Skip to main content

Posts

Dareenka Maalinta Ciida iyo Carruurta aan helin fursada farxada Maalinta Ciida Ramadaan

Hordhac Walaalayaan waxaan ku jirnaa Bishii barakeysend ee Ramadan oo aynu khayraadka ku jira ka wada dheregsanahay waxna inagu seeganeyn. Hadaba ujeedayda Maduucan waa inaan is waydiino xidhiidhka farxadeed ama murugo ee ka dhexeeya carruurta iyo ciida bishan ramadan Carruurta Somalidu aad ayey ugu xisaabtamaan bisha RAMADAN sababtoo ah labada ciidood ee ciidul fidri iyo carafo waxaa carruurta ugu jira fursado aaney ka helin wakhtiyada kale. Sidaan ognahay, bulshada islaamka waxay xusnaa una dabaal degnaa labada ciidood (ciidul fidri iyo Ciidul carafo). Dabaal degyadaa waxaa ka mida inaan carruurta u iibino dhar iyo  kabo cusub , waxyaalo ay ku ciyaaraan sharaab, xaqal ciid, waxaynu u dalxiis gaynaa meelo cusub si ay farxad ugu ciidaan maalmaha ciida. Sidaaawgeed labada ciidood waa maalmaha kaliya ee ay carruurta somalidu ku xisaabtamaan. Mida kale dadka somalidu sidey u badan yihiin duruufo dhaqaale dartood,  labada ciidood gaar ahaan ciida soonfureed(ciid firdri) waa mark

Cafisku waa qayb kamida caafimaadka aadanaha W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Cafisku waa shey qaali ah waa wax loo baahan yahay in laysa saamaxo oo lays cafiyo waayo cafiska waa qeyb kamid ah nolosha baniaadanka. Cafiskana wuxuu lug ku lee yahay jaceylka waayo qof aan waligii wax saamixin ama cafin wax ma jeclaado.haddaad saamaxdo dadka waxay ahaanayaan kuwo ku leh oo mar walba kugu tashada. Soomaaalida waxay tiraadaa JACEYLKU WUXUU KU NOOLAADAA BIXIN IYO CAFIS NAFTUNA WAXAY KU NOOLAATAA HELID IYO ILOWSHO sidaa ay tahay waxaa yar dadka maantay wax cafiya waa dadka maantay iskuma kalsoona mana aaminsano ereyga cafis waxa uu yahay. Cafiska ama saamaxa waa qeyb kamid ah naxariista waaayo in lays cafiyaa xitaa dhanka diinta waa ay ka banan tahay, hadaba raaac qodobadaan soo socda sida aad u baratid cafiska waxa uu yahay iyo si aad u saamaxdo saaxiibtaa ama saaxiibkaa qalad kaa galay. 1. Cafiska wuxuu dhaqaa ama meyraa qalbi bani,aadan wuxuuna cusbooneysiiyaa jaceylka. 2. Cafiska waa midka horseeda nabada, jaceyl iyo wuxuu isku furaa qalbiyada labo

Sidee lagu abuuraa ganacsi guuleysan kara (cabdicasiis Abiib mohamuud)

SIDEE LOO ABUURAA GANACSI (how to create a business): Marka hore waxaa habboon in aan qeexno sua’aasha ah waa maxay ganacsi? Waxaa jiri kara qeexido badan waxaan se kusoo gaabsanaynaa ganacsi waa gedis ama isweydaarsi badeeco ama adeeg dhex mara laba qof iyo wax kabadan. Waxyaalaha ugu horeeya ee loo baahan yahay si loo abuuro shirkadd guulaysata waxaa kamid ah in lasameeyo nidaam ganacsi oo afka qalaad lagu yidhaa Business Planning. Waxa aynu halkan ku faahfaahin doonaa waa maxay nidaaminta ganacisgu (business plan): I . Qorshaynta ganacsiga (Business Planning): Nidaamka ganacsi inkasta oo uu leeyahay qeexido badan hadana waxaynu kusoo koobi karaa waa qoraal nidaamsan oo lagu qeexay laguna soo koobay ujeedooyinka ama marxaladaha ay marayso shirkadda cusub oo laga raadinaayo faaiido. taas oo noqonkarta nooca ay tahay shirkaddu iyo waxa ay qabanayso (general company description), waxa ay higsanayso (vision), ujeedooyinka shirkadda (objectives), nidaamka suuq geynta (marketi

