
haduu galo dad looma
eedsado, daahirii
rasuulkeena iyo daa’inkii
na abuurtaan dartood



Comments

Popular posts from this blog

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l