Skip to main content

Posts

Calaamadaha Lau Garto Qofka Jaceylka Dhabta Ahi Haayo W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

DHIBAATADA CABIDDA SIGAARKA ULEEYAHAY JIRKA(tuli-guuleed news

H alkaan waxaan jeclahay inaan uga hadalno  dhibaatada sigaarka cabidiisa uleeyahay jirka bani-adamka  . Ilaahay subxaanahu wa tacaala markuu xaraantimeeyay cabida daroogada sida sigaarka iyo jaadka uma uu xaraamaynin ilaa uu u naxayo adoomadiisa sababtuna ay tahay in daroogadu ay waxyeelo daran u geysato xubnaha jirka qofka isticmaala . Cabidda sigaarka waxay waxyeelo u gaysataa xubin kasta oo jirka kamid ah waxaana ugu horreya waa afka iyo ilkaha lagu cabaayo sigaarka . Qiiqa ka imaanaya cabida sigaarka waxay marka ugu horeysa waxyeelo u gaysanaysaa ilkaha kaas oo dahaarka kore ee ilkaha u gaysanayso baab’a iyo madow ku sameeysma ilkaha kadibna ciridka ku keena caabuq iyo jeermis farabadan  , markays ii badato waxyeeladu ay sigaarku u gaysanaayo afka iyo ilkaha ayaa halkaas waxaa ka dhalanaya cudurka kansarka oo ku dhaca carabka iyo bushimaha gudaha iyo banaankeda , wuxuuna keenaya cudurka inuu sii faafo oo kansarka sii waynaado ilaa uu gaaro heer qofku raashin qaadashadiisa

Waa kuwama Maxramka Xididka ku yim aada? Dumaashigu ma maxrambaa? W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

Waysadu miyey ku jabaysaa taabashad a Dumarka? W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

QABYAALADA IYO RAAD XUMADEEDA W/Q CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Ereyada qabyaalad iyo qabiil ayaa had iyo jeer qeexidooda amma kala saaridooda  lays ku qaldaa amma inta si uu taqaanaa si fiican loo kala aqoon, bal haddaba haddii aan isku  day o ta qabiil. Qabiil ayaa ah isir, farac, abtirsiimo, ka soo bilaabanta aabbo, awow iyo awowyadii ka sii horreeye, waanna hab-qurux badan, marka laga eego caddaynta qofka ee ah tii qofka lagu dhalay hab-xalaal ah oo aan muran iyo marag-madoon ah oo dhaxla magacii  aabbihii. Alleh (SW) wuxuu aayaadkiisa mid ka mid ah innoogu mana sheegtay oo yidhi; “Waxaan idinka dhigay qabiilo si aad isugu gartaan.” Haddaba iyadoo sida saxda ah ay tahay  sid aa, ayaa haddana waxa ku hoos jira xigmado intaa ka sii weyn oo ay ka dhashaan isu naxarisasho iyo isqadarin laysugu hayo qabiilka cidda wadata magaciisa. Sidoo kale hooyo walbaaba ku dedaasho in ay ilmaheeda u hesho aabbo wanaagsan si uu mansab iyo magacba uu uga dhaxlo aabbihii, taana waxa ka dhalata dhowrsanaan dumar oo sharaftii qoyskooana ilaaliso ilaa heer bulsho. B

Akhriska iyo Faa’iidadiisa W/Q: cabdicasiis abiib mohamuud

Waxbarashadda nooc walba ay leedahay, hadday tahay barashadda Afafka , Xisaabta iyo Sayniska waxa ay kaaga xidhan yihiin wax akhriska. Cilmigu wuxu ku kaydsan yahay buugta sida kaliya ee aad kala soo dhex bixi karto Aqoontaa ku duugan buugaagta waa adiga oo akhris badan sameeya Akhris la’aantii wax ma baranaysid , aqoontaad leedahay waxay ku xidhan tahay kolba inta aad akhriday, inta aad akhriday ayaad taqaan. Akhrisku waa nafaqadda la siiyo maskaxda bini’aadamka, akhrisku wuxu balaadhiyaa garaadka, garashadda iyo qofka. Haddii cuntadu jidhka quudiso, akhriskuna wuxu kobciyaa caqliga iyo fahanka qofka. Fa’iidooyinka akhrisku leeyahay iyada oo aan la soo koobi karin bal aan dhawr ka sheegno. Akhrisku wuxu ka jarayaa dabaradda jahliga iyo gaajadda, marba marka ka danbaysa ee aad wax-akhridid waxa ka sii baxaysaa jaahilnimaddii aad maxbuuska u ahayd.  Hanashadda akhriska waxa ay qofka ka xoraysaa cidhiidhiga dhuleed iyo wakhti, oo qofka dhul badan oo uuna gaadheen ay