Waa maxay shaqo W/Q cabdicasiis Abiib mohamuud

Waxaynu had iyo goor maqalnaa hebel ama heblaayo way shaqaysaa ama ma shaqayso ama wuu         shaqeeyaa ama ma shaqeeyo.  Hadaba waa maxay shaqadu ?  in waxan laga shaqaynaayo laysla garto miyaanya mudnayn, waayo dadka qaarba shaqada si ayay u arkaan. Nin haadaha  ah ayaa tuulo, tagay markaas ayuu nin reer leh waraystay, wuxu yidhi waar xaaskaagu ma shaqaysaa? Ninkii tuulada ayaa ugu jawaabay maya, ma shaqayso, ninkii hayada  ayaa ku yidhi oo hadaa maxay qabataa, ninkii tuulada ayaa yidhi aroortii reerka iyadaa ugu hor kacda, quraacda ayay diyaarisaa, caruurta ayay kala dirtaa, marka ay barqinka tahay ayay shaah beerta iigu keentaa, intaa ay joogto beerta ayay waraabisaa, gurigii ayay ku noqotaa oo qadada diyaarisaa, hawshii reerka ayay gashaa hadana cashadii ayay diyaarisaa, marka la wada seexdo ee ay qofwalba ku hubsato inuu joogo, ayay guriga soo xidhaa, iyadaa ugu dambaysa oo seexta, ninkii hayada ayaa ku yidhi sowdigii igu lahaa xaaskaygu ma shaqayso. Cajiib. . Gabadh ay

Ganacsiga casriga ah ee adeegsiga Internet ka W/Q CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Ganacsiga iyo adeegsiga technology yada casriga ahi waxay aad u socotay una sii kacaysay kor sanadahan dambe hadaba waa maxay faa iidada ganacsiga la adeegsanayo aalada loo yaqaan internet ka iyadoo loo isticmaalayo dari iqada loo yaqaan (world wide web ) ee loo soo gaabiyo (www)ka oo ah ta sahasha in ganacsade kastaa hada isku dayi karo inuu yeesho god uu ku iibsho ganacsigiisa halka uu markii hore ahayd inuu ku ekaado ganacsigiisu meesha uu ku leeyahay xarumo oo qofkii u yimaada ama dagan meeshaa uu xarumaha ku leeyahay intaas ka bacdina ay noqotay in ganacsigii loo helo habka wada xidhiidhka ee adeegsiga telefoonada oo qofka dalab raba u sahashay inuu alaab ka soo dalbado xarun heblaayo soona dirsado lacagta isna loo soo diro marka hashiis laga wada gaasho balse intaas oo dhan waxa ka soo daba shaac baxday tiknoolojiyad casi oo loo yaqaan business on line oo hadakaliya qofka uu ku iibsanyo alaabtiisa dalab ka internet ka uu ka dalbanayo isago isticmaalaya credit card isla markaas

soonka iyo fadligiisa W/Q عبدالعزيز ابيب محمود CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Soonka Iyo Fadliga Ramadaanka Qaybta  | 1aad Taxanaha Ramadaanka Asalamu caleykum yaa muslimiin! Sidaa dhamaantiin la wada socotaan waxaa fooda nagu soo haya bishii barakeysneyd {Ramadan}. Marka waxaa is tusay inaan mawduucyo ka hadlaaya soonka iyo bisha bareykeysan aan halkaan idin kula qeybsado, oo aan dad u wada diyaar ah noqono bishaan iyo shaqada nalaka rabo haddaan nahay muslimiin. Ee fadlan ku aqrisada faham wacan iyo qalbi xaadir ah: Muxuu Yahay Soon….. ? Soonku waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka. Wuxuuna ka mid yahay cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan. Sharciguna wuxuu soon u yaqaannaa in soon la niyaysto iyadoo Alle loogu dhowaanayo, lagana reebtoomayo oo la iska daynayo waxyaabaha soonka burriya, inta u dhexaysa marka waagu baryo iyo marka qorraxdu dhacdo. Si loo helo oo loo gaaro ajarka wayn oo Ilaaheey uu ugu talagalay addoomadiisa soonka la yimaada, haddii aan lala imaan niyada soonka, ama aan laga reebtoomin waxyaabaha soonka buriya, sharciga Is

Axkaamta iyo Waajibaadka Soonka Iyo Fadligiisa

Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta. Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”. Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan? Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah Soonka waa tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka ruuxii beeniyana waa gaal Waxaa la soo dejiyey bisha Ramadaan Qur’aan