Skip to main content

Posts

Ganacsiga casriga ah ee adeegsiga Internet ka W/Q CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Ganacsiga iyo adeegsiga technology yada casriga ahi waxay aad u socotay una sii kacaysay kor sanadahan dambe hadaba waa maxay faa iidada ganacsiga la adeegsanayo aalada loo yaqaan internet ka iyadoo loo isticmaalayo dari iqada loo yaqaan (world wide web ) ee loo soo gaabiyo (www)ka oo ah ta sahasha in ganacsade kastaa hada isku dayi karo inuu yeesho god uu ku iibsho ganacsigiisa halka uu markii hore ahayd inuu ku ekaado ganacsigiisu meesha uu ku leeyahay xarumo oo qofkii u yimaada ama dagan meeshaa uu xarumaha ku leeyahay intaas ka bacdina ay noqotay in ganacsigii loo helo habka wada xidhiidhka ee adeegsiga telefoonada oo qofka dalab raba u sahashay inuu alaab ka soo dalbado xarun heblaayo soona dirsado lacagta isna loo soo diro marka hashiis laga wada gaasho balse intaas oo dhan waxa ka soo daba shaac baxday tiknoolojiyad casi oo loo yaqaan business on line oo hadakaliya qofka uu ku iibsanyo alaabtiisa dalab ka internet ka uu ka dalbanayo isago isticmaalaya credit card isla markaas

soonka iyo fadligiisa W/Q عبدالعزيز ابيب محمود CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Soonka Iyo Fadliga Ramadaanka Qaybta  | 1aad Taxanaha Ramadaanka Asalamu caleykum yaa muslimiin! Sidaa dhamaantiin la wada socotaan waxaa fooda nagu soo haya bishii barakeysneyd {Ramadan}. Marka waxaa is tusay inaan mawduucyo ka hadlaaya soonka iyo bisha bareykeysan aan halkaan idin kula qeybsado, oo aan dad u wada diyaar ah noqono bishaan iyo shaqada nalaka rabo haddaan nahay muslimiin. Ee fadlan ku aqrisada faham wacan iyo qalbi xaadir ah: Muxuu Yahay Soon….. ? Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka. Wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in soon la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha soonka burriya, inta u dhexaysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo. Si loo helo oo loo gaaro ajarka wayn oo Ilaaheey uu ugu talagalay addoomadiisa soonka la yimaada, haddii aan lala imaan niyada soonka, ama aan laga reebtoomin waxyaabaha soonka buriya, sharciga Is

Axkaamta iyo Waajibaadka Soonka Iyo Fadligiisa

Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta. Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”. Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan? Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah Soonka waa tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka ruuxii beeniyana waa gaal Waxaa la soo dejiyey bisha Ramadaan Qur’aan

Xukuumada DDSI Oo Deeq Raashin Ah Iyo Agab kale Oo kaladuwan Ugu Deeqday Bulshadii Uu saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeele ee Deg Qalafo

qalaafo(tuliguuleed news)Khamiis 3da May 2018. xukuumada DDSI ayaa deeq isugu jirta raashin iyo agabkale gaadhsiisay qaarkamid ah bulshada kudhaqan degmada qalaafo kuwaas oo uu saamayn kuyeeshay fatahaadii wabiga shabeele islamarkaana uu fatahaada wabigu kasoo barakiciyay goobihii ay dagnaayeen. Iyadoo deeqdanina ay isugujirtay qaarkamid ah noocyada raashinka ah ee sida bur bariis qamadi iyo sonkor iyo waliba agabkale oo kala ah shiraacyo iyo weelasha cuntada. Hadaba, gargaarkan xukuumadu ugu deeqday bulshadaas ayaa waxaa warbaahinta uga waramay  Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Ahna Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Qalaafo Mudane Maxamed Cumar Axmed  oo sheegay in maanta ay bulshada u qaybinayaan deeq raashin ah oo ay xukuumadu soo gaadhsiisay islamarkaana ka kooban bur, bariis, qamandi iyo sonkor. Iyo waliba agab kale oo kala ah shiraacyo iyo weelasha cuntada. Wuxuuna xusay in xukuumada DDSI ay jawaab degdeg ah kasoobixisay bulshadan uu saameeyay fatahaada wabigu islamarkaana xi

macagaabis cusub (tuliguuleed news

jigjiga (tuliguuleednew)Khamiis, 3da May 2018. Waxaa  Maayorka Maamulka Magaalada Qabribayax Loo Magacaabay Mudane Mukhtaar Maxamed Cabdi  oo ah xildhibaan heer deegaan ah islamarkaana leh khibrad iyo aqoon heersare ah Sidookale  Waxaa Xilka Maayornimo Ee Maamulka Magaalada Tog-Wajaale Loo Magacaabay Marwo Ubax Rabiic Sh Maxamed . Oo ah muwaadimad u dhalatay deegaanka islamarkaana leh khibrad iyo aqoonsare oo culuumta maamulka ah. Hadaba, masuuliyiintan loo magacaabay maayorada magaalooyinka qabribayax iyo wajaale oo leh khibrad iyo aqoonta hogaamiyanimo ayaa waxaa loo rajaynayaa in xilka iyo waajibaadka loo idmaday ay si daacad ah oo wadaniyadi kudheehan tahay uga soo bixi doonaan.

Calaamadaha Lau Garto Qofka Jaceylka Dhabta Ahi Haayo W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

DHIBAATADA CABIDDA SIGAARKA ULEEYAHAY JIRKA(tuli-guuleed news

H alkaan waxaan jeclahay inaan uga hadalno  dhibaatada sigaarka cabidiisa uleeyahay jirka bani-adamka  . Ilaahay subxaanahu wa tacaala markuu xaraantimeeyay cabida daroogada sida sigaarka iyo jaadka uma uu xaraamaynin ilaa uu u naxayo adoomadiisa sababtuna ay tahay in daroogadu ay waxyeelo daran u geysato xubnaha jirka qofka isticmaala . Cabidda sigaarka waxay waxyeelo u gaysataa xubin kasta oo jirka kamid ah waxaana ugu horreya waa afka iyo ilkaha lagu cabaayo sigaarka . Qiiqa ka imaanaya cabida sigaarka waxay marka ugu horeysa waxyeelo u gaysanaysaa ilkaha kaas oo dahaarka kore ee ilkaha u gaysanayso baab’a iyo madow ku sameeysma ilkaha kadibna ciridka ku keena caabuq iyo jeermis farabadan  , markays ii badato waxyeeladu ay sigaarku u gaysanaayo afka iyo ilkaha ayaa halkaas waxaa ka dhalanaya cudurka kansarka oo ku dhaca carabka iyo bushimaha gudaha iyo banaankeda , wuxuuna keenaya cudurka inuu sii faafo oo kansarka sii waynaado ilaa uu gaaro heer qofku raashin qaadashadiisa