Shah Rukh Khan oo u gurmaday cunuggii damcay inuu kiciyo hooyadiis oo dhimatay        1 Juunyo 2020        La wadaag qodobkan Facebook    La wadaag qodobkan WhatsApp    La wadaag qodobkan Messenger    La wadaag qodobkan Twitter    La wadaag         Lahaanshaha sawirka HINDUSTAN TIMES  Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Shah Rukh Khan ayaa la murugooday dhacdada ku saabsan cunug yar oo isku dayay inuu kiciyo hooyadiis oo ku geeriyootay goobta laga raaco tareennada.   Hay'adda samafalka Meer Foundation, oo uu leeyahay atoorahan, ayaa ballan qaadday inay dhaqaale ku caawineyso cunuggaas yar oo laga arkay muuqaal laga soo duubay boosteejada tareennada ee Muzaffarpur.   Ilmaha yar ayaa muuqaalka sida weyn u faafay laga daawaday isagoo isku dayaya inuu kiciyo hooyadiis oo goobta ku geeriyootay, xilli ay jiraan dhibaatooyin heysta dadka qaxootiga ah.   Meer Foundation ayaa baraha bulshada ku shaacisay sawir uu ka muuqdo cunugga yar oo la jooga ay...
hankan kala soco warar kusalaysan runta dhexdhexad kana hadla marwalba waxa taagan fadlan hamoogaan hana kamaqnaan