Skip to main content

Dilkii Haajaalu maxaa kasoo kordhay?!





Dilkii Haajaalu maxaa kasoo kordhay?!

Waxaa hadlay dhawr masuul 
1•police ka Addis Ababa ayaa hadlay oo sheegay in baadhitaan Ku wadaan sidii ay xaqiiqada u heli lahaayeen iyo cidii dilkan ka danbaysay.
-2•Abiye Ahmed ayaa aad u amaanay ninka dhintay 
Isla markaana sheegay in uu sugayo Kuna go,aan qaadan doono xogta ay laamaha Amnigu soo gudbiyaan baadhitanada lawado kadib 
Wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay is dajiyaan .

3•waxaa hadlay madaxweynaha deegaanka oromada oo sheegay in already lasoo qabtay waar lagu tuhmayo in ay dilka Ku luglahaayeen ,
Wuxuu sheegay dilkan uu ahaa mid lasoo maleegay aadna looso qorsheeyey wuxuu raaciyay in dilkan aan si fudud uun looga gudbi doonin ee la iskaga danbayn doono,
Wuxuu fanaanka dhintay Ku tilmaamay hogaamiye karti leh oo isaga u ahaa walaal la taliya.

4•waxaa kaloo hadashay xeer ilaaliyaha guud ee dalka oo sheegtay in sharciga la horkeenid doono cid walboo Ku lug leh falkan ,

Dhanka shacabka 
~~~~~~~~~~~~~

Shacabka oromada ayaa saacadan aan qoraalkan qorayo oo wakhti danbe ah banaan baxyo ka wada meelo ka tursan Addis Ababa 
Waxaa hubaal ah in ay Ethiopia fawdo horleh gali doonto .

Maydka haajaalu waxaa loo qaadi doona deegaanka oromada isla caawa oo Addis Ababa laguma aadi doono sida aan xog Ku helay .

Dhamaan masuuliinta hadashay iyo kuwa hadli doonaba ujeedkeedu Waa shacab dajin uun .

Dilkan ayaa ka danbeeyey ? 
Anigu waxaan qabaa in ay dawlada federal Ku ma maqnayn falkan 
Waayo fanaanka dhintay wuxuu Ku xisaabsanaa kooxda jawar Mohamed ,
Maalmo ka hor uunbay ahayd markii uu fanaankan waraysi dhinacya badan taabanaya siiyay TV Jawar Mohammed ee la dhaho OMN .

Kolay mustsfe Wuu hadli doonaa isaguna wuxuu na dhihi doonaa tigreegaa Dilay 😄
Isaga dhankiisa wixii gudaha ah soomaalida ka dhaca waxaa ka danbeeyey heego 
Wixii deegaanka ka baxsanna tigreega.
Wixii wanaag ah ee soo kordha axmaara ka danbaysay .
Wixii isaga mucaarada Waa dhuuni raadis iyo xil raadis.
Wixii isaga taageersan Waa geesi
Wixii kasoo horjeedana Waa mujrim .
Waa formula isaga u gaar ah .

Sidaa awgeed berri iska suga in uu dhaho tigreega dilay haajaalu.
Wabilaahi tawfiiq 

Cabdisalam sheekh xasan 
Midnimo web TV

Comments

Popular posts from this blog

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

Warqad jacayl ah

Waan jeclahay wax walbo oo dhankaaga ka yimaada, xiisaha fariimaheena jaceylkana waxa ay sal xoogan u yeelayaan jaceylka ugubka ah ee aragtida ku koraya. Ma ogtahay Macaan badaney in Qalbiga uusan ogoleyn in uu qanco haduu kaa waayo hawada ay Nafta ku neefsaneyso, i aamin olol caashaq iyo iftiin la’aan ayaan ku suganahay. Xitaa hadii aan si kasto isku dagaalno waxaa kuu baahan nafta oo aad dawo iyo dugsi u tahay. Ma ogtahay nafteydaay in holaca qalbigeyga ka shidan qofka keliya ee demin kara aad adigu tahay, Mase la socotaa in codkaagu uu ii furo sameecadaha maqalka dhagaheyga. katimi aniga  kusocota aniga. ........