Skip to main content

Posts

Xukuumada DDSI Oo Deeq Raashin Ah Iyo Agab kale Oo kaladuwan Ugu Deeqday Bulshadii Uu saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeele ee Deg Qalafo

qalaafo(tuliguuleed news)Khamiis 3da May 2018. xukuumada DDSI ayaa deeq isugu jirta raashin iyo agabkale gaadhsiisay qaarkamid ah bulshada kudhaqan degmada qalaafo kuwaas oo uu saamayn kuyeeshay fatahaadii wabiga shabeele islamarkaana uu fatahaada wabigu kasoo barakiciyay goobihii ay dagnaayeen. Iyadoo deeqdanina ay isugujirtay qaarkamid ah noocyada raashinka ah ee sida bur bariis qamadi iyo sonkor iyo waliba agabkale oo kala ah shiraacyo iyo weelasha cuntada. Hadaba, gargaarkan xukuumadu ugu deeqday bulshadaas ayaa waxaa warbaahinta uga waramay  Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Ahna Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Qalaafo Mudane Maxamed Cumar Axmed  oo sheegay in maanta ay bulshada u qaybinayaan deeq raashin ah oo ay xukuumadu soo gaadhsiisay islamarkaana ka kooban bur, bariis, qamandi iyo sonkor. Iyo waliba agab kale oo kala ah shiraacyo iyo weelasha cuntada. Wuxuuna xusay in xukuumada DDSI ay jawaab degdeg ah kasoobixisay bulshadan uu saameeyay fatahaada wabigu islamarkaana xi

macagaabis cusub (tuliguuleed news

jigjiga (tuliguuleednew)Khamiis, 3da May 2018. Waxaa  Maayorka Maamulka Magaalada Qabribayax Loo Magacaabay Mudane Mukhtaar Maxamed Cabdi  oo ah xildhibaan heer deegaan ah islamarkaana leh khibrad iyo aqoon heersare ah Sidookale  Waxaa Xilka Maayornimo Ee Maamulka Magaalada Tog-Wajaale Loo Magacaabay Marwo Ubax Rabiic Sh Maxamed . Oo ah muwaadimad u dhalatay deegaanka islamarkaana leh khibrad iyo aqoonsare oo culuumta maamulka ah. Hadaba, masuuliyiintan loo magacaabay maayorada magaalooyinka qabribayax iyo wajaale oo leh khibrad iyo aqoonta hogaamiyanimo ayaa waxaa loo rajaynayaa in xilka iyo waajibaadka loo idmaday ay si daacad ah oo wadaniyadi kudheehan tahay uga soo bixi doonaan.

Calaamadaha Lau Garto Qofka Jaceylka Dhabta Ahi Haayo W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

DHIBAATADA CABIDDA SIGAARKA ULEEYAHAY JIRKA(tuli-guuleed news

H alkaan waxaan jeclahay inaan uga hadalno  dhibaatada sigaarka cabidiisa uleeyahay jirka bani-adamka  . Ilaahay subxaanahu wa tacaala markuu xaraantimeeyay cabida daroogada sida sigaarka iyo jaadka uma uu xaraamaynin ilaa uu u naxayo adoomadiisa sababtuna ay tahay in daroogadu ay waxyeelo daran u geysato xubnaha jirka qofka isticmaala . Cabidda sigaarka waxay waxyeelo u gaysataa xubin kasta oo jirka kamid ah waxaana ugu horreya waa afka iyo ilkaha lagu cabaayo sigaarka . Qiiqa ka imaanaya cabida sigaarka waxay marka ugu horeysa waxyeelo u gaysanaysaa ilkaha kaas oo dahaarka kore ee ilkaha u gaysanayso baab’a iyo madow ku sameeysma ilkaha kadibna ciridka ku keena caabuq iyo jeermis farabadan  , markays ii badato waxyeeladu ay sigaarku u gaysanaayo afka iyo ilkaha ayaa halkaas waxaa ka dhalanaya cudurka kansarka oo ku dhaca carabka iyo bushimaha gudaha iyo banaankeda , wuxuuna keenaya cudurka inuu sii faafo oo kansarka sii waynaado ilaa uu gaaro heer qofku raashin qaadashadiisa

Waa kuwama Maxramka Xididka ku yim aada? Dumaashigu ma maxrambaa? W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

Waysadu miyey ku jabaysaa taabashad a Dumarka? W/Q cabdicasiis abiib mohamuud